Laanta Socdaalka oo ka war heshay dad baasabooro Maraykanka haysta ay iska dhiibay Sweden.

0

Sida uu qoray wargeyska Expressen. Qaar ka mid ah dadka magangalyada ka raadsada dalka Sweden ayaa waxaa ka mid ah dad ka yimid dalka maraykanka, oo ka soo jeeda dalka Soomaaliya. Xitaa marar qaarkood waxaa dhacda in dadka sheeganaya in ay Soomaaliya ka yimaadeen aysan waligood lug dhigin dalkooda.

“Somali kuma aysan hali karin, xitaa aniga ayaa kala barayay Muqdisho intaysan galin waraysiga migreeshinka” Ayuu yiri mid ka mid ah qaxootiga Soomalida oo la kulmay dadka haysta dhalasha Maraykanka oo ay kaamka iskula jireen.

Ninkaas sheekadiisa waxaa cadeeyay Michael Ribbenvik oo ah lataliye xaga sharciga oo ka tirsan Hay’ada Socdaalka.

“Waxaan qabanay tobonaan dadkaas ah, Ma jirto wado ay dadkaas halkaan sharci uga heli karaan” Ayuu yiri Michael Ribbenvik.

Warkan waxaa qoray wargeyska Expressen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here