Ku darso magacaaga kacdoonka lagu doonayo mideynta reeraha

Ka dib warqadii ay u direen ururada ka shaqeeya arimaha familada iyo caruurta wasiirka Socdaalka Sweden ayaa Anders Lindström oo ka tirsan dalada Nätverk För Rätten Till Familjeåterförening waxa uu abuuray kacdoon internetka ah oo lagu ururinayo saxiixyaha dhamaan dadka doonaya in xal loo helo mideynta reeraha Soomaalida.

Hadaba waxaa aad u muhiim ah in dad ay saameysay arintaan iyo dhamaan inta akhrisata Somaliska.com ay ka qeyb qaataan kacdoonkaan oo ay magacooda ku daraan liiska. Ujeedka loola jeedo arintaan ayaa ah in la muujiyo dad badan ay ka soo horjeedaan shuruuda qalafsan ee Sweden dul saartay mideynta Soomaalida. Dad badan ayaa horeba saxiixay oo u badan Swedish.

Fadlan magacaaga ku dar oo u sii gudbi asxaabtaada. http://upprop.nu/KANW

Dadaalka lagama daalo, rajada allah lagama quusto. Waxaa muhiim ah in aan laga niyad jabin xaqeena oo dhamaan inta ay arintaan taabanayso iyo inteena kaleba aan ka qeyb qaadano sidii arintaan xal loogu heli lahaa waayo waxaa ku xiran mustaqbal Soomaalida ku dhaqan Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

37 Responses

  1. rabiile says:

    aniga wax ay ila tahay arintu waxa ay gacanta ugu jirtaa ilaahay ka dibna waa dawlada , Dawladuna waxa ay heshiis kala gashay arintan xusbiga dooga , markaa waa in la raadiyaa wadii loo marilahaa ,muhimaduna waxa weeye dawlada in la helo halkii laga soo gelilahaa, taasu waa fekarkayga tan kale waa iga su,aal .maxkamada sare ee migrationsverket iyo wasiirka socdaalku midkastaaba awood mawleeyahay in uu arintan wax ka bedeli karo?
    fadlan iiga soo jawaaba idin koo mahadsan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  2. maryan says:

    WAAN ITIIN SALAAMAY
    DHAMAAN
    SOMALISKA.COM SALAN BACDIGEED WAXAN IDIIN WEYDIIYAY
    CADOONKAAYAN RABA IN AAN KA QEEYBGALOXAGEE KA BUUXIIYA MAGACEEYGA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. awil says:

    waa in lamideyaa caruurta iyo waalidkooda iyo xaasaskooda, hadii kale wadankaan dadku lama qabsan doonaan.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. Dulmi diid says:

    Asalaamu caleykum

    Waxaa ceeb ah in ay dadka qaar ay ku buuxiyaan in ay Joogaan Muqdisho amo Somalia marka qaarna ay Magac been ah sida HEBEL SOmalia. Fadlan ku qor magaacaga runta ah iyo meesha aad joogto oo run si waxaan u ekaadaan wax run haddii kale waxaa loo qaadanaaa wax un leyskaga cayaaraa. Hadaan qaldamay raali ahaada koley wax sax oo wax wanaaji baan islahaa.

    Mahadsanidiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  5. C/RAXMAN MACALIN says:

    asc. dhamaan shaqaalaha webka somaliska. iyo Asxaabta kutaxan webka. Salaan kadib. Waxaan Alle ka barkaa in Culeeskan naga dulqaado. Amiin. Marka xiga waa mowduuc aad uqiimo badan dadaalka lawado hadaan laga caajisina rajo aad fiican baa kasoo bixin insha allah. Waana mahsan yihïin inta wada dadaaladaas. Ugu dambayn Shaqaalaha somaliska waad ku mahsantihiin Allaha idinka ajarsiiyo sida hagarta lahayn aad uga haqab tirteen Shacabka Somaliyeed oo ku kala sugan Aduunka Dacaladísa.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. mohamed says:

    a.s aqyaarta dhamaan , waa muhim in aan ka qeyb galno ololahaan dhamanteen , tan kale waxaa muhim ah in aan ku qorno magaceena saxda ah iyo mesha aan jogno , aduunka wuu hormaray dadka saxiixay haddii ay noqdaan tiro fican wax gal bay noqon karaan marka yaan laga cajisin aqyaarta dhaman, qofkii aan aqoonin dadka kale ha soo weydiyo

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. abdifitax says:

    walaalayaa waan ini salaamey marka hore waxaan salaan qaaliya aan undirayaa somaliska.com iyo wixii la shaqeeya oo dhan marka labaadna waxaan salaameyaa somali meel kasdoo aay joogdo ,salaan kadib walaalayaal waxaan rabaa inaan soo buuxiyo foomkan laakiin waan ka xumahay meel aan ka buuxiyo magaranayo hadii aad igu dhaantaan sxb ama walaalayaa ii soo jawaaba idinkoo lariya

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. sacdiyo yarey says:

    asc walaalayaal meelwalba ood joogtaa walaalaha muslimiintaa aniga waxa ay ilatahay wixii ilaahay nasiiyo cidna noomadiidikarto wixii ilaahay nooqadarana cidi nagamabadalikarto marka waxay ilatahay in aan kadaalin baryada alle iyo najada alle isagaa wax nasiinkara wax nadiida gaalo wax noomahayso rabigay sidii qayr kujiro hanoosahlo anaga iyo intii islaamaba amiin yaarabii soomaalidana waxaan dhihilahaa da daala garidoonteene fadlan iisoosheega meesha looga qayb qaatomahad sanidin somailska .com

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  9. mohamed says:

    abdi fitaax sxb waxad ku dhufan kartaa halkan http://upprop.nu/KANW kadib waxad tageysaa website-kooda ku qeybta dhexda ah ayad ku arkeysaa meel lagu qoro namn(magac) , e-postadress oo emailkaaga iyo weliba Ort ( degmada) marka sidaas u buuxi sxb waxa kalo oo jiro meesha hoose lagu qoraa xarfo, xarfaha aad ka arki donto ku qor meesha ay ku taalo skriv in de två orden….hoosteeda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. falisey says:

    ok way banan tahay bar yada ilahay wanad ku mahad san tahay fag radada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. xubbi says:

    Asc bahda barnaamijkan wada iyo dhamaan ummadda soomaaliyed ee jecel inay iska kaalmeeyaan dhibaataa ku haysta waddankan salaan ka dib waxaan doonaya inan ka qeyb qaato kacdoonka lagu doonayo mideynta reraha soomaliyeed xagee looga qeyb qaadanaya waa inand soo cadeywsan fadlan idinkoo mahadsan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Makiko Mohamed Abdi says:

    Asalaamucaleykum dhamaan soomaalida ku dhaqan sweden gaar ahaan kuwa dhibka na wada heysto , aniga waxaan deganahay Nykoping waxaana ahay hooyo dhibaateysan oo dadkeedi loo diiday, saas darteedna ey iigu dhaceen cudurada sokorta iyo dhiig karka.
    Waxaan raba in aan ka qeyb qaato kacdoonka lagu doonaayo mideynta reeraha anigo diyaar la ah hiil iyo hooba.
    somaliska.com waxaan idiin rajeyna darajo caali ah iyo jano aaqiro.
    waa mahadsantihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. cade says:

    aniga saan ayaan ku faraxsanahay inaan cidla la keeynin ma grty

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 4

  14. mohamed says:

    wslm @ Mamma makko waan ka xumahay i dhibatada ku gaartay tan kale niyada qeyr u sheeg wax kasta wanaag ayey ku dhamanayaan insha Alaah@ cade hadii caqligaada uu intaas ku siyay sxb waxan ku leyahay dadka wanaag kula hadal ma isaga amus

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Alasow says:

    asc dhamaan dhibanayasha oo aan aniga kamid ahay waxaa nagala doonayaa in an kadoonka badino si aan u gaarno hadaf kena waxane aad u fii naalahed banan bax soconayo 24 saac in lagu dhigo magalo kasto oo soomali dagan tahay hal waqti waxaan is leeyahay hadii taas lahelo wax badan ayaa is badalayo in shalaahu hana laducesto in ilaahey culeska uu naga qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. samiira says:

    asc dhaman umada dhiban ee dadkooda kala nolyihiin ee hadana eeyna wada nolankarin sawaba jira awgeet aniga waxan ahay hoyo somaliyet waxaa la ii diiday gabadheyda oo ah 7 jir waxaan kasoo tagay ayada ojirto 2 sano gabadheyda malin malmaha kamida ayan aya ninkeyga ooga tagay cid daris nala ehet oo asagana baxay waxaa dhacay dagaal aad uween nasib daro ninkeyga iyo cidi wey kal aqaxen cidi soma labanin waxey aden adis ababa gabadheyda mudo war kama haynin waxaan radiyaba waxan ogaday ineey cidi jogan adis waxan aday adis waxan helay gaba dheyda o mudo isa mogen hadana saniib xumo kale dowladii ayaa ii diiday waxan kacotsana swedan ineey oowladeena nookeenta ayagaba owladoda ma mogan karaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. muna maxamed axmed says:

    somalida dhamaan mel kasta ey jogto waxaan idinku salamaya asc wr wb mida xigta walal jimcale mesha lagu darsanayo inoo sii fah faahi mida xigtane wax waliba illah baa keno hadii u qer inoo yahay illah ha inoo fududeyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Hani says:

    Asc dhaman. Hore waxa lo yiri af wakana me liki aame. War dibad baxyo wawen sameya schoolada halaga jogo barlamanka hortisa sexda ila goan cad laga garayo. Waxa tahin somali dadka adunka ugu xun qof qof kanaxayo maleh. Ani waxa joga sweden i knw in wax dadaal somali wadan esan jirin wa sheeko waxe iskugu imadan marka yab waye kuwi wadanka jogay dadkodi udodi la’ o qati laga taganyahay kuwo kale sweden marapan. Ceyrtapa feel wa ugalna somaliyey dadka ma udodno ya ilahi wlhi somali somalikale ka naxayo wa wax ad uyar lkn ilah waxa ka parya dadki wa udodi wesene in mugdisho la idin wada celiyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Nuradin says:

    Fadlan cidi igudhanta ayado mahadsan waxan weydina mesha ey kuqorantahay himsida waxa laga rabo inta kale dabcan wanfahanay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  20. axmed soohaad says:

    waxaa mahad iska leh ilaah oo kaliya taa kadib waxaan u mahad celinayaa wargeska somaliska oo nooga soo hadasho arimaha iyo wax yaaabaha ku saabsan wadankaan iswedhan iyo arimaha caala,ka waana ugu mahad celinayaa waxaan ku boorinayaa in ay sidaas hada wax allaale iyo wixii ku soo kordha sida ugu dhaqsi badan hanooga soo gudbiyaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. nuuro says:

    asc waxa amahad iska leh ilaah waxaan umahad cilneyna wargeyska somliska.com
    oo naga soo tabiyo xaaladaah iswiiidhan maadama aanaaha maamooyinka iswiidhan waan kuu mahad cilneeynaa su aal meesha wax lagu buuxinyo ayaan karaabnaa oo codka lagu darsanayo eena iiga soo jawaaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Jimcale says:

    Nuuro walaal waxaad booqataa boggaan http://upprop.nu/KANW ka dibna hoos u deg oo waxaad magacaaga, emailkaga iyo magaalada aad degentahay ku buuxisaa foomka ku jira bogga.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. sacdiyo yarey says:

    waan buuxiyay foonkii ilaahay waxaan karajeynaynaa warsan inshallah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. mohamed says:

    NUradin sxb sxb hemsida waxaa laga website(shabakada internet-ka) sxb lakin qasab mahan iyadoo banaan/maran ayad ka tageysaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Nuradin says:

    Mohamed poro thankis waxbadan ayan kusalamay poro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. jamsomxas says:

    A.C somaliska.com iyo shaqaalaheda iyo shacbiga somaliyeed meel kasto oo ay joogan gaar ahaan kuwa somaliya ku dhibaateysan oo dagaaladu halakeeyeen ilaah waxaan ugu baryaaa inuu dagaalka somaliya ka jiro uu si dhaqso ah inoogu joojiyo taasi ayaa ah xalka umada oo dhan meel walbo ha joogtee.
    mida kale somaliska.com dadaka oo dhan waaa udiyaar inay ka qeyb qaataan banaanbaxani ee halkee ayay form ka ka buuxin karaa waaa inaaaad si dhaqso ah kusoo cadeysaaan.
    mahadsanidiin dhamaaantiina

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. samiira says:

    walaal halkeen fomka kabuuxin karaa inaa iisoo dirtan ayaan rabaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Jimcale says:

    Fadlan inta iinin fikradaha soo qorin akhriya mowduuca iyo jawaabaha kale ee aan kor ku qoray. Foomka waxaa laga buuxinayaa boggaan http://upprop.nu/KANW – hoos u deg markaad bogga booqato magacaaga, emailkaaga iyo magaalada aad degentahay ku qora.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. Massago says:

    YAASIINKOOW MEESHA DHANBO WAXAA HIBB ISKA SIIIYAY REER ÖREBRO DADKA LAGAMA MAQAN YAHAY AYUKAAA UGU BADAN MIYAA TOLOOW

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. faysal says:

    illaahow umada dhibaatada ka saar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  31. Okasha says:

    Salamulahi caleyka Dhamaan asxaabta waxan oran lahaa oo yaaba diidayaba in loo codeeyo qof dhiban malaha qof dhergan qof baahan kama naxo waryaada Rabi talo ku filan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  32. nasra says:

    a s c dhamaan somalida jecel in ay familada kala maqan midoobaan iyo ´dhamaan isku duba ridayaasha wargaysan somaaliska oo uu gu horeeyo jimcaale waxaan taagersanahay ururka u doodaya mideynta reeraha kala maqan waana ka mid ahay dadka waxaana rajeeynayaa in aan ku guulaysanao insha allaah RABI TALO KU FILAN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  33. mahamed says:

    asc aadaa iika mahadcelinaa howsha wayn aad noo haysiis insha allaah waanoo hagaagee yaana baryada kadaalin ilaahay waxba kuma adko asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  34. Okasha says:

    Asc dhaman asxaab waa idinkaga mahad celinayaa howshiina waxan taageersanahay kacdoonka lagu doonaya mideynta reeraha waxana Rabi ka rajeynayaa inuu sahal arintan isaga wax walbo awoodo إن ألله مع الصابرين

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  35. ibrahim says:

    asc waxan salamayaa dhamaan akhristayaasha bacda salaan wey wanagsan tahay in dhaman la is diiwaan galiyo,sida aan qabo mudo aan la garaneyn ayey qaadan kartaa waqtiga wax la ogolaanayo ,hase yeeshee waa in cadaadis xoog badan la saaraa dawladan taas si qalafsan ula dhaqanta dadka soo galootiga ah iyadoo eegeya afkaar aynaan fahmi karin dhamaanteen,hadii ay xitaa wax ogolaadaan waxa ay cadaadis ku saari doonaan in kharashka dna ay la baxaan dadkii awlaba la liitay mudo dheer oo meel lagu bahdilay iyadoo sweden ay ka fikiri karto yaa bixinaya waxaas oo dna kharash ah ,waa in hayad kasta warqad loo geeyo lagaga cabanayo in sweden lala hadlo ,arinta sweden ay ku dhaqmeyso waa mid wax u dhimaysa xiriirka mustqbalka ee danaha sweden iyo somalida taas keeni karta mustaqbalka in la yidhaahdo ma kuwii baa dadka cadaadin jiray.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  36. c/laahi cadaay maxamuud says:

    asc dhamaan waa salaaman tihiin warbaahinada qaasatan somaliska waxaan ka

    xumahay xisbiga hor isdaagsan in eey isku yimaadin reeraha kala maqan waxaan

    kacod sanaa in eey ogolaadan dadkaan kala maqan waxaa ukeeney marka hore

    taruuf aawgeed marka waa in eey fiiriyaan dhibka haaysto ayagoo mahadsan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1