Kumanaan qof oo iska xaadiriyay xafiiska shaqada Stockholm

14

Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ee Stockholm ayaa maanta waxaa qabsaday dad shaqo raadis ah oo gaaraya oo kumanaan ah  ka dib markii shaqaalaha Laanta ay si qaldan casuumad ugu direen 61 000 qof. Koorso gaaban oo loogu tala galay 1000 qof ayaa la doonayay in casuumada loo diro balse shaqaalaha ayaa qalad sameeyay.

Tobonaan kun oo qof ayaa iska xaadirisay xafiiska shaqada iyadoo shaqaalaha goobka markii ay la yaabeen tirada dadka ay booliska waceen. Booliska ayaa sheegay in markii ay goobta yimaadeen in xiisadu aad u kacsanayd, iyadoo dadku ay ka eedsheegteen in waqtigooda laga lumiyay.

Agaasimaha Arbetsförmedligen Clas Olsson ayaa raali galin ka bixiyay in dadka waqtigooda laga lumiyay. Xafiiska shaqada ayaa noqotay hay’ada loogu necebyahay Sweden iyadoo dadku u arkaan mid nicmo daro lacag ku qaadata.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here