Laanta Socdaalka oo Facebook u isticmaalaysa baaritaanka magangalyada

12

Shaqaalaha laanta socdaalka (Migrationsverket) ayaa fasax loo siiyay in ay isticmaali karaan kombutarkooda shaqada si ay booqdaan Facebook iyo aaladaha kale ee internetka marka ay samaynayaan baaritaanka magangalyada. Shaqaalaha ayaa waxay awoodi doonaan in ay booqdaan bogga qofka maganlyo doonka ah uu ku leeyahay Facebook oo ay isticmaalaan waxyaabaha uu ku qoray halkaasi.

Horay ayay mararka qaar Migrationsverket isticmaali jidhay Facebook balse muhiimad weyn ma aysan siin jirin balse hadda ayay u muuqataa in ay Facebook u isticmaali doonaan in waxyaabo badan ay ka ogaadaan qofka magangalyo doonka ah. Waxay sheegeen in sharciyan aysan jirin wax ka hor istaagaya in ay baaritaankaan sameeyaan.

Waxaa waajib noqon doonta in ay qofka ogeysiiyaan macluumaadka ay ka soo qaateen Facebook. Mar la waydiiyay gacanyare ka mid ah Laanta Socdaalka in la aamini karo waxyaabaha ku qoran Facebook ayay ku jawaabtay in dhamaan macluumaadka qofka ku saabsan ay muhiim tahay marka baaritaanka la sameynayo.

Haddaba haddii aad magangalyo ka dalbatay Sweden, waxaa muhiim ah in aad dib u eegto waxyaabaha aad ku qortay Facebook iyo waxyaabaha aad u sheegtay Laanta Socdaalka in aysan is-qilaafsanayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here