Laanta Socdaalka oo samaysay filimaan loogu tala galay magangalyo doonka

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa abuurtay filimaan loogu tala galay magan galyo doonka cusub oo faahfaahinaya sida laysaga dhiibo Sweden.  Filimaanta ayaa ku hadlaya 8 luuqadood.

Filimaantaan oo lagu soo daabacay bogga Laanta Socdaalka ayaa sidoo kale laga daawan doonaa xarumaha Laanta Socdaalka. Filimaanta ayaa faahfaahinaya wadada aad marayso marka aad iska dhiibto Sweden, waraysiga lagaa qaadayo, go’aanka, dhaqaalaha iyo sida laguugu keenayo reerkaaga.

Haddii aad ku cusubtahay wadanka ama aad doonayso in aad magangalyo ka dalbato waxaad filimaantaan muhiimka ah oo Soomaali ah ka daawan kartaa halkaan: http://www.migrationsverket.se/info/5343_so.html

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Abdiraxman says:

    Asc sxb jimcale Luqadahu kuhadlayo af somali makujiran mise xata safaradaha swedan malaga dawan karaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  2. fardowsa says:

    asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Bashir abass says:

    Ader jimcale waxa wanagsanaan lahayd inad noo turjunto luqadaha nogu badasho somali,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0