Laanta Socdaalka oo dhaqan galisay go’aankii maxkamada sare kana jawaabtay su’aalaha Soomaalida

112

Laanta Socdaalka Sweden ayaa isbedel ku sameysay aragtideeda ku aadan Soomaalida iyo sida hada ka dib loola dhaqmi doono. Warbixin faahfaahsan oo ay bogooda ku daabaceen ayay kaga warameen go’aanka cusub iyo saameyntiisa.

Laanta Socdaalka oo ka jawaabtay su’aalaha ugu badan ee ay Soomaalidu way diiyaan ayay sidaan u qoreen macluumaadka.

1- Waxaa la i siiyay diidmo, ka dibna waxaan diray racfaan. Maxaa hada dhacaya?

Haddii aad racfaan xareysay oo aadan wali go’aan ku saabsan racfaanka aadan helin uma baahnid in aad wax sameyso maxkamadaha socdaalka ee hoose waxay raacayaan go’aanka cusub ee maxkamada sare.

Haddii lagu siiyay diidmo oo aadan racfaan xareysan waxaa sameyn kartaa in aad soo xareyso dacwo cusub. Laanta Socdaalku waxay go’aankeeda ku saleyn doontaa go’aanka cusub ee maxkamada.

2. Waxaa reerkeyga loo ogolaaday sharciga balse ma haystaan baasaboor ay ku soo safraan. Ma la siin karaa baasaboorka Främlingspass?

Haddii qofka loo ogolaaday sharciga degenaanshaha oo uusan haysan baasaboor dalkiisa ah oo uusan joogin dalkiisii hooyo waxaa la siinayaa baasaboorka Främlingspass xitaa haddii uusan aqoonsigiisa cadeyn.

3. Laanta Socdaalku miyay badashay aragtideeda ku wajahan baasaboorka Soomaaliga?

Maya, Sweden ma aqoonsana baasaboorka Soomaaliga ee la bixiyay ka dib 31 Januari 19931.

4. Caruurteydu baasaboor ma haystaan balse waxaan ku cadeyn karaa in aan dhalay dheecaanka DNA. Sharciga ma la siinayaa?

Haddii aad ku cadeyn kartaan in aad tihiin waalidka dhabta ah ee caruurta looma baahna cadeynta aqoonsiga. Waxaad u xareyn kartaan codsiga deganaanshaha caruurtiina.

5. Laanta Socdaalku waxay iga dalbatay in aan cadeeyo in aan ahay masuulka caruurtyeda. wali taas miyay jirtaa?

Sharciga Sweden ma ogola in caruurta ka yar 18 sano ay dacwo xareystaan. Sanadkii 2011 ayay maxkamada sare soo saartay go’aan faraya in waalidku ay cadeeyaan in ay yihiin masuulka caruurta.

Hada aragtidaas waa la badalay, ka bilaabata 18 Januari 2012 haddii waalidku cadeyn karaan DNA in ay caruurta dhaleen waxay xaq u leeyihiin in ay masuul ka noqdaan caruurta oo sharciga u dalbaan.

6. Guud ahaan reeraha aan aqoonsigooda cadeyn karin miyaa la mideynayaa?

Sharcigu waxa uu quseeyaa caruurta aan cadeyn karin aqoonsigooda in lala mideeyo waalidkood. Arintaan waxay kale oo quseysaa caruurta Sweden joogta ee waalidkooda dibada joogaan.

Dadka waaweyn, xaaska iyo ninka aan caruurta lahayn wali waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan aqoonsigooda.

7. Yaa go’aaminaya in qofku uu DNA u baahanyahay iyo in kale? Yaa bixinaya lacagta ku baxaysa? Sidee ayaa loo sameynayaa DNA?

Laanta Socdalka ayaa go’aamineysa in qofku u baahanyahay DNA iyo in kale. Sida caadiga ah DNA ma sheegayo aqoonsiga qofka balse waxa uu sheegayaa in labo qof ay qaraabo yihiin iyo in kale.

Haddii Laanta Socdaalku kaa dalbato in aad DNA sameyso lacagta ku baxaysa waxaa bixinaya Laanta Socdaalka.

Qofka dheecaanka laga rabo waxaa looga wacayaa safaarada Sweden ee ku taala dibada. Qofka kale ee Sweden jooga waxaa u wacaya Laanta Socdaalka.

Haddii aad qabto su’aalo la xiriira DNA waxaad la xiriiri kartaa Laanta Socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here