Laanta Socdaalka oo filaysa Soomaali badan in ay yimaadaan Sweden sanadka 2012

41

Laanta Socdaalka ayaa kor u qaaday tirada dadka la filayo in ay deganaansha ka codsadaan Sweden sanadka 2012 iyadoo taasi ay sabab u tahay go’aankii maxkamada Socdaalka ee bishii hore.

Waxaa la filayaa in 45% ay siyaado dadka sanadkaan dalbanaya deganaanshaha Sweden oo ay sabab u tahay qaraabadooda oo halkaan ku nool. 59,500 ayaa la filayaa in ay dacwo soo xareystaan. Siyaadada ayaa Laanta Socdaalku ku macneysay Soomaalida oo la filayo in ooda laga qaado ka dib go’aankii maxkamada sare ee soo baxay 18 bishii Janaayo.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay horey u xareysnaayeen codsiyo badan oo la diiday ka dib markii ay maxkamadu shuruuda adag hordhigtay Soomaalida sanadkii 2010. Migrationka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin siyaadada la filayo in ay ka timaado Soomaalida.

Laanta Socdaalka ayaa sidoo kale dowlada ka codsatay 100 milyan oo karoon oo dheeri ah si loola tacaalo dadka dheeriga ah ee la filayo in ay yimaadaan Sweden sanadkaan.

22 bishaan Febraayo ayay ahayd markii ay Laanta Socdaalku si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhaqan galinayso go’aankii maxkamada oo faraya in dadka caruurta leh laga qaado dheecaanka DNA.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here