Maalintii shalay ayaa waxaa kulan yeeshay xubno ka socda shabakada lagu magacaabo (Nätverket för rätten till familjeåterförening) oo ay ku mideysan yihiin ururo badan oo Soomaaliyeed iyo kuwo Swedish ah iyo xubno ka socda baarlamaanka Sweden (Riksdagen). Xubnaha shabakada ayaa kulanka dood dheer kula yeeshay xubnaha baarlamaanka oo ay ku jireen xubno ka socda xulufada talada dalka haysa iyo kuwo ka socda mucaaradka. Xubnaha shabakada ayaa su'aalo adag hordhigay mudanayaasha iyagoo dalbaday in la mideeyo caruurta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqan. Waxay dalbadeen in dadka isdalbanaya loola dhaqmo sida dadka iska dhiiba Sweden ama kuwa laga soo qaado xeryaha oo aan lagu xirin in ay aqoosnigooda cadeeyaan. Xubnaha shabakada ayaa siyaasiyiinta u bandhigay warbixino ay ka soo ururiyeen ilo kala duwan. Xubnaha siyaasiyiinta baarlamaanka ayaa isku raacay in guud ahaan ay xooga saarayaan sidii loo mideynta lahaa waalidiinta iyo caruurta. Xubnaha shabakada ayaa wax ka weydiiyay siyaasiyiinta mira dhalka heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet. Maria Ferm oo ka socota MP ayaa sheegtay in heshiiskaas uu ahaa mid guud oo ilaa hada wadal ka socda arimaha qaaska ah. Xubnaha Shabakada ayaa ku dooday in xal deg deg ah loo baahanyahay oo waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ay hada sugayaan. Siyaasiyiinta ka tirsan xulufada Dowlada  ayaa ku dooday in arimaha sharciga sida caadada ah ay waqti qaataan, xakameynta qulqulka qaxootiga ayay sheegeen in loo baahanyahay in uu mid saxan yahay. Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga Kristdemokraterna ayaa sheegtay in caruurta aan waalidkii dhalay la socon sida kuwa la soo korsaday ay xaalada adkeynayaan. Xubnaha Shabakada ayaa ku dooday in caruurta badankooda ay wataan waalidiintoodii iyo in kuwa la soo korsatay xitaa ay xaq u leeyihiin waalidkooda. Emma ayaa ku dooday in ay ka walaacsantahay in laga yaabo in caruurta laga ganacsato iyadoo arintaas ay Xubnaha shabakada u sheegeen in aysan jirin oo xiriir uusan ka dhexeyn ilmo laga ganacsado iyo xaqa caruurtu ay u leeyihiin waalidiintooda. Xubnaha shabada ayaa ku dooday in aysan fahmin sababta Sweden ay baasaboorka Soomaaliga ah u diido iyadoo aqoonsan dowlada Soomaaliya. Xubnaha ayaa sheegay in Sweden ay tahay wadanka keliya ee caqabaan wada, oo wadamada kale aysan hordhigin shuruudaan Soomaalida. Waxay intaas ku dareen in shuruudaan ay meesha ka saareyso faaidada ay leedahay magangalyada ay Sweden siiso Soomaalida. Ugu dambeyntii ayaa laysla gartay in arintaan ay u baahantahay xal degdeg ah iyadoo xubnaha siyaasiyiinta qaarkood ay soo bandhigeen in la sameyn karo xal deg deh ah oo ku meel gaara. Xubnaha baarlamaanka ayaa codsaday in loo soo bandhigo sida ay shuruuda Sweden u saameysay reeraha Soomaalida si ay ugu daraan doodooda baarlamaanka ee dhaceysa 4 May. Shabakada Nätverket för rätten till familjeåterförening oo ay ku mideysan yihiin ururo badan sida Somaliska Riksförbund, FARR, Somaliska Förening i Falköping, Somaliska.com, Somaliska Kvinnoföreningen Gävle iyo Sinaannätverket Göteborg ayaa qorsheynaya in la abaabulo mudaharaad lagu qabto Stockholm, 4 May iyadoo Somaliska Riksförbund ay codsadeen ogolaanshihii dibad baxa.

Kulan dhexmaray Shabakada u dooda xuquuqda Soomaalida iyo Xubnaha baarlamaanka

Maalintii shalay ayaa waxaa kulan yeeshay xubno ka socda shabakada lagu magacaabo (Nätverket för rätten till familjeåterförening) oo ay ku mideysan yihiin ururo badan oo Soomaaliyeed iyo kuwo Swedish ah iyo xubno ka socda baarlamaanka Sweden (Riksdagen). Xubnaha shabakada ayaa kulanka dood dheer kula yeeshay xubnaha baarlamaanka oo ay ku jireen xubno ka socda xulufada talada dalka haysa iyo kuwo ka socda mucaaradka.

Xubnaha shabakada ayaa su’aalo adag hordhigay mudanayaasha iyagoo dalbaday in la mideeyo caruurta iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee kala maqan. Waxay dalbadeen in dadka isdalbanaya loola dhaqmo sida dadka iska dhiiba Sweden ama kuwa laga soo qaado xeryaha oo aan lagu xirin in ay aqoosnigooda cadeeyaan. Xubnaha shabakada ayaa siyaasiyiinta u bandhigay warbixino ay ka soo ururiyeen ilo kala duwan.

Xubnaha siyaasiyiinta baarlamaanka ayaa isku raacay in guud ahaan ay xooga saarayaan sidii loo mideynta lahaa waalidiinta iyo caruurta. Xubnaha shabakada ayaa wax ka weydiiyay siyaasiyiinta mira dhalka heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet. Maria Ferm oo ka socota MP ayaa sheegtay in heshiiskaas uu ahaa mid guud oo ilaa hada wadal ka socda arimaha qaaska ah. Xubnaha Shabakada ayaa ku dooday in xal deg deg ah loo baahanyahay oo waalidiinta iyo caruurta Soomaaliyeed ay hada sugayaan.

Siyaasiyiinta ka tirsan xulufada Dowlada  ayaa ku dooday in arimaha sharciga sida caadada ah ay waqti qaataan, xakameynta qulqulka qaxootiga ayay sheegeen in loo baahanyahay in uu mid saxan yahay. Emma Henriksson oo ka tirsan xisbiga Kristdemokraterna ayaa sheegtay in caruurta aan waalidkii dhalay la socon sida kuwa la soo korsaday ay xaalada adkeynayaan. Xubnaha Shabakada ayaa ku dooday in caruurta badankooda ay wataan waalidiintoodii iyo in kuwa la soo korsatay xitaa ay xaq u leeyihiin waalidkooda. Emma ayaa ku dooday in ay ka walaacsantahay in laga yaabo in caruurta laga ganacsato iyadoo arintaas ay Xubnaha shabakada u sheegeen in aysan jirin oo xiriir uusan ka dhexeyn ilmo laga ganacsado iyo xaqa caruurtu ay u leeyihiin waalidiintooda.

Xubnaha shabada ayaa ku dooday in aysan fahmin sababta Sweden ay baasaboorka Soomaaliga ah u diido iyadoo aqoonsan dowlada Soomaaliya. Xubnaha ayaa sheegay in Sweden ay tahay wadanka keliya ee caqabaan wada, oo wadamada kale aysan hordhigin shuruudaan Soomaalida. Waxay intaas ku dareen in shuruudaan ay meesha ka saareyso faaidada ay leedahay magangalyada ay Sweden siiso Soomaalida.

Ugu dambeyntii ayaa laysla gartay in arintaan ay u baahantahay xal degdeg ah iyadoo xubnaha siyaasiyiinta qaarkood ay soo bandhigeen in la sameyn karo xal deg deh ah oo ku meel gaara. Xubnaha baarlamaanka ayaa codsaday in loo soo bandhigo sida ay shuruuda Sweden u saameysay reeraha Soomaalida si ay ugu daraan doodooda baarlamaanka ee dhaceysa 4 May.

Shabakada Nätverket för rätten till familjeåterförening oo ay ku mideysan yihiin ururo badan sida Somaliska Riksförbund, FARR, Somaliska Förening i Falköping, Somaliska.com, Somaliska Kvinnoföreningen Gävle iyo Sinaannätverket Göteborg ayaa qorsheynaya in la abaabulo mudaharaad lagu qabto Stockholm, 4 May iyadoo Somaliska Riksförbund ay codsadeen ogolaanshihii dibad baxa.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

33 Responses

  1. dhool says:

    waa war wanagsan ee wax soo saarkiisa allah na siiyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Fahmi says:

      haddii aad noo keentaan ama keenin wa iska caadi gabar kale kuusan qurxoon ayaan guursanayaa arintana sideed ha ahaato weligeed.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. axmed cabdalla afrax soohaad says:

    waan idin salamay marka ugu horeysa waadna ka dhabeyseen balanti aad somalida ka qadeen hadana waxaa lobahan yahay in lasi dabagalo si loga mira dhaliyo waxanna idinku hambalyeynaya guusha idin muuqata e dadala alahana inla jiro 4mayna waa ino balaan in ankaso qeyb galno stockholm in aan muujino dhiibka naheesta WABILAHI TOOWFIQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Faa,id says:

    Waa shaqo wanaagsan oo u baahan in ay ka qayb qaataan dhamaan ururadda kale ee ka dhisan guud ahaan goboladda dalkan Sweden si ay u soo bandhigaan isku duubnidooda loona arko dhibka haysta qoysaska kala maqan ee Soomaaliyeed. Inta dadaalka wadana waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin halkaa ka sii wada howsha culus.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Abdulahi says:

    waa arin macquul ah in wax laga badalo lkn banaan bax maka dhacaa stockholm waaye su,aasha? jawaabtu waa iska cadahay waxaa imaanaayo waa iska dadyar sababtoo ah somalida waxeytimaadaa goobtii lacag laga bixinaayo lkn matimaado meelmudaharaad ka dhaacyo sabab too ah waxoo diidaa in kamiro dhacdo lkn lacag hadeytahay waaba layaabaa sida goobta loosoo buuxin lahaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • ahmed says:

      kkkkk sxb qof walbo xor ayu u yahay inu mujiyo dhibka hesta camiro ad shegeso hade qof ku dhacdo wax laga qadi karo aya iska yar coz qofka dhibkisa ayu mujiya cid gumeysi kujirtana malaha anigo kula hadlaya aya imanayo iyo rer keygaba

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Ali Aar says:

    Asalaamu caleykum,

    War Rag aan rag aheyn beey rag dhaheen. Shaqaalaha Sommaliska waxaad mudeysateen Bilad Sharafeed iyo Mid geesiyeed sida aad Soomalida Sweden uga haqab tirteen warbixinada la xiriira arimaha Soomaalida.

    Guuleysatayaal waan idinku hambalyeyneyaa Shaqada wanaagsan. Insha allah Allaha qaadirka waa uun ina waafajin doonaa meesha qeyrka inoogu jiro.

    Dhamaantiin Waxaan nafteyda iyo tiinaba ugula dardaarmayaa Alle Kacabsi iyo Cibaado Suubaan.

    Wasalaamu caleykum,

    Ali Aar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. riyaan says:

    ASC DHAMAAN UMADA SOMALIYEED WAXAAN IDIN KULA TALIN LAHAA MARKA HORE ILLAAHEY ISKU XIRA MARKA LABAAD WAXAAD XUSUUS NATAAN IN UU NABIGEENA CALEYHI SALAATU WASALAAM UU DHAHAY DHUL GAALO KA HAAJIRA IDINKUNA MAANTA WAXAAD DHAMAAN TIIN KU FARXEYSAAN IN AAD KU NOLATAAN MARKA HORE ILLAAHEY U NOQDA KU DUCEYSTA HADAY SHAR IYO FIDNO U TAHAY AWLAADIINA IN AAN LOO OGOLAAN MARKASTA XUSUUS NAADA XIRIIRKA IDINKA DHEXEEYA IDINKA IYO ILLAAHEY YEY KU JIIDAN MAALMAHA YAR EE ADUUNKA LAJOOGO WAA AAKHIRO MEESHA LAGU WARAAYO EE QOF WALBOW SAHAY DIYAARSO CARUURTANA WAA KUWA LAGU WEYDIIN DOONO?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • ahmed says:

      asc abaayo saas ha dhihin wad ogtahay wadan kena meel lagu noqdo hadda maha teda kale hijradi ugu horesay e asxabta hajirto so ma ogid iney ethiopia ay uso hajiren o dhul gaalo ah marka abayo dhibato somalida hesato ayey kaso ordayan maha gaalo jaceyl

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Mahad_örebro.sweden says:

    Asalaamu caleykom dhamaan walaalaha soomaaliyeed oo dhan oo ku nool sweden wax kasta ilaahey baa ku shaqo leh teeda kale maxaa ugu hadli weydeen markasta waxa noo lagu heysto waxbaa ka jira waa og tihiin maxaa ugu wada hadli weyney oo aan iskaga qaban weyney dadka ka bac mushatara visaha , hada weyba dhacdey ee waxa danbe waa in aan ka wada hadalnaa oo aan iska qabanaa dadka xun ee nagu dhex jira hadii aan iska qabanin oo aan qabiil iyo walaaltinimo ku dhaafno sidaan iyo si ku xun ayaa inoo danbeentooda, hadii aan indhaha iska qabanin waan wada aragney dad beec mushtarey oo ka taajirey visaha waana ku fiirsaney ilaa hada reeraheena dhabta ah noola diidey waa aduunyo, dhamaan waxaan nafteyda iyo tiinaba idinku dardaarmayaa alle kacabsi iyo cibaado suuban. asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. mukhtar says:

    waxaan ku darsanaya laba fikir.
    banaanbaxa wa sax in qofku si sharci ah ku raadsado xaqiisa laakiin soomaalidu iyagoo dhiban ayay misana ka cabsanayaan xaqii ay ku banaan bixi lahaayeen ha cabsaninee kaca kaca oo soo aada banaanbaxaas.
    Tan kale atintii aad qorteen webkiina somaliska.com ee 2012 aayaa la lakeenayaa dakii waa ku wareereen ee jiliciya arintaas meesha aad ka soo xigaateen iyo sida ay ku timid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. amal ahmad says:

    asc waxan habalyo udiraa dhaman sha qalaha soomaliska sida ay nooga xaqabat ti reen aqbar tooda hadanahay soomalida ku nool wadan ka waxaaaaaaan jawaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaab ka ra baa arinta banaan baxa haday xa jirto waxaan ka imaa naynaa gobal ka köbing wxaanahay labas iyo maca limin tooda qarash ayanaga layo in ad noga sooja wab taaaaaaaaaaaan deg deg jimcaaaaaaaaaaaale byeeee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Massago says:

    ASC-Allaah waxaw dhahay qoom lama doorsiiyo ilaaa ay ayaku ay naftooda dooriyaan ma,ahee Dhibka heysto Somalida dalya dibad ma,ahin mid meel kale uga yimid Bal waa waxeey kasbadeen yaana iska saarin aniga xataaa qodaan ku leehay mana laga baxaayo ilaa Allaah loo naqdo ma-ahee o lala yimaad cibaada Alla kacabsi dhab ah si aw culeesku noga dul kaco 20 sano kabadan ayan kujurnaa colaaad,caaqibo xumo mm, kista xumoo laqaadahaayo 27-e yaan la moodin hormar iyo faaiido jirkii la heeysto jariida kama qoslo asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Xafso says:

    ASC WALAALAYAAL. SIDA NOOGA CAD QORAALKAAN DADKAN U ISTAAGEY INEY U DOODAAN XAQUUQDEENA WEY DAADAALEEN SIYAASIYIINTA WEXEY KA SII DHAADHICIYEEN BAL INEY 4TA BISHA SHANAAD CODKOODA NOOGU DOODAAN OO NOOGU HIILIYAAN SIYAASIYIINTUNA WAXEY DHEHEEN SIDAAN U FAHMEY MUUJIYA SIDA XAYIRAADAAN IDIIN SAAMEYSEY MARKA WALAALAYAAL KII DADKIISA KA MAQAN YIHIIN IYO KII HEYSTABA WAXAAN IDINKA CODSANEYNAA IN BANAANBAXAAS AAN LAGU KALA MAQNAAN SI AAN SHUCUURTEENA U MUUJINO KA SOO QAADKA ILAAH BAA LEH LAAKIIN DADAAL AYAA NALAGA RABAA INTIINA AAN LAGA MAQNEYNOOW NOO HIILIYA WALAALAYAAL OO BANAAN BAXAAS GARAB NAGU SIIYA WAXAAN NAHAY WAALIDIIN ILMAHOODII MAQAN YIHIIN SOMALISKA AAD AYAAD U MAHADSAN TIHIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Run sheeg says:

    ASC DHAMAAN WALAALAYAAL.
    JIMCAALE SALAAN, KA DIB MA FAHMIN MICNAHA BEEC MUSHTARKA DADKA, MA WAXAY ULA JEEDAAN DADKA OO DHAN BAA DENBIGA QABO MISE SOOMAALI HADDII AAD TIHIIN WAA TAQANAAN ISKA QABTA DADKA IDINKU DHEX JIRA EE KA GANACSADA FIISOOYINKA? TAAS HADDII AY TAHAY FURSADA WEY NA DHAAFTEY OO DAD BADAN AAN NAQAANO AYAA SI FIICAN UGU GANACSADEEN LAKIN INSHA ALAAH KUMA LIIBAANAYAAN ADUUNKA ,AAKHIRANA DHIB BAA U DANBEEN DOONTA, TEEDA KALE DHIB KASTA LUGAHEENA AYAA KU RAADSANEY HADII AAN SOOMAALI NAHAY ILAAHEY DHIB KA HA NAGA DULQAADO ARINKAAN GANACSIGA ARIN SAHLAN MA AHANEE, ASALAAMU CALEYKOM WARAXMATULAAHI.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. amal ahmad says:

    waxan rabaa jimcaaaaaaaaaaaaaaale inan kawaresto banan baxa wan kacodsanaa lan barka lagaahelo
    asalamu calekum

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Jawaabta waxaan kuugu soo diray emailkaaga. Dibad baxa waan ka sugayaa jawaab ururka Somaliska Riksförbund oo dalbay ogolaanshaha mudaharaadka. Maanta oo jimce ah ayay filayaan in uu soo baxo. Marka uu soo baxo ayaan soo qori doonaa insha Allah.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. saacid says:

    jimcaale waad mahadsantahay, shaqadaada waa mid qaran dadaalkaaga halkaas haka sii socdo. Beri dhawed markii aan tagay safaarada nairobi waxey igu tiri naagta arimaha sharciga bedelkiisa la xiriira waqti ayey qaadaneysaa, shalayna ragii aad is aragteen hadalkaas waa ku jirey marka waxaan raba inaan ogaado waxa waqtiga qaadanaya ma go,aanka dhaqan galintiisa hadiiba ay goaan possative noo ah soo saaraan. Mise in goaan uu soo baxo ooo dhan ayaa waqti qqaadanaya, waqtigaasna mequ noqon karaa hadiiba aad weydiisey ayaga.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. ibrahim says:

    asc dhamaan waad salaaman tihiin dadka somaliyeed ee akhrista wb kan gaar ahaan waxan salamaya jimcale ,hawsha iska dhicintu si fiican bay u socotaa waxase loo baahan yahay xog ururuin iyo khaladyada ay leeyihiin swedhishku iyo abaabul somaliyeed mid laga maqan yahay iyo mid loo joogaba waa xagga muduaharadkee ,waxa kale oo loo baahan yahay sawir gacmeed uu soo habeeyeo amiir caamir isagoo marka hore arinta si waafi ah war bixinta loo siinayo ,culeyska na ha la saaro maxkamadaha ,kuwii dadka la dooneyey in ay difaacaan ama albaab kale u furaan ayaa dheeliyey ,sida wadamada kale ee yurub qofka marka ay eegto maxkamadu arinkiisa qofkii soo gudbiyey ayey ku raacdaa ama tiraa waa khalad go,aankaas hasa yeeshee sweden sharcigeedu waxa weeye waa siduu yidhi baan ku raacsanahay ,waxana halkaa ka muuqata in si hoose xiriir jiro ,waxaana tusaale u ah marna maxkamdu wixii shaki ku jiro may soo hadal qaadin DNA taasna sideeda ayey u tahay wax aad loo weyneyo oo la yidhaahdo maxaad daaqadaasna u furi weydeen hadaad baadi naga maqan nala daydayeseen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ifraax says:

    dhaman dadka muslimka ha u gargaro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. fardowsa says:

    Jimcale waad mahadsan tahay dadaalkaaga Annagana iinsha Alaah kama daali doono howlaha aan wadno ilaahey ha nala garab galo dhamaanteen muhiimada wexeey tahay inaan muujino saameynta ay nagu yeelatey xayiraada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. saciid cali says:

    walahi horta dadaalka mayaro insha,allah keyr waalidka iyo ilmaha kala maqan waa dhib weyn sidoo kale lamaanaha kala maqan iyagana waalamid oo baahidii waa jirtaa sikastaba ha,ahaato taariikhda ayaa idiin xusi doonto somaliska.com gabdhaha gävle anders anna sinnanvarket göteborg riksforbound iyo intii kaloo gacan ka geystay dhibaatadaan wey waana ku mahadsantihiin dadaalkiina wabilaahi tow fiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. mustaf shiine says:

    arintaa waa arin wanaagsan ilahy hanooga soo qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Magacaaga...caasha says:

    waxan rabaa inan ogado faraha iyo indhaha la qaadayo inay safaarada natherland bilowday iyo inkale maadama ay sharciyadi wadankas waxyalo badan laga bedalay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. fardowsa says:

    Tack så mycket Sacid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. saciid cali says:

    tusen tusen tack så mycket fardowsa koria och jimcalle varje timer kämpa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. saciid cali says:

    caasho walaaley netherland meeshaan kama shaqeyso reer sverige dhibkooda ayaa yaalo waalaaley bal arintaan xal haloohelo waxaana lagayaabaa maamulka webka ineyna xog ka heyn netherlan balse warlaga haayo sverige marka allah kuu saqio muraadkada intii muslim ahna allah usahlo muraadkooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. qali says:

    walal beenta maxa ugu soo qorteen illahay maka baqaysaan miya 4may shirna majirin maxa dadka hunguriga uga soo riday in arintooda miiska lagu haayo wax laso warqaday xataa malahan somalida

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. saciid cali says:

    qaali dhagaha iyo indhahaa la,dahay ayaan umaleynaa taas waxaan kuu dhahaa warbaahita ma,aqrin kartid mana daawan kartid wax horta soo baro intaadan dadka eedin beenta maxaa lagaaga sa sabanaa web hal qof bulshada ayaa iska leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Massago says:

    QAALI ADUGU YAA KUU SHEEGAY INAN ASHIR JIRIN 4-TA MAJ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. mohamed says:

    mala helay warqadii ogolaashaha jimcaale dadku meela dheer dheer ayay ka imaanayaan sxb
    waqtigana waa dhawyahay ku tala galna waaa la rabaa iyo qaban qaabo sxb

    mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. nadiif maxamd cumar dude says:

    asc? waxan ahay wiil soomaaliyeed kunool dalka etopia magacayguna waa nadiif maxamed cumar dude waxan usheegayaa dadka soomaliyeed in ilahay wax bixiyo ee aysan galo wax bixin marka hadii ala idmo waxan wax ka sugno waa ilahaygii boqorka ahaa tas ogada walalayal waxay na noqon khayr insha alah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0