Kumanaan qaxooti ah oo dib uga laabtay Finland, waa maxay sababtu?

Kumanaan ka mid ah qaxootigii dhawaan iska dhiibay wadanka Finland ayaa bilaabay in ay isaga cararaan wadankaasi oo dib ugu laabtaan wadankoodii, iyadoo ay sabab uga dhigeen qaboowga saa’idka ah ee wadankaasi ka jira iyo arimo kale. Sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters kumanaan qaxooti ka soo jeeda Iraq ayaa dib ula noqday codsigoodii magangalyada. Tirada qaxootiga dib u ceshaday codsigooda ayaa lagu tilmaamay 70% kuwa ka soo jeeda Iraq.

Wakaalada wararka Reuters ayaa wareysi ay la yeelatay mid ka mid ah shirkadaha diyaaraha u adeega soo galootiga ayuu u sheegay in qaxootigu ay dhibsadeen cimilada qaboow, cunto xumo iyo in aysan soo dhaweyn fiican ka helin dadka reer Finland. 32,000 qof ayaa iska dhiibtay Finland sanadkii tagay balse waxaa sharciga la siiyay 3700 qof oo keliya.

Maadaama kumanaan qaxooti ah ay codsadeen in dib loogu celiyo wadankoodii ayaa dowlada Finland ay bilowday in ay diyaarado u kireyso qaxootiga doonaya in ay dib ugu noqdaan Iraq.

Sidoo kale wadanka Germany ayaa laga soo sheegayaa arintaan mid la mid ah maadaama ay muddo aad u dheer qaadato in qofka sharciga la siiyo isla markaana ay ku adagtahay luuqada wadanka iyo dhaqanka.

In qaxooti badan ay dareemayaan in ay ku soo lug goeen Yurub ayaa ah mid muuqata, iyadoo qaasatan wadamadaan ay yihiin kuwo aad u qaboow isla markaana ay muddo dheer qaadato in qofka go’aan laga gaaro taasoo qofka ka dhigaysa mid cuuryaan ah oo aan safri karin isla markaan aaan waxba qabsan karin

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. faarax says:

    Fikirkeyga hadaan kadhiibto, waa sheeko been abuur ah oo kusocota qaxootiga imaan doono si niyada looga si jibiyo sideenan u imaan wadanka. Qaxooti iskood u noqdo wey jiraan dabcan lakin waa kuwa diidmo badan helay oo rajadii sharci helista kaquustay.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 6

  2. Mohamed says:

    Way ku saxanyihiin arinkaas waxayna yarayn kartaa qul-qulka tahriibka, kuwa soo luga’aya ayaa kuwaan ku quusqadani

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  3. geesi somaliyeed says:

    somalidu xilimay noqonayaan?
    xilimaan wadankeena cimilada fiicna aan helaynaa?
    xilimaa al shabaab laga tirayaa somaliya?
    xilimaa ayaa somali midoobaysaa mar kale?
    yaa somaliya u maqan?
    goorma ayaa kenya iyo ethiopia wadanka nooga baxayaan?
    goorma ayaa lasoo celin doona hablaha sucuudiga loo wado ee somaliyeed?
    goorma ayaan aduunyada ka mid noqonaynaa?
    goorma ayaan qabyaalada ka baxaynaa?
    goorma ayaa naga joogsanaysaa faragalinta shisheeye ee somalia?
    goorma ayay somalia helaysaa nin sidii gandi oo kale ah waa aan aheen nin qabiil?
    xilimaan ka gudbaynaa dhibatada, abaaraha, qabyaalada, nin jeclaysiga iyo diin ku qaraabashada? kuli su,aalahan waxay u yalan shaqsi kasta somali ah jecel dadkiisa iyo dalkiisa anigu walow aan kasoo jeedo gobolada waqooyi waxaan ahay somali dhab ah waan ku faana wanan ku farax sanahay lakiin su,aalahaas oo dhan madaxaygu u ma hayo jawaab. cidii iga cawin karta jawaabta fadlan hoos kuso qor

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  4. Yuusuf Somali says:

    ASC Dhamaan Asxaaba hadii aan Fikirkeyga ka hadlo Dadka u dhashay Wadanka iraq siiba kuwooda Sunniga ah Waa run in dib ugu laabteen wadankooda waayo iraq Amni xumo ayaa ka jirto meelaha qaar maahan iraq oo dhan sidoo kale Dadka Ciraaqiyinta ah mmaahan dad Sabool ah ani ahaa waxan arkay kuwa badan oo laabtay & kuwa iska adkeesanayo oo shaleenayo marka loo fiiriyo waxa ay wadankooda ku heesteen & waxa ay la kulmeen waayo iraq waa saudi arabi oo kale waa wadan shidaal heesto lehna Aqoon sare & caafimaad & shaqo intaba yurub waxa u Adkeesan karo dad ay dalkooda ka keentay dhaqaalo xumo sida somalida & Afghanistan ,,Afrikada qaar iwm marka ma been sanayo in carabta siiba ciraaqiyiinta in ay dalbadeen dib u celin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1