Laanta Socdaalka oo dhaqan galisay go’aankii maxkamada sare kana jawaabtay su’aalaha Soomaalida

Laanta Socdaalka Sweden ayaa isbedel ku sameysay aragtideeda ku aadan Soomaalida iyo sida hada ka dib loola dhaqmi doono. Warbixin faahfaahsan oo ay bogooda ku daabaceen ayay kaga warameen go’aanka cusub iyo saameyntiisa.

Laanta Socdaalka oo ka jawaabtay su’aalaha ugu badan ee ay Soomaalidu way diiyaan ayay sidaan u qoreen macluumaadka.

1- Waxaa la i siiyay diidmo, ka dibna waxaan diray racfaan. Maxaa hada dhacaya?

Haddii aad racfaan xareysay oo aadan wali go’aan ku saabsan racfaanka aadan helin uma baahnid in aad wax sameyso maxkamadaha socdaalka ee hoose waxay raacayaan go’aanka cusub ee maxkamada sare.

Haddii lagu siiyay diidmo oo aadan racfaan xareysan waxaa sameyn kartaa in aad soo xareyso dacwo cusub. Laanta Socdaalku waxay go’aankeeda ku saleyn doontaa go’aanka cusub ee maxkamada.

2. Waxaa reerkeyga loo ogolaaday sharciga balse ma haystaan baasaboor ay ku soo safraan. Ma la siin karaa baasaboorka Främlingspass?

Haddii qofka loo ogolaaday sharciga degenaanshaha oo uusan haysan baasaboor dalkiisa ah oo uusan joogin dalkiisii hooyo waxaa la siinayaa baasaboorka Främlingspass xitaa haddii uusan aqoonsigiisa cadeyn.

3. Laanta Socdaalku miyay badashay aragtideeda ku wajahan baasaboorka Soomaaliga?

Maya, Sweden ma aqoonsana baasaboorka Soomaaliga ee la bixiyay ka dib 31 Januari 19931.

4. Caruurteydu baasaboor ma haystaan balse waxaan ku cadeyn karaa in aan dhalay dheecaanka DNA. Sharciga ma la siinayaa?

Haddii aad ku cadeyn kartaan in aad tihiin waalidka dhabta ah ee caruurta looma baahna cadeynta aqoonsiga. Waxaad u xareyn kartaan codsiga deganaanshaha caruurtiina.

5. Laanta Socdaalku waxay iga dalbatay in aan cadeeyo in aan ahay masuulka caruurtyeda. wali taas miyay jirtaa?

Sharciga Sweden ma ogola in caruurta ka yar 18 sano ay dacwo xareystaan. Sanadkii 2011 ayay maxkamada sare soo saartay go’aan faraya in waalidku ay cadeeyaan in ay yihiin masuulka caruurta.

Hada aragtidaas waa la badalay, ka bilaabata 18 Januari 2012 haddii waalidku cadeyn karaan DNA in ay caruurta dhaleen waxay xaq u leeyihiin in ay masuul ka noqdaan caruurta oo sharciga u dalbaan.

6. Guud ahaan reeraha aan aqoonsigooda cadeyn karin miyaa la mideynayaa?

Sharcigu waxa uu quseeyaa caruurta aan cadeyn karin aqoonsigooda in lala mideeyo waalidkood. Arintaan waxay kale oo quseysaa caruurta Sweden joogta ee waalidkooda dibada joogaan.

Dadka waaweyn, xaaska iyo ninka aan caruurta lahayn wali waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan aqoonsigooda.

7. Yaa go’aaminaya in qofku uu DNA u baahanyahay iyo in kale? Yaa bixinaya lacagta ku baxaysa? Sidee ayaa loo sameynayaa DNA?

Laanta Socdalka ayaa go’aamineysa in qofku u baahanyahay DNA iyo in kale. Sida caadiga ah DNA ma sheegayo aqoonsiga qofka balse waxa uu sheegayaa in labo qof ay qaraabo yihiin iyo in kale.

Haddii Laanta Socdaalku kaa dalbato in aad DNA sameyso lacagta ku baxaysa waxaa bixinaya Laanta Socdaalka.

Qofka dheecaanka laga rabo waxaa looga wacayaa safaarada Sweden ee ku taala dibada. Qofka kale ee Sweden jooga waxaa u wacaya Laanta Socdaalka.

Haddii aad qabto su’aalo la xiriira DNA waxaad la xiriiri kartaa Laanta Socdaalka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

112 Responses

  1. tawakal says:

    jimcale walaal wad mahad santahay inta aad somalida ad uqabatay ama ad usogud bisay adigane ilahey waxa jaceshahay hakusahlo bro waxana mudan tahay in lagusiyo bilad sharaf jimcale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. abuukar taraz says:

    Asc dhaman thanks jimcale iyo aade,yare islamkana sida uroon ale haku hagaajiyo aamin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. taWaKaL says:

    jimcale bro su.asha an kuweydinayo waxey tahay xaskada markey lenka kuxarwyneyso hadey kulaxareyso ayada abahed iyo wilyar oo ladhashay ayada kawaran arintas maxa rajo ah mase DNA ayala isagaqada ayada iyo abahed iyo wilka yar bro maxeysa lanta socdalka kadhahday arintan oo kale bro jimcale ifahfahi arintan jawab ankasuga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. IFRAH says:

    asc jicale walalkis waxan kuwaydina dadka is qaba oo an ilmo isku dhalin wax go,aana ma laga garay mise laga farisan dona ?
    2, hadii seygayga haysto ethiopian pasabort wax rajo ah ma leyahay mise waxana kama cawinayso hadii an rabo inan dacwada u sameyo hada? walal plz su,ashayda iga so jawab wana mahadsan tahay walalkis

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. IFRAH says:

    sorry waxan ula jeeda jimcaale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. cali says:

    IFRAH walal markii hore aad is dhibeysay ninkeyga waa itobiyaan matiri sweden. si loo jawabo soo sheek fadlan,,
    2. DADKA is qabo ilmaha laheyn wali go,aan malaka gaarin lakin wala balansan yahay xisbiga dooga iyo dowlada aya balansan go,aan ka soo saari doonto

    hadii aan qaldanahay ika raali noqo,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Daade-yare says:

    ASC/dhaman umada somaliyet ALLAHA, dhibka kasaro melwalba oo ayjogan? Intas kadib hadan isku dayo su’aasha walalken TAWAKAL,jawabteda intan kafahansanahay walal markahore xaskada ilmo makuledahay?hadi jawabtu tahay haa kudarista ey kudartay aabehet iyo walalket ma ahan mid an filayo in ey sweden kushaqeyso in ey walid iyo walal soqado inkasto nasibku umeshisa yahay lkn hada waxa miska saran qos ilmo iskudhalay kaliya o lagucadeynayo xirirkoda DNA. E mesha walid iyo walal shekadu matakna waxa macqul ah in ladhaho walalka iyo abaha lama ogalan e ninkaga iyo carurtada makukena wa hadi ey carur kuledahay swedena intan ka ogahay qof qangar ah umasoqado walid iyo walal tona nasibku wameshisa marka ALAHA idankaga soqoda lkn xalada waxey ilataha hada inat fahantay waxan qalday igarali ahada walalayal mahadsanit

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Abdiasis says:

    s.c.w kkkkkkkkkkkkkkkk war sxbyaal jimcaale ma aha imigration . waa maxay su,aalaha aad waydiinaysaan ? waa ninkaas wariyaha ah ee webka qora . wuxuu meelahaas ka maqlay run iyo been waxay noqotaba ayuu soo qoraa ee idinka idinkuma dhaamo war . sidii waxaad wax u waydiinaysaan qof masuul ka ah laanta socdaalka ee sweden !!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Magaca...muntaas says:

    Asc bahda somali wayn jimcale asc sual? Ayan ku waydinaya walal ilmaha qaan garay o dadka labada sano xayirna ku jiray iyaga familkoda malala midayn naya intad ka ogtahay walal iiga so jawab mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. IFRAH says:

    cali walalkis mahadsanid in badan maya walalkis waliba dacwad uma xarayn waxana iguma jiran skatka waa hada iyo kow dacawad an bilabayo ee su,ashaydu waa hadii haysto paskas miyan la mid noqonaya dadka an wax isku dhalin mise waan ka duwanan dona ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Dheeman says:

    Asalamu caleykum
    waxaa mahd is ka leh Allah S WC waxaan marka 2 aad u mahd celinayaa shabakada Soomaaliska gaar ahaan Jimcaale sida qaaligaa ee uu noogu adeegayo waxaana leeyahy abaal baan kaaga hynaa wa jzklq thnks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. faadumo says:

    Asc aad ayad umahadsantahay jimcale sida ad noola socod siiso arimaha sookordho tack waxaan ku weydiinaaaa hadii diidmo lagu siiyo oo ad kadacwooto midkale lagu siiyo ooaad kadacwooto mida sadxaaad oo aad kadacwoonkarin maxaa sameyneesaa dacwad cusub maa xareynaa mise sideyda ayan ku sugaa goaan snälla iga soo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • munira says:

      asc walal jimca aadbad umahadsantehe anigana waxan la mid ahay FADUMO 3 Jeer ayey nadiiden waxanahay qoys isdhale hada maxan samenkarna DNA GA QAANGARKA mala ogolyehe JWBTU WAA MUHIM PLZ

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. NIMCO says:

    asc wan ku salaamayaa jimcaale waxan ku waydiinayaa hal su aala waxan ahay gabadh somaaliyed oo loo diiday daganashaha wadan kan sweden aguga oo sidaasa ayaan guursaday nin markaa waxan dhalay cunug markaa hada ayey ii soo direen warqad ay leeyihiin wa inaad ka baxada wadanka waxan nad tagta migrationsvevket markaa waxan rabaa inuu ninkagu ii dacwiyo ee ma ii dacwiyi karaa walaal iiga soo jawaab su aash adiga oo raaliya jimcaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • munira says:

      ALI ado mahadsan abowe safarada kenya haday xirante xage adi karnaa tankale form cusub malaxarenaya anaka waxan ehen family ladiday d.n.a mansugna

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Cali says:

    IFRAH walal aniga waxan ogahay dad sidaasi oo kale u haystay shirciyo kale wadamo itobiyan iyo kenyan ah waxaa la yiri asalkiina isa soo cadeeya.. dhib yeena ku keenin walashey somalida xal walo heli donaa dadka singalka ah mahadsanid,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. IFRAH says:

    ALI walalkis ada igu mahadsan tahay informationkaga mahadasanid 1000 jeeeeeeeeeeeer

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. sucado says:

    hooyadey ayaa leydiidey labo jeer sanadkii hore ee hada maxaan sameenkaraa?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. fartuun says:

    asc walal jimcaale waxaan kuwaydinayaa su aal hooyada haysata caruur agoona waxaa layiri kuma jirto dadka loo ogolaaday caruurtooda marka maxaa karuna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. sawda says:

    salamcalykum
    walal jimcale waxan doonaya inan kuu waydiiyo suual kuu sabsan dhalashada sweden anigu wax cadan ah man dhiibin markii an is dhiibayay balse waxan maqalay in 8sano laa suugayo markay 8 sano dhamatana cadayn lagugu xiidhayo ee maa run baa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. dajiyya says:

    waxaan aad usalamalaa wiilka jimcale iyo dhamaan dadkoodhan waxaan rabaa hal su aal inaan waydiyo abowe caruurta aabahood dhintay hooyadoodna halkan uga dacwonayso miyaa lagu xidhayaa aabahoda dhintay inaan cadayn kakeeno aboowe ii gasoojawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. mohamed says:

    waan ku salaamay sxb jimcaale waana kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan oo aad u caawisay dadka soomalidaah.
    waxaan ku weydiinayaa goormey u furantahay waalidiinta inay dib u xareeyaan dacwadooda? mise hadaba way xarayn karaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. mamma says:

    jmcle su aal aniga caruurteeyda aabe ma u joogo waana ka tagnaay waa tahriibaay markii iigu danbeeysay meel uu ku nool yahayna ma kasaayo mudo ka bacdi nin ayaan iska guursadaay ninkii caruur ma u dhaalin asagaana caruurta ila soo koriyaay caruurtii ma la ii ogolaanayaa mise waxaa la igu xiraayaa aabaahod keen iyo xujo aaanaan ka bixi karin maxaase talo ah jmcle

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. zakariye says:

    maxeey tahay cadeeynta leyga rabo hadii xaas keeyga aay jokto kanya oo aan waxba isku dhalin oo aan rabo in ay igula nolato siwdhan ma adaama aan ku nolahay dalka siwdhan ///

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. feynus says:

    asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. feynus says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. feynus says:

    asc waxan domaya inan warbixin ka helo am aan ogdo xalada la xiirito ilmaha waxa hasta 6 caruurah waxa aan dhalay 4 ka mida ah caruurtas labada kale waxa dhashay walashe ee dhimatay 19199 labadas caruur aabahod lama yaqano aniga ayay so koriyay weligo dad kale mayasan araga weliba naskaga ayay so nugen waxa raba inana ogado sinaxa wax yelilahay hadi laga so tago ama aya caruurtas u nolana lahay waxa ay weliba oganaya waxa an ka qarinjiray oo dhan wayo weligey uma shegin inayasan aabo leheyn anigana siden u nolan dona magaranayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. feynus says:

    asc waxan domaya inan warbixin ka helo am aan ogdo xalada la xiirito ilmaha waxa hasta 6 caruurah waxa aan dhalay 4 ka mida ah caruurtas labada kale waxa dhashay walashe ee dhimatay 1999 labadas caruur aabahod lama yaqano aniga ayay so koriyay weligo dad kale mayasan araga weliba naskaga ayay so nugen waxa raba inana ogado sinaxa wax yelilahay hadi laga so tago ama aya caruurtas u nolana lahay waxa ay weliba oganaya waxa an ka qarinjiray oo dhan wayo weligey uma shegin inayasan aabo leheyn anigana siden u nolan dona magaranayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. feynus says:

    asc waxan domaya inan warbixin ka helo am aan ogaado xalada la xiiriirto ilmaha waxa hasta 6 caruurah waxa aan dhalay 4 ka mida ah caruurtas labada kale waxa dhashay walashey dhimatay 1999 labadas caruur aabahod lama yaqano aniga ayaa so koriyay weligod dad kale mayasan arag weliba naskeyga ayee so nugen waxa raba inana ogado siidaan wax yelilahay hadi laga so tago ama ey caruurtas u nolana lahay waxa ey weliba oganayan waxa an ka qarinjiray oo dhan wayo weligey uma shegin inayasan aabo leheyn anigana siden u nolan dona magaranayo marka laga soo tago ilmahaas aan dhaamin wax aan aniga dhalay ina yaqaano inan hooyadood ahay aniga waxa ku rajeynayaa ineey dowlada i ogalaan donto caruurtaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0