LA YAAB: “Dhuxul ayuu ku shiday jikada”

20

Mid ka mid ah caruurta aan la wehlin oo lagu hayo guri ku yaala magaalada Hofors ee gobolka Gävleborg ayaa booliska lagu dacweeyay ka dib markii uu isku dayay in uu dhuxul ku shido makiinada cuntada lagu karsado dusheeda. Shaqaalaha guriga ayaa sheegay in ay dareemeen qiiq ka dibna ay arkeen wiilkaan 17 sano jirka ah oo dhuxul ku shidaya makiinada korontada ku shaqeysa.

Markii loo sheegay in makiinadu koronto ku shaqayso oo aan dhuxul lagu shidin, ayuu carooday isagoo ka dalbaday shaqaalaha in ay soo bandhigaan buuga la socday makiinada ee cadaynaya in ay koronto ku shaqayso. Markii ay shaqaalaha ka biyo diideen dalabkiisa ayaa la sheegay in uu kacay oo uu hanjabaad u jeediyay shaqaalaha isla markaana uu albaabada iyo qalabkii guriga qarbuday.

Sheekada nuucaan ah ayaa ah mid qosol leh balse marka dhinac kale laga eego ayaa waxaa soo batay takaburka ay samaynayaan dhalinyarada da’da yar ku jooga wadanka. Marar badan ayay dhacday in ay qarbudeen alaabta guriga lagu haayo. Sidee macquul ku tahay in qof Sweden ay magangalyo siisay, oo guri la dajiyay, oo cuntada loo kariyo, oo baabuur lagu qaado, oo waxkasta oo uu dalbado loo sameeyo in uu la yimaado dhaqan nuucaas ah. Taas ayaa waxaa sii dheer in la ogyahay in qaar badan aysan ahayn caruur balse ay yihiin dad qaangaar.

Ficilada dadka nuucaan ah ayaa runtii aad iiga caraysiiya. Waa dadka nuucaas ah waxa fursada siinaya in cunsuriyiintu ay nagu bataan. Bal haddii loo sheegay in aan meesha dhuxul lagu shidi karin muu iska dhaafo. Magaalada Surahammar ayaa sidoo kale ay ka dhacday in mid ka mid ah dhalinyarada da’da yar uu isku dayay in uu dab qabadsiiyo guriga ay ku noolyihiin.  Sidee u aragtaan arintaan?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here