Laanta Socdaalka oo Facebook u isticmaalaysa baaritaanka magangalyada

Shaqaalaha laanta socdaalka (Migrationsverket) ayaa fasax loo siiyay in ay isticmaali karaan kombutarkooda shaqada si ay booqdaan Facebook iyo aaladaha kale ee internetka marka ay samaynayaan baaritaanka magangalyada. Shaqaalaha ayaa waxay awoodi doonaan in ay booqdaan bogga qofka maganlyo doonka ah uu ku leeyahay Facebook oo ay isticmaalaan waxyaabaha uu ku qoray halkaasi.

Horay ayay mararka qaar Migrationsverket isticmaali jidhay Facebook balse muhiimad weyn ma aysan siin jirin balse hadda ayay u muuqataa in ay Facebook u isticmaali doonaan in waxyaabo badan ay ka ogaadaan qofka magangalyo doonka ah. Waxay sheegeen in sharciyan aysan jirin wax ka hor istaagaya in ay baaritaankaan sameeyaan.

Waxaa waajib noqon doonta in ay qofka ogeysiiyaan macluumaadka ay ka soo qaateen Facebook. Mar la waydiiyay gacanyare ka mid ah Laanta Socdaalka in la aamini karo waxyaabaha ku qoran Facebook ayay ku jawaabtay in dhamaan macluumaadka qofka ku saabsan ay muhiim tahay marka baaritaanka la sameynayo.

Haddaba haddii aad magangalyo ka dalbatay Sweden, waxaa muhiim ah in aad dib u eegto waxyaabaha aad ku qortay Facebook iyo waxyaabaha aad u sheegtay Laanta Socdaalka in aysan is-qilaafsanayn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 4 Thumb down 15

  2. Osman says:

    Waa macqool hadey cinwaanka emailkaada o qorto in ay facebookaada heli karaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. Reer xamar says:

    Jiif diid.. Hada maa baadiya ka timid..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. siraad says:

    Ina adeer adunka waa hormaraay meshaad joogto xata waa lojeeda markaan.ew iska jir caydana waa xaraane ogoow.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. mubarik cy says:

    kuwana sheekadii norwey may bilabeen qofka waxa fiican horta inu is wafajiyo informationku shegtay iyo waxa scaial media ugu qoran tasi wa muhum markasta xata qofka magangaly lasiiyey dadkan iyaga wa iskadacad oo facebok iwm hadu dhulka xaaro waxu qorta dhulxaadhe inakuna muhimad masiino wxd arkaysa qof somalia kayimi oo iskaga qortay från USA ama stadied at Cambridg university
    wiil waxa jira rer nowrey ah oo waxda socdalka UDI ay ldabagal ku sameysay barta facebookgisa kadibna lagusiyey nagative kadb markii ay islahaan wahayen magaladu shegtay inu kayimi iyo magalada facebooka uu ku qoratay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Ifraah says:

    Lool waa wax lagu qoslo somalida Facebook bashal ayeu u sameystan qof ku dhashay somaliya aya ku qoranaya in uw meel kle k dhashäay
    Halkiii qof 2000 oo qof syuw sxb layahay 20 uu yaqaan ita kle aqoon iska daaye islama haflan meesha uunbuw iskaga jira wax aysan aheyn iyo waxaysal öahwyna waa shegtan swedan aealbo waa doqomo wanadaalayan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. somali says:

    Laxda @Jiif diid wadato jaahilnimo ayaad ku darsatay aqli yari.
    Migrationsvarket qof waliba halka uu ku noolyahay waa ka war haayaan taas ayaana u fududeyneyso iney helaan ciwaanka FB iyo website yada uu booqdo qofku.
    IP addres wax la yiraahdo ayaa jiro, marka inta aadan dadka aflagaadeyn bal isku day in aad jaahilnimada kaa muuqato iska kala yareeyso..

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Momahud ali Jirde says:

    waxaas naf wayn mallaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. Mr jeylani says:

    Asc somaliyey ma aqan ninkan ma luqadusan aqon mise waajihil mise wuxuu jecelyahay inuu somalida walwal ku abuuro wlh webkan hadu saan kusi socdo anaba dacweynayo. Migaritionsverget waxey yirahden qof maclumad kiisa social media karidinena ee ma dhihin somalida fb bareyna oo maclumad kala ao baxeyna. Tan kale naagta kajawabeysa suaaala waxey tiri dabcan informationka dhan sax manoqon karo ama laguma kalsonan karo lkn wan isku dayena inaan saa u aragno qofka ugu so bandhigno. Marka somalida naxdinta kadaya.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  10. Faarax says:

    Nin eelaay isku dhiibay oo faceboogisa calanka somaliland u saaran waan ogaa ineey dhibaato keeneyso. Kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  11. Faiza says:

    Kkkkkkkkkkk wey dhacda

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  12. Nouradin says:

    run ahaanti arinkan Facebook ga ee la baarayo maha mid ay Hada si rasmi ah ay ubilaabayaan waa mid aan ku tilmaami karo mid soo jireen aha labadi sano ee udanbeyay waxa laga yaaba in aanay usoo bandhigin mar hore ha dabcan anay igu dhacday run ahaanti waa arin aad looga xumaado waxaan arinka u qaabilsan cadaymaha nin la dhaho naanaystiisa kynan sidu isheegay waxana malinkii cadaymaha la itusayey fadhiyey kynan iyo gacan yar ah haayada socdaalka run ahaanti ha la is ilaaliyo hana laga taxadaro FB waxa idinku qoran iyo waxad ku qori rabtaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0