Laanta Socdaalka oo ka warbixinaysa Soomaalida iyo sababaha ay u yimaadaan Sweden

Barnaamij cusub oo ay bilowday Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa lagu soo bandhigayaa wadamada iska dhiiba Sweden iyo sababaha ka dambeeya in ay halkaan yimaadan. Barnaamijkaan ayaa lagu bilaabay macluumaad dheer oo looga hadlayo Soomaalida iyo sida ay ku yimaadeen Sweden.

Macluumaadka ayaa lagu bilaabay taariikh ku saabsan Soomaaliya iyo qilaafaadka ka jira. Waxaa laga waramay shacabka Soomaalida, qabiilada iyo diintooda. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu faahfaahiyay qabiilada laga tirada badanyahay iyo taariikhda siyaasada Soomaaliya hada iyo hore.

Mar laga jawaabayay suaasha ah Maxay Soomaalidu isaga dhiibaan Sweden? ayaa jawaab looga dhigay hadalada ay Soomaalidu yiraahdaan marka ay isdhiibaan. Waxaa lagu sheegay in inta badan ay sheegtaan in ay ka soo carareen Al-shabaab ama ay ka tirsanyihiin beelaha laga tirada badanyahay. Dumarka ayaa la sheegay in ay inta badan sheegtaan dhibaato lagula kacay sida kufsiga iyo jirdilka. Soomaali badan ayaa iyaguna caruur isku dhiiba ayaa warbixinta lagu yiri.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qeyb loogu magacdaray “Soomaalida Sweden” halkaasoo lagu faaleeyay tirada Soomaalida wadankaan ku dhaqan hada iyo xiligii hore. Intii u dhaxeysay 2000-2010 ayaa warbixinta lagu sheegay in 25500 soomaali ah ay iska dhiibeen Sweden. Sanadkii 2000 ayaa waxaa Sweden iska dhiibtay 260 qof oo keliya halka 2001 ay iska dhiibeen 525 qof. Isbedalka ugu weyn ayaa dhacay sanadkii 2007 xiligaas oo ay Soomaali gaareysa 3349 qof iska dhiibeen Sweden iyadoo tiradii ugu badneyn ay iska dhiibeen sanadkii 2010 oo gaareysa 5553 qof.

Soomaali badan ayaa sidoo kale waxay dacwad u dalbeen reerahooda ayaa warbixinta lagu yiri. Warbixinta ayaa lagu sheegay in sanadkii 2010 ay Soomaalida aan dhalasahda Sweden lahayn gaarayeen 30800 halka sanadkii 2000-2010 ay dhalashada Sweden qaateen 1400o qof.

Ugu dambeyntii ayaa warbixinta lagu soo gabagabeeyay in maanta Soomaalida intooda badan aysan suurto gal u ahayn in lala mideeyo reerahooda maadama aysan cadeyn karin aqoonsigooda balse heshiiskii ay gaareen dowlada iyo xisbiga deegaanka ayaa xalin doona arintaas sanadka 2012.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Abdulkadir says:

    Salaan Kabdi,

    Waxaan aaminsanahey in goaamada ay qaataan saraakiisa imigrationka iyo kuwa socdaalka ee bixiya travel documentiga inuusan is waafaqsaneen. Dad badan oo documentigooga laga ogolaadey markii ay wadanka soo galayeen, ayaa haddana la diidey markii ay travel documentia codsadeen. Waa hal maamul oo hadana leh, aragtiyo kala duwan. Taas waa mid aan u arko ania arin aan wanaangasneen.

    Midda kale in mudo dheer ay qaadato in dadka dadkooda loo mideeyo, waa wax ka soo horjeeda xeerka xaquuda baniaadamka ee wadankan. Waxaan ku talinayaa in waxbadan laga bedelo aragtiyada familka dadka dadkooda maqanyahey,

    Abdulkadir

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. Khadija says:

    Waxaan rajeynayaa in sannadka danbe haddii Alle idmo ay qoysas badan oo soomaali ahi dib u midoobaan. Firxadka waxaa noogu sababa waa dagaalada aan dhammaadka lahayn ee wadankeenii ka socda ee Allow nabad waarta wadankeena nooga dhali Aamiin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 0

  3. cade aweys says:

    asc dhmaan sxbta qaastan baahda somliska
    arintaan waa arin aad u culus waa sidaan is leeyahay
    maadaama ee adag tahay in in caruurta waalidkood lala mideeyo
    inkastoo taasi oo jirti hadana doolada iyo xisbiga ee gio,aan gaareen
    waxaan rajeenyaa in xal la gaari doono maalin uun

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. tirada somalida ee somali says:

    Asc wa idin salaamay dhamaan…jimcaale mar dhaxdaas waxa so qortey tirada somalida ee sweden inay yihin 30000 meelahas, qoraalkan waxa ku cad in ay gaarayaan ku dhawaad ilaa 55ooo, mide sax ah oo an qaadanaa mahadsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. abdulkadir says:

    Asc tirada guud ee Soomaalida dagan Sweden qiyaastii 45000 qof miyey gaarayaan oo ku dhawaad15000 ay heleen dhalashada Sweden? Jimcaale ma sidaasaa mise qalad ayaan u fahmay sxb?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. ramla says:

    asc dhamaan somali weyn jimcaale waxan ku weydinayaa reraha somalida waala mideeynayaa ayaan ogaaye hadane mawaxay keneen malala mideenkaro dadka rerahooda laanta socdaalka inteen u raacnaa waxay rabaanba hadii aay malinba kenayaan isoo jawaab walal adigo rali ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Ahmed says:

    Sweden wa fuking country lkn insha alah ana tusayo in sharcigodu usan waxba ehen o wax weliba ale mayee usan gal waxba mamuli karin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Ahmed says:

    Sweden wa fuking country lkn insha alah ana tusayo in sharcigodu usan waxba ehen o wax weliba ale mayee usan gal waxba mamuli karin ayaga yabi dona markii an si sharci daro ah wadankoda kuso…………….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Mustafe says:

    Asw salaan ka dib waxa aan u arka in meel kasta oo nabad iyo diini taalaba lugu noolan karo lkn qiimaynta mid saxa maaha waayo waxa aynu ognahay in bulshada halkaasi ku dhaqan aanay ahayn bulsho muslima waad mahadsantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. jidle says:

    jimcaale waan ku salamay sxb waxaan jeclaan lahaa meeshaad ka soo xigatay warkaan inaad sheegto waayo looma jeedo halkaad ka keentay inta badana waxaad soo bandhigo ma faaf reebna sida la rabo ama aad rabto wax ha u qorin xaqiiqada ka hadal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Qays says:

    As dhamaantii walaalayaal marka hore aan idin xasuusiyo in aysan ku jiri gacan gaalo mideenta reerah kala maqan balse ay ku jirto gacanta alle waayo illaah ayaa garan meesha qarku kujiro isigaan ina waa fijin in shaaa allaah waa in aan ku sabranaa qadarta alle hadayna qeer noo aheen illaah anag fugeeyo waayo dhiku uu wada haystaa intii islam ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. craxaman rooble says:

    asc asxaabta jimcaale adoo raali ah iiga jawab suashaan maxkmada aya waraq soo dirty waraqada waxa ku qoran goan ayan ka garnay agreshinkane waan u dirnay goaankada xaqayadna u leedahay in familkada laguu keeno waxa kaloo ku qoran warqada hadii aay magareshinka ee ka shakiyaan waxae xaq u leyahiin in la idin baaro ilmaha iyo 2 walid marka maxa ka fileeynaa magareshinka ileeyn maxkamada goaan ayeey naga gaartay iga jawaab adoo raali ah jimcaale mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. cusmaan says:

    Asc dhamaan aqayaarta…Jidle sxb warkaan waxa uu ku qoranyahay migrationsverket.se halkaas ka gal dhamaan waxa uu jimcaale so qorey wey ku qorantahay…mr craxman rooble runtii waa arin farxad leh in lagu ogolaadey familkkaada oo maxkamada socdaalka ku ogolaatay (migrationsdomstolen) waa arin positiv ah, laakin waxa iyadana mesha taala in go,aanka maxlamada waxbo tareynin maxa yellay wadankan sweden sharci dajiyaha ugu sareeya wa baarlamanka(riksdagen) ila iyada ay badasho sharciga maxkamad ama migration cid go,aankeda soconaayo ma jiro..waxan ku rajeynaya ila laga gaaro bisha maarso in sida ku ahaato, ka dib baarlamanka aya codeenayo insha alah waxan rajeynaya ina noqoto dadka ugu horeyo oo carurta lo keeno maadama adiga maxkamada ka heysato go,aan.. wa mahadsantihiin..
    FG:- su,aalahan waxa la weydiiyey mr jimcaale, aniga waxan ugu jabaanay madama xooga aqoon u leeyahay arimahan tack…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. craxaman rooble says:

    wad mahadsantahay cismaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Naajix says:

    Oh shtttt iam somali n i live in somali n i don wan go any els .. Waryaahe somalia tehihine somali joga cid yurub idinka doney malehe

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1