Kulan ku saabsan arimaha mideynta qoysaska oo ka dhacaya Stockholm

28

Shaqaale ka socda Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa ka soo qeyb galaya kulan ka dhacaya magaalada migrationsverketStockholm 2-da bisha Oktober. Kulankaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay waalidiin Soomaaliyeed oo dhibaato ka haysato mideynta reeraha iyo ururka Socialamissionen oo u dooda xuquuqda mideynta familada.

Ujeedada kulanka ayaa noqonaya in shaqaalaha Laanta Socdaalka ay warbixin ka siiyaan waalidiinta halka xaaladu marayso isla markaana ay fursad u siiyaan in ay su’aalo ka waydiiyaan arimaha la xiriira mideynta reeraha sida shuruuda labada sano, dadka aan wax isku dhalin sida laga yeelayo iyo guud ahaan wixii ku saabsan arimaha qoysaska.

Hadaba cidii qabta su’aalo la xiriira mowduucaan waa in ay ka qeyb galaan kulanka oo ka dhacaya adreeska.

Socialamissionen, Högbergsgatan 31 A, 11620 Stockholm.

Taariikhda iyo saacada: 2 oktober 2013 från kl.13- till kl.16.

Wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaa RUUN oo laga heli karo telefoonka: 07 35 65 74 38

Dhinaca kale, laanta Socdaalka ayaa shaacisay in tirada Soomaalida ee dalbaday mideynta reeraha ka yaraatay intii la filaayay. Sanadkii 2011 ayay ahayd markii ay shaaciyeen in 20,000kun oo Soomaali ah lala mideyn doono qoysaskooda balse ilaa hada waxaa dalbaday 7,340 qof oo keliya. Guud ahaan Soomaalida la filayo in ay Sweden ka dalbadaan deganaanshaha ayaan ka badnayn 8000 qof.

Sababta ka dambaysa hoos u dhacaya ayay ku micneeyeen in Soomaali badan ay go’aansadeen in aysan Sweden imaan balse sidoo kale ay jiraan shuruudaha aqoonsiga iyo in xaalada amaanka ee Somalia ay soo hagaagtay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here