Maamulka magaalada Katrineholm ayaa filaya in 270 ilaa 300 oo caruur Soomaaliyeed ay yimaadaan magaalada ka dib markii heshiis ay gaareen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet in Soomaalida laga qaado shuruuda baasaboorka. Waloow aysan hubin waqtiga dhabta ah ee caruurtaan ay imaan imaanayaan Sweden ayay hadana filayaan in ay macquul tahay in ay yimaadaan xagaaga ka hor. Maamulka ayaa waxay ka walwalsan yihiin sidii ay ugu heli lahaayeen iskuulo iyo xanaanooyin iyagoo codsaday in loo kordhiyo miisaaniyada si ay u shaqaaleysiin dad cusub oo daryeela waxbarashada caruurta imaaneysa. Arintaan ay ka dhawaajiyeen maamulka Katrineholm ayaa muujineysa diyaar garowga loogu jiro caruurta iyo waalidiinta Soomaaaliyeed ee la filayo in laysku fasaxo waqtiga dhow ka dib markii Sweden ay xayirtay mideynta familada Soomaalida sanadkii la soo dhaafay.

Katrineholm: 300 oo caruur Soomaali ah ayaa imaan karta

Maamulka magaalada Katrineholm ayaa filaya in 270 ilaa 300 oo caruur Soomaaliyeed ay yimaadaan magaalada ka dib markii heshiis ay gaareen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet in Soomaalida laga qaado shuruuda baasaboorka. Waloow aysan hubin waqtiga dhabta ah ee caruurtaan ay imaan imaanayaan Sweden ayay hadana filayaan in ay macquul tahay in ay yimaadaan xagaaga ka hor.

Maamulka ayaa waxay ka walwalsan yihiin sidii ay ugu heli lahaayeen iskuulo iyo xanaanooyin iyagoo codsaday in loo kordhiyo miisaaniyada si ay u shaqaaleysiin dad cusub oo daryeela waxbarashada caruurta imaaneysa.

Arintaan ay ka dhawaajiyeen maamulka Katrineholm ayaa muujineysa diyaar garowga loogu jiro caruurta iyo waalidiinta Soomaaaliyeed ee la filayo in laysku fasaxo waqtiga dhow ka dib markii Sweden ay xayirtay mideynta familada Soomaalida sanadkii la soo dhaafay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

20 Responses

  1. Nuur says:

    Asc walaal arintani waan soo dhaweynaynaa waayo waa farxad bilowgeeda insha allah waxaan ilaah ka rajeynaynaa inuu u saqiro soomaalida oo dhan arimahooda oo iyaga caruurtooda iyo xaasaskoodaba meel kuwada noolaadaan mahadsanid asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. C/raxman Macalin says:

    Asc. Walaal waxaan kuweydiinaa waxaa la iga qaaday DNA aniga iyo Curuurtayda oo jogta sweden. Kadibna Diidmo ayey isiiyeen. Marka jimcalow hadii go aanka lasugayo noqdo mid somalida xayiraada looga qaado. Maxaan sameen karaa ma Looyar baan qabsanaa? Ma migration kaan la xiriiraa mise Dacwo Cusub baan dib u bilaabaa? Walaal jawaab iga sii arintaas? Mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. siyaad says:

    asc walaal jimacale waxad i shegta bisha apriil ee sanadkan ayay i diratay safarada swedan ee itoobiya baasboor somali ah marka hadii uu goaan so boxo ma laska dhafaya basboorka mahadsanid walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. nawaas says:

    waxaan u malenaya dad badan somali ah ayaa is weediinaya hada yaan la xiiriraa oo madama u bahanahay dna in la iga qado ama inaan dacwadeda ka waresto dadka waxaan u shegayaa ama aan ogaaday mar dhow in qofka kiiskisa yaalo maxkama eey maxkamada warqad u soo direeso ama u so dirayo migration
    qof kaloo loo diray baasabor asagana waa uu iska joojinayaa maxaa yelay uma bahno waxaa kaliya loo bahanyahay dna hadaad wax isku dhasheen hadii kalana waxey ku diraan ayaa sameeneesaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • nuur says:

      asc salan kabacdi waxaan soo gud bina anigu dadka sweden jooga ee aan sharciga ku lahayn maxalaga yidhi qofkii warbixin kahaya wanu jecelahay in uu nala taliyo fadlan wa dad badan oo ku lool jönköping jawab su gid

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Jimcale says:

    Runtii aniga sharci yaqaan ma ihi balse haddii aan fikirkeyga inku darsato, C/raxmaan waxay ila tahay in aad la xiriirto Laanta Socdaalka ka dib markii uu goaan soo baxo.

    Siyaad in baasaboor layska dhaafayo iyo inkale warbixinteeda ma hayno hada, haddii goaan soo baxo insha Allah markaas ayaan faahfaahintiisa soo bandhigi doonaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. xilkas says:

    a s c walaal waxaan raba inaan su aal kuweeydiijo jimacaale dadka aan wax isku dhalin maleesku keena mise waxaa leesku keena dadka wax isku dhalay bis waaye dadaka leesku keenaayo waxaan maqlay dadka aan waxa isku dhalin dna baa leeskaga qaada maxa kajro walaaloow tas iiga jaahilbixi hadiiiii aad awoodo mahadsanid jimacaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal horta aniga waa laysku keenayaa iyo layskuma keenayo ma dhihi karo balse hada muhiimada waxa la siinayo waa caruurta iyo waalidiinta kala maqan balse shuruuda baasaboorka way wada qabaneysaa dadka oo dhan. Haddii shuruuda baasaboorka laga qaado Soomaalida waxa jira sharci si gaar ah u qabanaya dadka aan wax isku dhalin oo oronaya waa in ay joogaan dalka 4 sano oo qofku uu shaqo haysta. Jawaabta dhabta ah iyo goaanka oo cad waxaan heli doonaa marka goaan rasmi ah la gaaryo. haddii Allah idmo.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. xilkas says:

    ok mahad sanid jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. saynab says:

    asc walaal waa ku salamay jimcaale waxaa ku waydiinayaa walaal reer kayga markii hore migration kaa ii soo diiday ka dib överk ayaa celiyay maxkamada maxmadii waxay waxaa ku idhi dadkayga waxaa ku cadaynayaa dna waxay iigu soo jawaabtay kaama qaadayno wax kastoo dhaca överkagana ma soo ceshen kartid anaga iyo miogration kuba go.aankaas ayaa wada gaar nay markaa walaal maxaan sameeyaa wax maa iiga sheegi kartaa walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal dhibaataas dad badan ayaa kula qaba marka waxay ku xirantahay haddii ay goaan gaarto dowlada Sweden, markaas ayaan heli karnaa faahfaahinta oo dhameystiran.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. saynab says:

    walaal waxay hadana ii soo qureen go.aankaaga 17 bisha ka dib ayaa gaadhaynaa go.aankaaga ee hadaad intaa ka hor ku darsanaysid wax fikir ah soo dirso walaal markaa wali kamaan jawaabin maxaan ku darsan karaa walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Walaal horta waa in aad fahantaa iyaga xitaa dhib ayaa heysta waayo shuruuda adiga ku saaran iyagana way saarantahay oo sharciga kama talaabsan karaan, ilaa maxkamada sare ama baarlamaanka uu Soomaalida ka qaado shuruuda way bixinayaan diidmada…

      ma u maleynaayo fikir aad ku darsato in uu wax ka badalayo go’aankooda balse waxaa isbedelka keenaya haddii uu yimaado goaan guud oo dadka dhan wada quseeya, marka haddii ay ku aqbalaan iyo haddii ay ku diidaanba ha xumaanin waayo dhibaatada adiga keligaa kuma heysato, insha Allah marka go’aanka guud uu soo baxo dhamaan ogolaansho ayaa la bixinayaa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. saynab says:

    walaal jisaa akalaa khayr waad mahad san tahay walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Qaasin says:

    Wa slmtihin dhaman umada somaliyed ee kuxiran webkan somaliska intas kadib waxan fila walalayal in jimcaale su aal owsan jawab uheyn aan kuwalnay marka walal jimcaale rali ahow kow midakale bal anagane yanaan dag dagin ila jimcaale dowlada uma shaqeyee waxan sugnaa wa go amada dowlada ayada awaal waxan kentay hadana qadi donta s/c

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. mahad says:

    asc wr wb… jimcaale waxaan ku waydiina aqiii…… aniga waxaa li siiyay diidmo xaaskayga in aan keensado waxaan ahay qof shaqaysto.. wadankana joogo 4 sano… marka maxkamada diidmo ayay i siisay sida baasboor baa laga bahan yahay cml.. hadda maadaama la ogolaaday maxaan samayn karaa igu soo horayso magaretion miyaan wacaa mise maxkamada ii diiday ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Mahad wali si rasmi ah looma ogolaan, heshiis ayaa la gaaray balse go’aan dhab ah wali ma soo bixin, insha Allah bisha dhamaadkeeda ayaa la filayaa in uu baarlamaankaka doodo iyo waxaa macquul ah in maxkamada sare ay go’aan soo saarto bishaan gudaheeda. Adiga shuruudii sharcigii April 15 , 2010 waad ka soo baxday balse shuruuda baasaboorka ayaa ku hortaagan oo dhamaan soomaalida qabaneysa.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. khadar says:

    sc jimcale waxan ku waydiiayay waxan jooga sweden sadex sano sharciga la idiiday ilmana wan kudhalay maxan sameeya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      cs Khadar sxb aniga horta sharci yaqaan ma ihi balse fikirkeyga ayaan ka hadlaa, arintaada ma hubo nuucey tahay oo markii hore ma guur ayaad ku soo gashay? ma wadan daris ayaad ka soo gashay oo sharci hore ku lahayd? ma isdhiibtay?

      Si kastaba ha ahaatee waxaa jira sharci soo baxay sanadkii la soo dhaafay oo faraya Laanta Socdaalka in aan dalka laga saarin waalid ay caruur u joogto inta uu sharciga sugayo. Marka faahfaahi kiiskaaga nuuca uu yahay iyo sababta laguugu diiday sharciga?

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. asad says:

    Marka hore wanku salamay jimcale anigu waxan joga Malta ciyal margins waxaa Joan Sweden waa na la iga diday ina la nolado waana la I ceshay marka halke wax ka bbilabi kora baykulatahay. Jimacale sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0