Kooxda daacish oo sheegatay weerarkii Barcalona ee dalka Isbeeyn

0

Booliiska dalka Isbeeyn ayaa xaqiijiyey in dad  14 ruux ay ku dhinteen kontomeeyo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii uu qof  baabuur ku jiirsiiyey dad ku sugnaa goob dalxiiska ah oo ku taala magaalada Barcelona.

Labbo ruux oo lugu tuhunsan yahay ayaa la soo qabtay halka mid sedexaad oo kalena uu dhintay ka dib markii xabado lugu furay. Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ee Daacish ayaa sheegatay weerarkaasi ineey ka dambeeysay sida ay ku warantay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeeysa boggooda internet-ka ee kooxdan ee la baxay Amaq News Agency. Booliskana ayaa ku raad jooga dad kale oo loo maleeynayo ineey qeyb ka ahaayeen weerarkaasi. Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Kataloni ee ay ku taala magaaladda Barcelona ayaa sheegaya in boolisku sheegeen in dadka ku dhaawacmay weerarka ay gaarayaan sideetan ruux.

Kooxda Daacish ayaa weeraro ay inta badan u adeegsado gawaari dad la jiirsiiyo waxaa ay ka fulisay magaalooyin badan oo ku yaala dalalka reer Galbeedka. Tanina waa mid walaac ku abuurtay dad badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here