Kooxda barafka Somalia oo musasal laga sameeyay

Kooxda barafka Somalia ee sanadkaan ka qeyb galaya ciyaaraha aduunka ee Bandy ayaa waxaa laga sameeyay musasal isbuucaan laga sii dayn doono telefishinka TV5. Kooxdaan oo horay looga sameeyay filimka lagu magacaabo “Trevligt Folk” ayay hada ku guuleysteen in ay filimka u badalaan musasal si toos ah looga soo deyn doono telefishinka.

Filimka Trevligt Folk ayaa noqday mid aad loola dhacay Sweden oo dhan oo soo bandhigaya qisada ka dambeysa aasaaska kooxda Somalia Bandy oo laga abuuray magaalada Borlänge kuwaasoo labadii sano ee la soo dhaafay ka qeyb galay ciyaaraha aduunka Bandy VM ee lagu qabto wadanka Ruushka. Inkastoo kooxda Somalia aysan guul ka gaarin ciyaaraha ayay hadana ku guuleysteen in ay soon bandhigaan kartida Soomaalida isla markaana ay mideeyeen soo galootiga iyo Swedishka ku nool Borlänge. Waxay tusaale wanaagsan u noqdeen bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Sweden.

Kooxda Somalia Bandy ayaa hada bisha Febraayo 10,2016 waxay dib ugu laaban doonaan ciyaaraha aduunka iyagoo ku rajo weyn in tookadaan ay ugu yaraan soo qaadan hal dhibic. Kooxda ayaa sidoo kale balan-qaaday in gool kasta oo ay dhaliyaan ay 1000kr ugu deeqi doonaan qaxootiga.

Musasalka cusub ee ku saabsan kooxda Somalia ayaa laga soo deyn doonaa TV 5, Arbacada saacadu markay tahay 21:00 . Hadaba ha moogaan oo yuusan ku dhaafin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

8 Responses

  1. abdi says:

    Arbacada maaha hubi waa khamiista 21:00

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. siraad says:

    Asc dhamaan somaliyeey. Salaan kadib waxaan leyahay grattis wiilasha somaliyeed ee kartidabadan. Waxaan umaleyna inshaa Allah in barnaamishaka lasodeyn doono15/1.hadanaan qaldaneen. Asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Kabtan matii says:

    Inteen ka fiirsanaa baraanmishkaan kanaalkee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ifka says:

    somalita waax mafahanto jimcale waxa uu yidhii waxad daawanaysan habeenimada khaamista aay tariqdu tahay 14ka bireya 21.00fiidnimo anigu xiita waan suugayay oo ilaa sanadkii hore ayuu socday xayaasinta

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  5. Fatima says:

    Tack huno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Amal says:

    Masha allaah aniga xataa waa sugaa khamiista inshaalaah tack Jimcaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  7. adooontiii alle says:

    asc dhaamman waalalaahay waan iidiin saalamay saalaanta islamka ayaan idinku salaaamay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. adooontiii alle says:

    jimcaaale tack så jättemycket

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1