Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) iyo Xarunta Macluumaadka Wamada Hooyo ee Norway (Landinfo) ayaa baaritaan ku sameeyay xaalada amaanka Soomaaliya. Gudi ka socday labada laamood ayaa safar xaqiiqo raadin ah ku tagay magaalada Nairobi iyagoo wareysi la yeeshay dad ay sheegeen in ay aqoon dheer u leeyihiin xaalada Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu eegay sadex arimood oo kala ah Difaaca Qabiilka, Xaalada Amaanka iyo Xaalada goobaha ay maamulaan Xarakada Al-shabaab. Xaalada ay ku noolyihiin shacabka Soomaalida ayaa lagu tilmaamey in ay ku xirantahay halka ay ku nool yihiin, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay la daris yihiin duqeyn naxariis daro ah oo ay u geystaan ciimada Dowlada iyo Amison oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah. Gobolada kale ee dagaalada ka jiraan ayaa la sheegay in qasaaraha ka dhashaa uu ka yaryahay mida Muqdisho. Xaalada goobaha ay maamulaan Al-shabaab ayaa la sheegay in kastoo aan la jecleyn hadana ay dadku nabad ku haystaan. Dhinaca kale dadka ku nool gobolada ayaa la sheegay in dhibaato abaaro iyo cunto la-aan ay haysato. Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay warbixinta in waqtiyadii dambe ay dabeecadoodii ku wajahneyd qabiilada ay isbedeshay oo ay hada bilaabeen in ay wadashaqeyn la sameeyaan beelaha. Waxaa la sheegay in beelaha yaryar ay kor u kacaan awoodooda markii ay iskaashi la sameeyaan Al-shabaab. Waxaa warbixinta lagu sheegay in xarakada ay aad u daneeyaan qorida caruurta da'dooda u dhaxeysa 12-16 sano in ay ka midnoqdaan ciidamada. Warbixinta ayaa lagu sheegay dadka baxsada Xarakada in dadka waaweyn ay qatar ugu jiraan in la dilo iyadoo caruurtana ay cinqaabaan oo keliya. Warbixinta ayaa inta badan ku saabsaneyd Xarakada Alshabaab iyo nidaamka ay u shaqeeyaan iyadoo la dhihi karo tani waxaa ka dambeeya ka dib markii Soomaalida Sweden iska dhiibtaa ay inta badan sheegtaan in ay ka soo carareen Al-shabaab. Xarakada ayaa warbixinta lagu sheegay in ay raadsadaan dadka xiriirka la leh dowlada, kuwa u shaqeeya haydaha iyo ururada reer galbeed iyo kuwa firfircoon ee qatar ku noqon kara hawlahooda. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciimada Al-shabaab aysan sharciga qaban oo iyaga ay sidii la doono u turjumaan. Waxaa warbixinta lagu sheegay in ciimada al-shabaab ay markii ay guursanayaan gabdhaha u soo maraan sida sharciga ah oo ay waydiistaan aabahood balse haddii uu diido si qasab ah looga guursado. Waxaa warbixinta lagu sheegay in ay jiraan waalidiin si rabitaan ah u siiya gabdhooda ciimada Al-shabaab. Dumarka ay ka dhintaan ciimada ayaa loo guuriyaa askarta kale iyadoo la isticmaalayo dumaal ayaa lagu sheegay warbixinta. Dhinaca Difaaca qabiilka uu qofku ka helo karo ayaa la sheegay in sanadihii 2007 ilaa 2008 barnaamijkaas uusan shaqeynayn oo aysan beeluhu qof ka difaaci karin qatar, balse waxaa la sheegay in beryahaan dambe uu soo noqday iyadoo difaaca qofka la siinayo uu ku xiranyahay goobta iyo qabiilka uu ka dhashay. Goobaha aysan maamulin Al-shabaab ee ka baxsan Muqdisho ayaa la sheegay in difaaca qabiilku uu ka shaqeeyo. Goobaha ay al-shabaab maamulaan ayaa la sheegay in qofku difaac ka helo qabiilkiisa in ay ku xirantahay xiriirka ka dhexeeya qabiilkaas iyo xarakada. Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uusan ka shaqeyn wax difaac qabiil ah maadaama dadka ku nool ay beelo badan ka soo jeedaan oo magaaladana ay u kala qeybsantahay labo dhinac. Guud ahaan xaalada Amaanka ee Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda ayaa lagu tilmaamay mid aan soo wanaagsanaan in ay ka soo darto mooyee, goobaha ay maamulaan Xarakada ayaa la sheegay in ay nabadi ka jirto balse dadku ay ku nool yihiin qasab. Dowlada iyo Amison ayaa la sheegay in ay dhibaatada duqeynta ay qeyb ka yihiin. Warbixintaan ayaa faaiido u leh Laanta Socdaalka in ay eegaan markii ay qiimeynayaan dacwada dadka Soomaaliyeed ee iska dhiiba Sweden. Warbixinta ayaa laga dheehan karaa in dacwada ay qortaan inta badan Soomaalida iyo nuxurka warbixinta in ay isleeyihiin. http://www.migrationsverket.se/include/lifos/dokument/www/110526102.pdf

Laanta Socdaalka oo baaritaan ku sameysay xaalada Soomaaliya

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) iyo Xarunta Macluumaadka Wamada Hooyo ee Norway (Landinfo) ayaa baaritaan ku sameeyay xaalada amaanka Soomaaliya. Gudi ka socday labada laamood ayaa safar xaqiiqo raadin ah ku tagay magaalada Nairobi iyagoo wareysi la yeeshay dad ay sheegeen in ay aqoon dheer u leeyihiin xaalada Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu eegay sadex arimood oo kala ah Difaaca Qabiilka, Xaalada Amaanka iyo Xaalada goobaha ay maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Xaalada ay ku noolyihiin shacabka Soomaalida ayaa lagu tilmaamey in ay ku xirantahay halka ay ku nool yihiin, dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay la daris yihiin duqeyn naxariis daro ah oo ay u geystaan ciimada Dowlada iyo Amison oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah. Gobolada kale ee dagaalada ka jiraan ayaa la sheegay in qasaaraha ka dhashaa uu ka yaryahay mida Muqdisho. Xaalada goobaha ay maamulaan Al-shabaab ayaa la sheegay in kastoo aan la jecleyn hadana ay dadku nabad ku haystaan. Dhinaca kale dadka ku nool gobolada ayaa la sheegay in dhibaato abaaro iyo cunto la-aan ay haysato.

Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay warbixinta in waqtiyadii dambe ay dabeecadoodii ku wajahneyd qabiilada ay isbedeshay oo ay hada bilaabeen in ay wadashaqeyn la sameeyaan beelaha. Waxaa la sheegay in beelaha yaryar ay kor u kacaan awoodooda markii ay iskaashi la sameeyaan Al-shabaab. Waxaa warbixinta lagu sheegay in xarakada ay aad u daneeyaan qorida caruurta da’dooda u dhaxeysa 12-16 sano in ay ka midnoqdaan ciidamada. Warbixinta ayaa lagu sheegay dadka baxsada Xarakada in dadka waaweyn ay qatar ugu jiraan in la dilo iyadoo caruurtana ay cinqaabaan oo keliya.

Warbixinta ayaa inta badan ku saabsaneyd Xarakada Alshabaab iyo nidaamka ay u shaqeeyaan iyadoo la dhihi karo tani waxaa ka dambeeya ka dib markii Soomaalida Sweden iska dhiibtaa ay inta badan sheegtaan in ay ka soo carareen Al-shabaab. Xarakada ayaa warbixinta lagu sheegay in ay raadsadaan dadka xiriirka la leh dowlada, kuwa u shaqeeya haydaha iyo ururada reer galbeed iyo kuwa firfircoon ee qatar ku noqon kara hawlahooda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciimada Al-shabaab aysan sharciga qaban oo iyaga ay sidii la doono u turjumaan. Waxaa warbixinta lagu sheegay in ciimada al-shabaab ay markii ay guursanayaan gabdhaha u soo maraan sida sharciga ah oo ay waydiistaan aabahood balse haddii uu diido si qasab ah looga guursado. Waxaa warbixinta lagu sheegay in ay jiraan waalidiin si rabitaan ah u siiya gabdhooda ciimada Al-shabaab. Dumarka ay ka dhintaan ciimada ayaa loo guuriyaa askarta kale iyadoo la isticmaalayo dumaal ayaa lagu sheegay warbixinta.

Dhinaca Difaaca qabiilka uu qofku ka helo karo ayaa la sheegay in sanadihii 2007 ilaa 2008 barnaamijkaas uusan shaqeynayn oo aysan beeluhu qof ka difaaci karin qatar, balse waxaa la sheegay in beryahaan dambe uu soo noqday iyadoo difaaca qofka la siinayo uu ku xiranyahay goobta iyo qabiilka uu ka dhashay. Goobaha aysan maamulin Al-shabaab ee ka baxsan Muqdisho ayaa la sheegay in difaaca qabiilku uu ka shaqeeyo. Goobaha ay al-shabaab maamulaan ayaa la sheegay in qofku difaac ka helo qabiilkiisa in ay ku xirantahay xiriirka ka dhexeeya qabiilkaas iyo xarakada.

Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uusan ka shaqeyn wax difaac qabiil ah maadaama dadka ku nool ay beelo badan ka soo jeedaan oo magaaladana ay u kala qeybsantahay labo dhinac.

Guud ahaan xaalada Amaanka ee Soomaaliya qaasatan magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda ayaa lagu tilmaamay mid aan soo wanaagsanaan in ay ka soo darto mooyee, goobaha ay maamulaan Xarakada ayaa la sheegay in ay nabadi ka jirto balse dadku ay ku nool yihiin qasab. Dowlada iyo Amison ayaa la sheegay in ay dhibaatada duqeynta ay qeyb ka yihiin.

Warbixintaan ayaa faaiido u leh Laanta Socdaalka in ay eegaan markii ay qiimeynayaan dacwada dadka Soomaaliyeed ee iska dhiiba Sweden. Warbixinta ayaa laga dheehan karaa in dacwada ay qortaan inta badan Soomaalida iyo nuxurka warbixinta in ay isleeyihiin.

http://www.migrationsverket.se/include/lifos/dokument/www/110526102.pdf

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. C/raxman says:

    Asc wa arin ad umuhim ah in ay lanta socdalka ogato xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dalka jimcala malaga yaabaa in ay wax iska badalan shurudihi ay dul dhigtay laanta socdaalka somalida ka dib warbixintan mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. hanad says:

    saas ayaan ka raba jimcaalow dadka maaweyli

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Dhul waa dhulkagi hooyo says:

    Asc walaalayaal meshaan wax mayaalo swedan dad uma baahno hadii aan dalkena unoqono maxaa naga halaabayo?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. saciid cali says:

    jimcaalle waaku salaamay migrationsverket warbixinta hada lasoo galiyay fiiri horta waxaan ka fahmay 12 maj maxakamada diidmadeydii qeybta hoose ee dowlada iyo miljöparty noo jilci taas mafahmin sxb jawaab ayaan kaa sugaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Mahad_örebro.sweden says:

    Asalaamu caleykom waa salaaman tihiin dhamaan
    Ka dib waxaa moodaa soomaalida in ay ka quusteen naxariista ilaahey sababtoo ah qof u duceenaayo ilaahey nabad ka dhali moqdisho ma arkeysid qofkasta waxa uu rabaa wadan shisheeye. war ilaahey u noqda oo u duceeya moqdisho in uu nabad ilahey noogu dhaliyo si aan ugu noqono uguna shaqeysano. aamiin aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. kashka says:

    Skriv ut Styrkt identitet krävs för att flytta till Sverige
    Migrationsöverdomstolen har slagit fast att styrkt identitet är ett krav för att få uppehållstillstånd på grund av anknytning, när ansökan görs före inresan i Sverige. Domen berör alla nationaliteter men påverkar i hög grad somaliska medborgare som ansöker om uppehållstillstånd för att flytta till en familjemedlem i Sverige.
    Domstolens dom den 12 maj 2011 innebär att alla som söker uppehållstillstånd från utlandet för att flytta till en person som bor i Sverige, måste kunna klarlägga sin identitet. Det betyder att om identitetskravet inte är uppfyllt måste Migrationsverket avslå en ansökan om uppehållstillstånd. Då undersöker inte Migrationsverket heller om det finns en anknytning till personen i Sverige.

    I ett beslut från den 17 mars 2011 avvisade Migrationsöverdomstolen ett överklagande från tre somaliska barn som ansökt om uppehållstillstånd på grund av anknytning till en man som de uppgivit som sin far. Det gjorde domstolen eftersom mannen i Sverige inte kunde visa att han hade rätt att föra barnens talan (var legal ställföreträdare). Det betyder att föräldrarna måste kunna visa att de har rätt att föra barnets talan, annars kan inte Migrationsverket pröva ansökan.

    Vägledande beslut
    Migrationsöverdomstolens dom och beslut har stor betydelse för somaliska medborgare. Eftersom Sverige inte godkänner några somaliska identitetshandlingar utfärdade efter 1991, blir det mycket svårt för en somalisk medborgare i utlandet att få uppehållstillstånd för att flytta till en familjemedlem i Sverige.

    I den migrationspolitiska överenskommelsen mellan regeringen och Miljöpartiet från den 3 mars i år stod det att parterna ska hitta en lösning på “problematiken med kravet på pass och styrkt identitet i familjeåterföreningsfall.”

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. saciid cali says:

    kashka warkoo keenay fasiraad ayoo ubaahanyahay qeybta hore waa diidmadi maxkamadi ey ku celisay marlabaad qeybta hoos ku qoran ayaa larabaa fasiraadeyda inta hoose ayaa naga quseyso waxey rabto hanoqotee kheyrse allah keeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Jimcale says:

    Kashka qoraalka aad halkaas ku soo qortay waa midkii horey aan uga faalooney ee go’aankii maxkamada sare ee Socdaalka. http://somaliska.com/maxkamada-socdaalka-oo-goaan-soo-saartay/

    Qaybta ugu hooseysa waxay ku saabsantahay in heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet uu raadinayo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada shuruuda baasaboorka iyo aqoonsiga marka laga hadlayo mideynta reeraha.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. aden mohd says:

    Waa Idin Salaamayaa Dhamaan Somalida Guud ahaan, gaar ahaan jimcaale iyo tiimkiisa .Su,aal Ma iska dhaaftiin Mudaaharaadkii Iyo daadladii aan ku ballansanayn?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Galdile says:

    Asalamu alykum all of u. waxad tihiin dad ilooba nimcada alle oo aan ku shugriyin waxa fiican iyo dhibta xag alle kaga timi waayo waxad tihiin dad ku farxa wanaaga kana murugooda xumaanta . markaad u dhaqantid sidii munaafiqinta . ogow noloshaada kama maqna dhibtu . munaafiqiitu waxay samayn jireen markay doonyaha ku safrayaan ayaa mowjado lagu kicin jiray kadib ayey sacabada kor u tagi jiren . markay kaso samata baxaana way iloobi jireen alle subxana watacalaa . marka somalidu iyaga ayaa gaalada isku jaajusta oo xaasidin iskugu filan . nin ku farxaa majiro walalkis waxa wanaagsan ama chanceka uu helay marka dad badan ayaa ku faraxsan dowlad la,aanta ka jirta somaliya oo alle ka barya in somaliya anay dowladi ka dhalan iyago ka baqaaya in sharciya lagala noqdo . waxaa dadkaas ka mida dadka dhaha hadaanu nahay dadka swedishka ah ama dadka americanka ah ama britishka ah dadkaaso dhalasha haysta ama sharci wayne alla kori haaye ba wayne . dadka nocaas ah waxaa ku wayn dhalashada u ka helay wadan kana faanaya snmaliya isagon wax aqoona an ka dhaxlin wadankaas islana wayna waxaa qaarkood laga yaabaa in aabayashood iyo awoowayashod ay gaajo iyo macaluul ugu dhinteen somaliya .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. ahmed says:

    ASC DHAMAAN JIMCAALE SXB ADIGA WAR BAXITADA MAR WALBO WAA HAVE MANA FAHMIN UJEEDKA MOWDUCA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0