Laanta Socdaalka oo soo daabacday isbedalka lagu sameeyay shuruuda labo sano

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa noo soo gudbisay macluumaad ku saabsan isbedalka lagu sameeyay aragtidamigrationsvket ku aadan shuruuda labada sano. Shuruudaan oo aan horay u ahayn mid ku qoran sharciga ayaa hada gacanyarayaasha Laanta Socdaalka waxaa loo gudbiyay macluumaad ku saabsan sida ay ula dhaqmayaan dadka caruurta leh ee aan horay u wada noolayn labo sano.

Warqada naloo soo gudbiyay ayaysan meelka ku oolin shuruuda 2 sano balse waxaa ku cad in marka la baarayo kiiska reer la midanayo isla markaana aan horay u wada noolayn mudo dheer ay shuruuda koowaad tahay in ay caruur wada leeyihiin, haddii ay caruur leeyihiin ayay warqada ku cadahay in la raacayo go’aankii maxkamada ee ahaa in loo fududeeyo dadka caruurta shuruuda aqoonsiga oo laga qaadayo DNA.

Warqada ayaa sidoo kale waxaa ku cad in haddii caruurtu ay dhasheen ka dib markii mid ka mid ah waalidiinta u soo guuray Sweden ay laftooda mudanyihiin in loo fududeeyo shuruuda aqoonsiga oo aan lagu xirin wax shuruud wada noolaasho hore ah. Qodobkaan ayaa ah mid muhiim ah. Waxaa muhiimada la siinayaa xaqa caruurtu ay u leeyihiin in ay waalidkood la noolaadaan.

Isbedalka ay sameeyeen Laanta Socdaalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii cabashooyin badan ay ka yimaadeen waalidiin badan oo lagu xiray in ay 2 sano wada noolaayeen xitaa iyaga oo caruur leh. Hada ayaa Laanta Socdaalka si toos u cadeysay in waalidiinta caruurta leh aan lagu xirin shuruud nuucaas ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

34 Responses

  1. Aabe soomaliyed says:

    Asc all maashaa alaah allaah ayaa mahad leh ee suura galiyay inay wax walba hagaagaan
    Suaaal walaal jimcaale arintan dhib ma ukene dadka gadaal iska soo gursaday?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. hodan says:

    asc walaal aad ayad ugu mahad santahay warbixinta cusub ee aad noo soo gudbisay lakiin waxaan qabaa su aal tan kaduwan maxaa d war kahaysaa labada qof een caruurta isku lahayn?????????????

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. kamal says:

    MAASHA ALAH WAA ARRIN WANAGSAN OO LAGU FARXO ILLAHNA MAHADAAS LEH, TEEDA KALE ILLAH WAXAA KA BARYAYNAA IN DADKA AN WAX ISKU DHALIN AYAGANA WAR FICAN OO AY KU FARXAAN USOO YEERO INSHA ALAH KASOO QAADJA ALLA LEH.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. wadani says:

    Asc dhaman inta kuxidhan webkab salan kadib ad ayan ugu faraxsanahay arinta kaso yertay lanta socdalka . Lkn waxan idin weydinaya dhaman aqyarta sharafta leh xiliga lafurayo dadka so qadidoda ama waqtiga rasmiga ay bilabayan mahadsanidin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. qaali says:

    waraaqda so galiya ha la in aamino adinkoo mahadsan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  6. Django says:

    maasa allaah waar war lagu farxo

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. ahmedu says:

    jimcaale waraa u yaal halsano waxaa codsiyo uga imaanayey dadka caruurta leh ee labada sano inuu u raadiyo war ka farxiyo maantay wuu keenay hada waxaa xigaya dadka hada isi soo guursan rabaan oo ilmo isku dhali rabaan maleesku keenaa su’aalahaas ayaa ku soo maqan alaha u saqiree bra jobb!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  8. somaliska.com says:

    masha allaah aad aya ugufarxsanahay arintan wanagsan e ay sameeysay laanta socdaalka aad ayaana usoodhaweeyneeyna waxa kalo aan codsaneeyna in dadk aan wax iskudhaan ayagana arintooda wax lagaqabto…

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  9. hassan says:

    masha allah allah mahadleh somaliyeey balse usoo duceeya dadka aniga cml ah singalka jimcaale aniga wax badana ayaann ku weydiiyay balse jawaab iga masiin dadka singalka ah arindoota asaxaabta qofki warka haayo hanoso gudbiyo thnks all

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. qaali says:

    waxaad naoso gudbisaa mesha ka heshe qoraalkani walalo madamo a tihin jonalistayaal umada ushaqeeya sideen idiin aaminaa webka so galiya o swedish ah
    waa mahadsantahay jaamac

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  11. salmo says:

    asc wa mahadsantihiin sida hufan aad shacabkiina warka ugu so gudbissin walaal jimcale waxan ku weydinaa wax ku sabsan dadka singalka ah miyaad maqashay waxan ka codsanaa inaa noso weydiso adiga saxafad ah sida laga yelayo iyo waxey kula tashanyihiin waxa jiro dad badan oo dhiban aan helin wali fursad ey ku midobayan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. kadir says:

    asc wr wb sharmarke sxb waa ku mahsantahay mawduucyada muhiimka ee aad uga faidayso bulshada somaliyed…. waxaan doonayaa inaan su,aal waydiiyo sharmarke iyo cidii kale ee war bixin iga siin karta
    qof sharciga wadanka loo diiday oo caruur ugu dhalatay wadanka shuruudaha markii hore lagu xiri jiray waxaa kamid ahaa ina layiraahdo wadanka ka bax kadib halguu soo dacwoodo arimahaas wax is bedel ah haday sameeyeen lanta socdaalka iyo waxa aad kula talinaysaan qofka xaladiisa noocaas ay tahay thanks dhamntiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. qaali says:

    kadir
    walaalo wadanka dhex joog oo iska dhaaf 2 sano marka ku dhamaato ayaey ku sinayaan sharci wiil sas ah baan arke awal lo diide 2 sano ayuu ku dhex noolaa sweden iminka la siye waxa ujoga hal cunug

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • hanad_09 says:

      masha allaah waa war aad lagu farxo ilahay baa mahdaa iska leh ilahay wax rajenaynaa dhamaanteen alle ino inoga so wdada sahlo

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Name (required) says:

    walaalkey jimacaale su,aal waydiiyo jimcaale adigoo raali iga , ah hadii aad aad iiga jawaabi karto go,aan kaan 2 sano kaqaadi daa mawaxa ow quseeyaa ruuxii inta wadan ka ow imaanin guursaday oo kasoo tegay isga oo san 2 sano lanooleen reerkiisa mise xitaa waa qusee yaa ruxii soo galay wadanka isga oo reer laheen oo gadaal kaguursaday caruurna ey wadadhaleen lamanihiisa ama ay wada heystaan caruu ay daleeyihii qofba sida uu uyaqaano mahadsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  15. ifka says:

    to Name walalo marka hore eeg siida walalken jemcale ku xuusay quralkan waxa u ku yidhii in.alaa inti caruur isku leh ama ha yimado isago singala ama ha qabo reer markii uu imanayay wa isku mid xiita intad ku labatay afrika oo aad guur cusub so guursatay meeshu hadii mar caruur joogto waxa ku fuudadanayo in aad sharuuda ka badbaado DNA .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. bashka says:

    anigoo ah bashiir ayaa warkaan ka dhigay mid aan meelna kaga qornayn waxaan la sheegayo kadib waxaan la hadlay gacanyahayga wuuna diiday warkaan wuxuu kadib iisoo diray diidmo xaaskayga ah caruurtiina ogolaansho markaa wax yaalaha lagusoo qorayo webkan waa riyooyinka aan ku riyoono oo kale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. aabe soomaaliyed says:

    asc all
    bashka sxb goorme la hadashay gacan yarahaaga goormese diidmo lagu siiyay fadlan noo kala cadeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Bashka says:

    Waxaa saaxiib la i diiday 14-06-13
    Oo ah jimcihii waxay ii soo qoreen maadaama aad xaaskaaga la daganayd mudo ka yar 2sano waa waqti aan ku filnayn waqtigii logu talo galay Waa waqti yar kadib waan wacay oo u sheegay inaan maqlay in laga cafiyay 2sano oo Dadka Dna laga qaadayo way ila yaabtay waxayna iigu jawaabtay ma maqal anigee oo ka shaqeeyee ee waxaasi wax jira maaha ee meesha laga keenay warayso wargayskana xaguu ka keenay sheekadaan khiyaaliga ah Waa cajiiiiiib

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Hani1 says:

      asc bashiir walal, aniga waxaan kula tali lahay arinkaga inta ey san garin maxkamad dadal dheeri ah in ad suubisid, bal laxariir wilasha webkan iskaleh ama jimcaale oo qoraa ka ah waxa meshan ku qoran, hadi ey ku sin karaan wax cadeen ah oo ad ku doodid ama waraqadahi oo xayada socdaalka ey u soo dirtay wariyashan somaliyeed, waxa lagayaba qofka gacan yaharaha ku ah in oo san wax ka ogen arinkani, sida an ognahay ayaa swedeshkan iska yahin dad qunyar u socod ah. oo an informationka ciyoow is garsiinin. marka in ad la xariirtid jimcale mal weydi hadi ow ku heli karo waraqadihi ey u soodiren ayaga hayada socdan si ad ugu doodid.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Hani says:

    Your comment

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. aabe soomaaliyed says:

    sxb BASHKA waa mahad santahay ilaah hakuu fududeeyo arimahaga anagana sidoo kale sxb warkada waa ku qancay lkn jawaabteda waxa ka rabnaa walaalken JIMCAALE in uu noo faahfaahiyo meesha uu kaso xigtay iyo warbixinta loosoo diray iyo qofka / xafiska uso diray iyo waliba cadeynta warkan waxaana si xushmad leh ugu codsanaa walaalkena JIMCAALE ilaah qeyr ha siiyee in faahfaahin dhames tiran na siiyo waaaaaaaa codsi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. cali dheere says:

    walaalyaal waad wada salaamantihiin dhamaantiin uu ugu horeeyo jimcaale iyo dadka siida tuuska ah ugu xoran webkaan

    waa ilaah mahadiis hadii asxaabtii 2 sano culeeyskii ka dagay inta dhimana ilaaaah ha soo sahlo

    daraat ayaan arkay gabadh ay maxkamadu usoo dirtay diidmo ay liiyihiin ninkaagu gudaha ayuu ka soo xareeystay wax cadeeynaaya dhalashadiisana kama hayno waxaana anaguna ku raacnay migarationka ayeey yiraaahdeen

    wax labo sana maydaan wada nooleeyn ah la oran maxaad kula talin lahaydeen qofkaaaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. madka says:

    asc jimcaale goormuu dhaqan galayaa arinkaa mise yahay mid dhaqan galaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. qaali says:

    asc,,,,,,,,,,

    jimcaale dadka ufududee warkaan mesha ka keente adaa yaqaanee so qor webka megrationka halku kaga yaal warernee jimcaaale waa wax cadeen ma hesid saa filaa webkaan beentiisa waa in la iska dhaafaa wayoo been doni meeno anaga ee naga daaye ciyaarta wax sax hada heso gali si lol a xariiro wayoo dad badan ee unoqon laheed caawin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Xildhibaan says:

    Please jimcaale noo sheek xitaa waraqdee ku soo direen migrationka soo geli webkaada madaamo aan nahay dad ka soo war doono websitkaan Somaliska. waxaa qoraalkada ku qoran waraaq ee isoo direen waaxda Soccdaalka please waan kubaryeenaa soo geli halkaan ka keentay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. Bashka says:

    Asc
    Walaal dhamaan Dadka oo dhan ayaa kaa codsanaya inaad cadeyso waraaqdii laguusoo diray ee ku qoran in labada sano laga koojiyay Dadka caruurta haysta ee jimcaale maxaad la aamustay mise wax CAD ma haysid waayo ilaa iyo hada Dadku way ku suaalayaan adna shib aad tahay ee maxaa ku haysta xaqiiqdii aa la joogaa looma baahna Been hadii Dadku Been rabaan wargaysyo kale aa ayay iska akhrisan lahaayeen oo Beenta ku caan baxay ee adiguna kuwaas maan kugu darnaa
    Waa wax lala yaabo in Been la sheego waayo Dadku Waa muslim ee xishoo oo Dadka codsigooda u soo gali adaa yiri waxaan u shaqaynaa Soomaali wayn dadkeeda ee ixtiraam sii Dadka
    Mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. ummulkhayr says:

    asc dhamaan aqyaarta waan idin wada salaamay. waxaan kaloo halkan kasalaamayaa walaakay jimcaale, walaal jimcaale horta waad kumahadsantahay sida aad marwalba arimaha quseeya reeraha kalamaqan aad noola soosocodsiiso. walaal arintaan dadka aad ayeey oogu wareersanyihiin madaama aan migration-ka uusan sooqorin, marka masuurta gali kartaa inaad war aan jirin sooqorto? mida kale qoraalka kaasoogaaray laanta socdaalka adoo mahadsan meesha soogali si dadka oogu qancaan. waxaanu nahay dad layiri culayski idin saarnaa waa laydinka qaday hadana aan wax cadayn ah umuuqan marka wali walwalki waa hari la,yahay. mahsanid walaal asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Baaba says:

    asc
    dhamaan waan idin salaamayaa walaalayaal beenta anagoo iska daaqayna ayuu nin bashiir la dhaho dadkii xasuusiyay meesha warka laga keenay iyo culayskii waa la joojiyay anagoon hubsan wax aan ku qanacnay walaalkeen jimcaale warkiisa run ahaan tii waxaan is lahaa jimcaale waa muslin soomaali ah laakiin been inuu sheegi karo isma waydiin subxaanalaah maxaa beenta intaa le,eg walaal kugu kalifay adoo noo sheegay in aad u adeegto umada soomaaliyeed ee joogta sweden.
    laakiin waa wax lal yaabo jimcaale masoo galin aan is dhahay waxaan ee dadkalaa meesha xoog ku qabsaday oo warkaan been abuurka ah soo galiyay hada aniga nin dariskayga ayaa ka shaqeeyo laakiin ilaa hada wax ma maqal uu dhahay jimcaale oo soomaali ah oo hadana aan ka shaqayn intuu ka keenay ma la is waydiiyay warkaan beentaa maalinta qiyaamaha xageed xalee dad ayaad waashay adaaba ka daran kuwa wax u diiday soomaalida.
    waayo waxaan hubaa dad badan oo soomaali ah inay akhriyeen oo ay u sheegeen dadkii joogay afrika laakiin dadkii afrika ay soo dhahayaan waa la cafiyay labadii sano ee adaa nagu dhagan qofka jooga sweden ay eed badan usoo hooyanayso ama la isku furi doono waxaana ka masuula wiilkaan jimcaale la dhahaayo wixii ka yimaadana uu dusha ku qaadi doono qiyaamaha been intaa le,eg ma arag cimrigay dad ha sheegaan laakiin nin wargays ka shaqaynaya oo hadana nin fiican iska dhigaya waa calaamatu ciyaal suuq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  28. salmaan says:

    ninkaan anigaa mar hore arkay si webkiisa loo aqristo ayuu beeen umadii ka dharjiyay hadaa tiraahso waxas noo fah fahina kuuma jawaabaayo waayo cadeyn uma haayo waa allah mahadii hadaa ila fahantay baba waad mahadsantahay waa ceeb inaaad waxad jirin umadan u sheegtaa isla yaaab nin yahoow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  29. Aabe soomaliyed says:

    Asxabeey horaa waxa loo yiri timir lafbaa ku jirto walalken jimcale waxa ka codsan lahaay xaq iyo baadil mel islama galaan hadi waxa aad shegtay run yihiin mar horaa laso bodi laheyd lkn……………. Teeda kale farxad aad u sheegtay dadka naxtin haku badalin macnaha soomaalidaaa horey u tiri ( beentada hore runtada dambe ayay u baas baxdaaa ) marka walalken jimcale run iyo llkaba waa la cadeyaa ee warka cadeey

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  30. Abubakr says:

    Asc wr dhamaan umada Islaamka ah gaar ahaan umsada Somaliyeed,
    teeda kale waxaan aad u xiisaneynayaa arinta dadka is qaba oo aan waxba isu dhalin, hadii hore looga hadlayna walaalayaa maanan arkin meel ay ku qoran tahay, fadlan qofkii warbixin sugan ka hayo fadlan ha iisheego ama ha iigu soo diro email adinkoo mahadsan,
    walaalkiin realyabxx114@gmail,com

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. sucaad naasir says:

    walaahi waa arin aad iyo aad u fiican intii dhibaneyd ilaahey waa u fududeeyey anagana waa noo fududeeyey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. mumtaz says:

    asc walal jimcaale adiga oo raali ah sharuuda labada sano ma furantay mase wali wax ayaa u dhiman i la ansixiyo jawaab wacan walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0