Kista Galleria oo la xiray ka dib dukaan la dhacay iyo cabsi galin bambaano

Suuqa weyn ee Kista Galleria ayaa maanta dhowr saacadood la xiray ka dib markii ragg indhuhu u duuban yihiin ay jabsadeen dukaan ku yaala suuqa ka dibna goobta laga helay shey loo maleeyay bambaano.

Tuukada oo tiradooda lagu sheegay 2 ilaa 4 ayaa la sheegay in ay jabsadeen dukaan dahabka lagu iibiyo iyaga oo ka dibna baxsaday. Booliska ayaysan u suurto galin in ay qabtaan qaar ka mid ah tuukada iyadoo lagu mashquuliyay sheyga loo ekeysiiyay bambaanada oo laga qaaday Kista.

Galabnimadii ayaa loo ogolaaday dadka iyo shaqaalaha in ay dib ugu soo laabtaan suuqa. Booliska ayaa sheegay in ay hayaan macluumaad wanaagsan oo ku saabsan tuukada.

Suuqa Kista Galleria ayaa ka mid ah goobaha ay ugu booqashada badanyihiin Soomaalida ku nool Stockholm.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Jimcaale says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  2. muhanad says:

    asc wan ka xumahay web wax laga aqristo o beenso qora hadana ad dhado wan ka xumahay wan ciyarayay tasi wa mid an anshaxa saxafada ku jirin saxafadu wa inay qorta war saxa o cad marka hada kadib webkan ma aminayno wax kasta o u qoro jamcale OBS wa hadu yahay jamcale qofkan commentiga so qoray tankalena tuukada mahane wa tuugada e waxan rajenaya inta idna so pos garen warka wa inad somaliga iska saxdan wa bilahi towfiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0