Kumanaan qaxooti ah oo isaga laabtay Sweden

12

Ka dib markii Sweden ay isbedalo ku samaysay sharciyada ay bixiso, ayaa waxaa soo badanaya tirada magan-galyo doonka dib ula noqonaya codsigooda oo Sweden isaga baxay. Dad ka badan 3500 qof ayaa dib ulan noqday codsigii magan-galyada. Qaarkood ayaa la sheegay in ay dib ugu noqdeen wadamadii ay ka yimaadeen sida Syria maadaama ay dareemeen in ay ku soo lug’goeen Yurub.

Bishii November ee la soo dhaafay ayaa 600 qof dib ula noqdeen codsigooda. Sweden ayaa u muuqata in ay noqotay meel aan soo jiidasho lahayn oo sidii hore aan loo jeclayn. Maadaama wadanka uu bilaabay bixinta sharciga ku meel gaarka ah ayaa qaxooti badan waxay u arkaan waqti dhumis in halkaan ay ku noolaadaan. Waxaa sidoo kale waqti dheer qaata inta qofka go’aan laga gaarayo taasi oo ay sii dheertahay heerka nolosha xeryaha qaxootiga oo aad u liita iyo cimilada oo qaboow noqotay.

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa aaminsan in tiro ka badan dadkaan ay isaga bexeen Sweden iyaga oo aan cidna u sheegin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa wali Sweden dhibaato ka haysataa sidii wadanka looga saari lahaa dadka sharciga loo diiday, iyadoo boolisku ay sheegeen in kumanaan qof ay dhuumaalaysi ku nool Sweden gudaheeda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here