Khadafi waxa uu ahaa ninka aduunka ugu taajirsan

8

Madaxweynihii sida bahdilka ah loo qaarajiyay ee dalkaasi Libya Mucamar Al-khadafi ayaa la soo bandhigay in uu ahaa ninka aduunka ugu taajirsan. Dadka badankoodu way qirsanaayeen in uu Khadafi taajir ahaa oo xitaa waxaa u yaalay bunduq laga sameeyay dahab balse lama ogeyn in uu yahay ninka aduunka ugu lacagta badan.

Lacagta Qadafi uu ka tagay ayaa lagu sheegay in ay gaareyso 200$ bilyan oo dollar taasoo wax badan siyaado ka ah lacagta uu leeyahay ninka loo haysto aduunka in uu ugu qanisanyahay ee lagu magacaabo Carlos Slim oo ay bangiga ugu jirto lacag gaareysa 74$ bilyan oo dollar.

Khadafi ayaa lacagtiisa ku kala meeleeyay goobo kala duwan oo aduunka ah sida Yurub oo ay ugu xareysneyd lacag gaareysa 67$ bilyan oo dollar iyo 30$ bilyan oo aan la aqoon halka uu ku qariyay. Lacagtaan ayaa Khadafi waxa uu ku qoray shirkado iyo hayado dowli ah oo kala duwan iyadoo aan la garaneyn in  dib loogu soo celin karo dowlada cusub iyo in kale.

Maxay kuugu taalaa hada, iminka qabri ayuu ka jiifaa waxaas oo lacag ah. Aduunyo !!! Aduunyo!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here