Laanta Socdaalka oo ku talisay in wax laga badalo codsiga magangalyada

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa ku talisay in wax laga badalo nidaamka magangalyada ee Sweden iyagoo soo bandhigay qorshe qofku uu ku dalbanayo labo codsi marka uu isdhiibo. Qorshahaan ayaa ah in qofka loo ogolaado in uu xareysto codsi magangalyo iyo mid shaqo.

Hada ayaa loo ogolyahay dadka la diiday in ay xareytaan codsi shaqo balse waa marka codsigooda magangalyo la diido. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aysan habooneyn in qofka bani’aadamka ah uu sugo mudo dheer ilaa uu ka ogaado in la diiday. Qorshahaan ayaa meesha ka saaraya mudo dheer oo dadka la diiday ay sugaan in la celinayo iyo in degenaansho shaqo la siisay.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ka soo horjeestay qorshahaan iyagoo sheegay in aysan habooneyn in laysku dhex wado magangalyada iyo shaqada oo haddii qofku uu shaqo dalbado ay meesha ka baxayso xuquuqdiisii magangalyo.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaan ayaa haddii la aqbalo noqonaya mid wax ku ool u ah dad badan oo magangalyada loo diiday kuwaas oo intii ay sugi lahaayeen mudo dheer bilaabi kara in ay shaqo raadsadaan maalinta ay Sweden soo galaan oo markii shaqo ay helaan qaadanaya degenaanshaha wadanka ama laga yaabo ka hor in loo aqoonsado qaxooti.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

11 Responses

  1. HASSAN KAAMILL says:

    Asc mr jimcaale&asaxabta aqrisata wabka qaaliga ah sln kadib waa arrin macquul ah hadii ladhaqan galiyana dadbadan ka faaidi doonaaan waana ku mahadsantahay mr jimcaale aqbaarta ad nasisay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Maryan says:

      walalayal waxan idin weydin laha hada igu dhantan ama qof wax ka og jirto in aan badasho dadeyda an isku dhibey ayaan raba oo iga qaldantey markan isdhibayey marka hadey jirto qof badashey war bixin maisin kara tack

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. surree says:

    Asc walahi wa fikrad fiican, anigu 2 sanado baa suugeya charci, ee walal jimcale ma dalban karaya anigu imika dalabka shaqado kaha

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. farhiya says:

    asc wad mahad san tihiin wana ku faraxsanahay somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. maxamed says:

    sweden intad kabaxdan dadka hada yimi wax u qabta dadkii hore u joogay u keena caruurtoda wa iga dardaran reer sweden maliinkasta waxay kenan sheeko cusub alla maxan nacay reerka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  5. yeeene says:

    kuwiihore ayaaba shaqo la’aan ah ee sweden waxbadan ayay iskuqaladaa. kuwajooga horta praktik iyo dhibka hakadhaafaan kadib ayakuwa imaanaya xal lgagaadhi..
    Tack JIMAALLE bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. mohamed aweys mohamed says:

    asc dhamaan baahda somliska qaasatan jimcaale
    teeda kale arinta ee soo ban dhiqtay laanta socdaalka waa arina wanaagsn
    wax tarna leh
    mise soo fududeeneso in ruuxa uu sharciga aqoonsiga helo
    waa hadii arinaani la aqbalo ma la an sixio

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. niyaale says:

    marka hore jimcaale iyo asxb salamd
    bacadan aad ayaad ugu mahadsantihiin soo gudbinta warka iyo fikradaahan fiican

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Cayni. Sh.axmed says:

    Waa arrin farxad u leh shacabka qaxootiga ah waana laga sugaa iswidhen balan qaadka eysameysay hir galin tiira…

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. mahadi abdi says:

    waan idinsalamaya dhamaan sxb yaal qasatan jimcale suaal jimaale malaka yaabaa in ay barlamaanka uu ansixiyo mooshinka aywadaan xubnahaan eeah midenta reeraha wlhi rajado waasidee barlamaan ayaa naxanibay waqtigii hore hada muu kasoodabcay xakii uukataagnaa arintaa ?
    waa mahdi abdi adis ababa Etiopia byyy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. mahdi abdi says:

    marlabaad { jimcaale arintaan ay dib udhigeen ee ah mideenta reeraha malakayaabayaa in ay indhaha kuhayaan arinta soomaliya ooay isdhahayaan wax baaka soobixi 10 bilood ee soosocota xaalda soomaliya ileen waa ognahay wasiirad katirsan dowlada inay xamar tagtay malaxariirtaa arinta taas} ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0