Laanta Socdaalka oo joojineysa qaadashada lacagta cadaanka

5

Ka bilaabata 15 Juni ayaa Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) waxay joojineysaa qabashada lacagaha cadaanka ah iyagoo dhamaan xarumahooda dhigi doonaa qalabka lagu isticmaalo kaarka bangiga. Dadka dalbanaya baasaboorka, dhalashada iyo degenaanshaha ayaa laga doonayaa in ay lacagta ku bixiyaan kaar.

Dadka aan ku bixin karin kaarka ayaa waxaa la siin doonaa warqad ay lacagta kaga soo diri karaan bangigooda balse hawshooda lama bilaabi doono ilaa lacagta ay soo gaarto Migrationsverket.

Wixii faahfaahin ah waxaad ka akhrisan kartaa bogga Laanta Socdaalka Migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here