Laanta Socdaalka oo sharaxday caqabadaha hortaagan mideynta qaar ka mid ah qoysaska Soomaalida

Sida qaar ka mid akhristayaasha aad la socotaan shalay waxaa Stockholm ka dhacay kulan ay ka soo qeyb galeen labo ka midMigrationsverket ah shaqaalaha Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) oo ku taqasusay arimaha mideynta qoysaska iyo cadaalada. Kulaankaan oo ay soo qabanqaabiyeen Lena Rösell oo ka tirsan ururka Socialamissionen iyo qaar ka mid ah Soomaalida dhibaatadu ka haysato mideynta qoysaska ayaa lagu lafa guray arimo badan oo la xiriira mowduucaan.

Shaqaalaha Laanta Socdaalka oo kala ahaa labo gabdhood oo lagu kala magacaabo Theresa Karlbjörn oo ah qabiir xaga arimaha mideynta qoysaska iyo dib u dejinta kana shaqaysa xafiiska Malmö iyo Sara Arya oo ka shaqaysa waaxda cadaalada ee xafiiska Norrköping ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo diiday qaar ka mid ah Soomaalida.

Theresa Karlbjörn ayaa sharaxday in Laanta Socdaalka aysan haysan sharci waadix ah oo la xiriira mideynta reeraha aan aqoonsigooda cadayn balse iyagu ay isticmaaleen go’aankii maxkamada sare ee ku saabsanaa mideynta reer horay u dhisnaa oo wadanka Iran ka soo jeeday. Waxay sheegtay in ay asxaan u sameeyeen Soomaalida oo ay runtii aad ugu dadaaleen maadaama uusan jirin sharci ka soo baxay baarlamaanka. Waxay sheegtay in ay si naxariis ah u fasireen go’aankii maxkamada sare balse ay go’aamiyeen in reeraha la mideynayo ay yihiin kuwo hore u dhisnaa (wadankoodii ku wada noolaa mudo). Sababta ka dambaysa arintaas ayay sheegtay in ay tahay in uu jiro sharci quseeya mideynta reeraha cusub oo dadka o dhan qabanay kaasoo ah in haddii qof uu mardhow soo guursado ay waajib tahay in ay baasaboor leeyihiin isla markaana si loo hubiyo in guurkooda uu yahay mid dhab ah la siiyo qofkaas sharci ku meel gaar ah.

Waxay sheegtay in maadaama Soomaalidu aysan lahayn baasaboor aan sharci ku meel gaar ah la siin karin, sidaa darteedna aysan cadayn karin aqoonsigooda xitaa haddii ay caruur meesha ku jirto. Waxaa dhacda in haddii reerka guurkooda uu yahay mid aan horay u dhisnayn (oo ka yar 2 sano) isla markaana ay caruur haystaan in Laanta Socdaalka ay caruurta siinayo deganaansho rasmi ah maadaama caruurtu markasta ay leeyihiin xuquuq in lala mideeyo waalidkood oo ku nool Sweden balse hooyada laga soo tagayo maadama aysan cadayn karin aqoonsigeeda. Hooyada ama aabaha ayaa markii laga soo qaadayo caruurta waxaa laga saxiixayaa in ay bixiyaan ogolaasho in caruurta lala mideeyo waalidka kale ee ku nool Sweden, saxiixaas ayaa keenaya in mustaqbalka xitaa aadan dalban karin in caruurta laguu soo celiyo ama xitaa adiga lagula mideeyo.  Arintaas ayay Theresa Karlbjörn ku tilmaamtay mid xanuun badan oo aysan xitaa iyada fahmi karin sababta ka dambaysa balse uu sharcigu sidaas yahay. Dhowr ayay muujiyeen in aysan jawaab u ahayn sababaha lagu haysto Soomaalida isla markaana ay laftooda ka danqanayaan dhibaatooyinka haysta qaar ka mid ah reeraha Soomaalida.

Waxay cadeeyeen in shaqaalaha Laanta Socdaalku ay yihiin bani’aadam qaladaad sameeya oo tusaale ay u tahay in markii hore ay sheegeen in Soomaali 20.000 gaaraysa la mideyn doono taasoo beenowday. Waxay kale oo balan qaadeen in arinta shuruuda reerka hore u dhisnaa ay wadahadal ka samaynayaan gudaha Laanta Socdaalka oo qaasatan ay doonayaan in maadaama qaar ka mid ah dadka lagu xiray shuruuda labo sano ama reer hore dhisnaa ay haystaan dhowr caruur ah la eego dhinaca caruurta oo taas loo isticmaalo cadayn ah in guurka reerkaan uu yahay mid dhab ah.

Arinta la xiriirta in reerku uu labo sano horay u wadana noolaa ayay sheegtay in aysan guud ahaan jirin sharci sheegaya tirada labo sano balse ay muhiimadu tahay in reerku hore u dhisnaa oo wadankoodii ay labada lamaane ku wada noolaayeen iyadoo ay qaar ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalku u fasirtaan in labo sano shuruudu tahay. Waxay sheegeen in sidoo kale uu hada socdo qorshe lagu cadaynayo in shuruudu tahay LABO SANO oo sharci laga dhigi doono.

Xalka arinta Soomaalida ayay sheegtay in uu yahay mid siyaasadeed oo baarlamaanka iyo dowlada Sweden ay u taalo ama in maxkamada sare (Migrationsöverdomstolen) ay go’aan cusub ka soo saarto, kaasoo ay sheegtay in uusan fududeyn. Waxay talo u soo jeediyeen in Soomaalidu ay isabaabulaan oo ay muujiyaan dhibaatada haysata. Waxay sheegeen in ay ururada Soomaalida iyo siyaasiyiinta baarlamaanka ugu jirta ay arimahaan u doodaan oo saxaafada laga dhex muuqdo isla markaana la sameeyo mudaharaadyo iwm. Xalka kale ayaa ah haddii ay Sweden aqoonsato baasaboorka Somalia oo markaas qofkii dalbanaya reerkiisa oo shuruuda labo sano qabanayso ay isticmaali karaan baasaboorka sidaas darteedna lagu siiyo sharci ku meel gaar ah. Balse taas ayaan hada muuqan maadaam aysan Sweden si rasmi ah u aqoonsan dowlada Somalia iyo aqoonsiyada ay bixiso.

Ugu dambeyntii ayaa xubnihii Soomaalida ee meesha isugu yimid waxay isku raaceen in ay midoobaan oo ay sameystaan urur ay ku mideysan yihiin oo u dooda xuquuqdooda isla markaana ka shaqeeya danahooda. Waxaa laysku raacay in la sameeyo abaabul wadanka oo dhan ah oo xiriir iyo midnimo sameeyaan dadka ay quseyso arimahaan. Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan samayska ururkaas ayaa waxaa lagala xiriiri karaa RUUN oo laga heli karo telefoonka: 07 35 65 74 38.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. Xirsi says:

    waa in Mudaharaad meesha gil gila aynu samaynaa markaas ayaa wax kala cadaanayaan. gaaladan way inoosoo tashatay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. mowliid says:

    jimcaale walaal aad baad u mahadsan tahay warbixintaada iyo sida aad marwalba noo garab taagan tahay hadaan nahay 2sano laakiin ilaahay gaalada ha naga qabto arinkan hada waa soobatay maalin walba dad baa la diidaa soomaaliduna fadhigay wax ku rabaa ee runtu waxay tahay aan is abaabulno aan tashano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Amina says:

    asc dhamantii aad iyo aad bad umahadsantahay jimcale somaliyey maxa inoo xal ah marabtaan inaan midowno waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ALLE SUBXAANAHU WATACAALAA wuxuusan nasiin gaalo nama SIIN karto wuxuu Alle nasiiyana gaalo nooma diidi karto walal yaal ALLE AAMINKANA hala kaashado samirka iyo salaadana eeynu kaashano yaanan ka quusan naxariista ALLE JALA JALAALAHUU

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

  5. farxan says:

    asc akhyarta magaceyga wa farxan waxaan kunolahay wadanka hungary waxaan haystaa travel document o hungarian ,marka reerkeyga ayaa degan gotenborg ,dacwo ayaan xareystey si an reerkeyga ulamidhoobo lakin migrationsverket dhidmo ayey isiyey wexey leyihin somalinimadhaada maan aqonsano ,2dhidmo ayaa laisiyey akhyarta maxaan sameya,if any one have such problem tell me guys what to do,labo ciyaal ayaan leyahay,thnxs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. salmaan yare says:

    waad mahadsantahay jimcaale somaliyeey xalku waa mudaharaaad farabadan aan qabanaa si aan aduunka iyo saxafada u tusnaaa dhibkeene dhibka oo dhan waa dhanka baarlamaanka iyo dowlada thnks

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. xabiib says:

    asc magaceyga waa xabiib c- laahi walal jimcaala arin fican ayaad horta kawadaa meshaan qasatan somalida aad uqabatay wana daremi karaa in kastooo aan kuso biray mardhow aqriska barnamijdana ama wab setka ba marka walal ado mahad san aniga waxan ahay nin wadan kaan mardhow yimid ugu badnana jooga afar bilod marka ayantana ma arko somali sharci lasinayao ila kuwo diidmo lasiiyo mahee marka bal arintaas hada wax faah fahina kaheyusid noso gudbi wwad mahad san tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Asma says:

    Asc waa ujeediin xaal meesha uu maraayo ee maxaa talo ah?!! tan kale hada ayaabe qofne 2da sano ayaa la dhahaa qofne single ayeey la bxade marka hada ayaabe la isku towfiiqin wali. waa in aan go,aan isku mid sameysanaa ayan hore hadii hal af ku hadli leheen meesha 2ba sano la idinkuma reebeen ee hal mar aa wax nala siin lahaa,sida aan aminsanahay aniga ee asxaabey aan wax isku racno.
    Farxan qofka la dhoho aniga ayaa ila mid tahay wiilka aan u dacwonoyo sharci ayuu ku leeyahay wadan kale, wali jawaab la ima siin lkn migreshinka waxa ku qoran in uu qofka isku cadeen karo dukmeenti wadan kale ka soo baxay, marka waa inaa ka dacwootaa, safarada geey wixii cadeen aad wadanka aad joogto ka heysato. ILAAH ha kuu fududeeyo iyo dhamaanteenba.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. farxan says:

    wad mahad santahay ASMA sister,wax kasto wan geyey safarada lakin weli waxaas bey igadabawadhaan marka hada waxaan kaxareystey gudaha wexey igudehey 1 sana camal ayad jawabta sugeysa,inshaalah ilahey hanosofududeeyo dhamaanteena ,amiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Amina says:

    asc dhamantii gabadha soqortay samirka kashada ilaah haka tegina abayo qofkii ilaah aminiwaya aduunkan waxa xukuma alaaah marka qofkii kataga isagay utalaa marka wan ku qasbanayahi inaan alaah talo sarano marka wax aan alle hagajin mahagagagyan waxan wadno mahan alle kategid waa dedal marka wax dembi ku jiro ma wadno anagu malaha qalad ayaad fahantay mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Maslah says:

    amcw waan idin salaame aqyarta somaliyed wiilal iyo gabdho midakale maxaad noo hesiin aaway dadkii loo diide dadkooda maxaad ufadhidaan walaaala yaal aan fadhiga ka kacnoo oo aan isku duubano mel kasto aad kajoogtaan wadankaa swedhen oo aan suubino banaan bax oo shucurteena aan banaanka kusoo dhigno walalayaal ee aan la xariirno gabadhan somaliyed ee RUUN walaahi waa gabar aad ufiican oo kadan qaneeso dhibka heesta walaaleheed somaliyed ee aan ku xirano qofkii rabo inuu laxariiro hakawaco telkeeda waxuu ku qoran yahay wepka ka aqriso waad mahadsantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ganada wadata Amina walal waa waajib qofka muslimka in aat iskuugu dar daaran taan cabsida Allaah iyo Samirka iyo Salaada waanaduna wexeey anfacdaa qofkii mu,min ah marka kuseeexo kuna soo kac wax Alle xagiisa aqbal ka eheeyn in uusan kuu hagaageeyn Alle wuxuu ku siinayo gaalo kuuma diidi karto Wuxuu Alle kuu diidana gaalo kuma siin karto xabiibtii Alle hadii leeys xasuusiyo ma ahan macneheeda Alle ayaat ka tagtay ee qaldaadka qaar waa iska jiraan yo fahamka oo si qaldan la isku fahmo waxaana kuu dar daarmayaa aniga iyo adigaba iyo inta islaamkaba xaqa Alle cabsida Allaah samirka iyo salaada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. ABDULAHI says:

    MARKAN RUNTA ISKU SHEEGNO HADAAN SOMALI NAHAY MEESHE NALAGA HEYSTO WAA WAXA AAN AAMINSANAHAY WAA INAAN KARUNSHEEGNAA WAXAAN ULA JEEDAA DUNUUBTEENE IYO MACSIYADEENE AYAA BADATAY EE ILAAHAY HANA CAFIYO CIQAAB RABBAANI AA HALIS KU NAHAY EE AAN TAWBAD KEENO GUDIHII WADANKEENE DHIBAATO AA NAGU HAYSTA BANAANKIINE MIDKALE MARKE 20 SANO WAAYE GOORMAAN KABAXEENAA??!! JAWAABTU WAA MARKAAN ILAAHAY UNOQONO

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. cali says:

    waan idin salaamey dhamaan akhyarta oo dhan waxaan jimacale sigaar ah u sualayaa waxaan haysta dhalasho wadan kale sida djabuuti oo kale oo dhameystairan baasaborkina waan hayista lakiin waxaan xagaas iqoran in aa soomaaliya u dhashay markaa maan sameyin kara in aan qato kan djabuuti
    maxaa igu iman kara hadan geyo basaborkan jabuuti soow am qadan karo 2 dhalasho

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. xawo says:

    wall aniga rayigayga wa may wayo sharciga in lagala noqda khatara wayo sharci lagumasiiyen hada jabutiyantahay wadankaga wa nabad ee arinta ha u dhawan ninkayga afarsan udacwonayey layna diid waxa uwataa pasaborkale mana badalikaro aniga shegtay in uuyahay somali

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. farxan says:

    jibutianka somalida kale wey necebyihin e hadad jibutian tihin somali haiskudhiiba fadhlan hadowna waxaad ledihin im from jibuti iyo qajajac lobahneen,ninkaasna waxaan ulatalin lahaa inu somalidimadhiisa kujogo un yusa iskabedelin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  17. yasmin says:

    walaalayal waxan idinwaydiyaay ninkaygo lah dhalashokalahayta carortisonajugan halan kan ma odhankara dhalasho hasta ma ogodacwonkara basaborkala icawiya tack

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Yaasiin says:

    Asc Dhamantiin,

    Waxan qabaa hal sual taaso ah hadii ilmo kugu dhashen wadanka sweden xaskadana iyo ilmaha ay sweden isla joogan oo labo sano aad isla noleyden iyadoo markii hore ka timid sweden maxay noqoneysaa xalka? jawab wacan dadkii kala maqana ilahay ha isu keeno somalidana ha isku xirnato oo noqda dad wax qabsan kara.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. sofia says:

    Hej alla,

    Vi måste kämpa den här Somaliska familjeåterförening.Det kommer inte låsa sig själv.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  20. liibaan says:

    scw dhamaan waad salaamatihiin akhyaarta webkaan ku xiran waxaan walaalyaaaaal kamid ahaa dadka labada sano lagu xiray diidmaan haystaa loyarkeygaan lahadlay waxuuna idhahay dacwad cusub xareeyso isagoona wax kale ii sheegin maxaad asxaabeey igula talin lahaydeen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. warsan says:

    A.s.c. Salaan kabacdi waxaan ku weydiiyey Jimcaale adoo raalli ah malaga hadlay ilmihi dacwada ku qaangaaray hadiise laga hadlay maxay kayiraahdeen waxna kama dhihikaraan hadaan Alle subxaana watacaalaa wax kaqabanine waxaanse Alle ka rajeyneynaa inuu dalkeenna nabad nooga aslaaxiyi.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  22. xasan says:

    sxb elmaheyga iyo xaskeyga dhig ayee mareen anigane ma marin mesha aan jabab kasugayay ayee magareshinka diidmo isoo direen maxaa sameyaa talo isiiya wad mahadsantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0