Laanta Socdaalka oo soo saartay qaabka loo dhaqan galinayo go’aankii maxkamada

Maanta waxaan soo daabacay mowduuc aan ugu magac daray “Shaki laga muujinayo go’aankii maxkamada socdaalka” kaasoo ka dambeeyay ka dib hadalo ay hoos iigu sheegeen qaar ka mid ah dadka xiriirka la leh Laanta Socdaalka.

Balse daqiiqado ka dib markii aan daabacay mowduucaas ayaa Laanta Socdaalka waxay soo daabacday dokumenti ku saabsan sida loo dhaqan galinayo go’aankii maxkamada sare iyo in waalidka caruurta leh hada loo fududeynayo arimaha dacwada. Haddii aan soo koobo nuxurka dukumentiga ka soo baxay Laanta Socdaalka iyo sida ay u shaqeyn doonaan ayay sidaan u sharaxeen.

1. Haddii qofka dacwada dalbanaya uu yahay qof weyn (xaas iyo nin) waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan aqoonsigooda. Waa sidii hore arintu. Haddii aysan cadeyn karin aqoonsigooda waa DIIDMO.

2. Haddii dacwadu quseyso caruur/waalid, oo aysan cadeyn karin aqoonsigooda waxaa laga qaadayaa DNA, haddii dhiigu uusan isku mid noqon – Waa DIIDMO. Haddii dhiigu isku midnoqdo, waxaa la sameynayaa baaritaan dheeri ah, haddii ay soo baxaan waxyaabo ka hor imaanaya dacwada reerka baaritaanka ayaa la sii wadayaa. Haddii lagu qanco dacwada reerka ka dib markii DNA laga qaado Waxaa la siinayaa OGOLAANSHO iyo Baasaboor ay ku soo safraan.

Sidaa ayaan ku soo koobi karaa muhiimada dokumentiga ay soo saartay Laanta Socdaalka oo ka kooban 22 bogg. Waxa keliya oo hada aan sugnaa waa in dadka la marsiiyo nidaamka ay kor ku xuseen oo cidii buuxisa shuruuda la siiyo ogolaanshaha. Waxaan Laanta Socdaalka ka dalbaday in ay ii sheegaan in ay jirto cid ogolaansho la siiyay ka dib go’aankii maxkamada. Wali Jawaab kama helin. Balse waxaa laga yaabaa in ay maanta ka bilaabata ay sameyn doonaan baaritaanada cusub.

Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa dokumentiga MV: http://lifos.migrationsverket.se/dokument?documentSummaryId=26987

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

43 Responses

  1. hodan says:

    waa ariin wanaagsan balse wali cadeeyntii ayaa socoto wax ay fududeeyeen malahan JIMCAALE waxan ku weydinayaa oo isla hada miyeey bilabayaan in aay dadka baraaan mise waxay sugayan 20 marso?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. cadefidow says:

    asc dhamaan bahda somaliska kamcdi aaway dadkii sidaxun ufekerijiray kuqanca intaas suaasha badana iskadhaafa ilaahna talasaarta insha alaah waadheleeysaan waxaad kufekertaan jimcaalana wax idimasiinkaro idiinmadiidi karo suaalaha qaarna idinkama jawaabikaro marka qeerka sugta waxii daaha ayaa qeerkujiraa
    asc dhanaan umada nuslimiinta ahoow,

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 2

  3. SÖDERHAMN-BOY says:

    WAA ARIN WANAAG SAN.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. dhanka saxda ah says:

    CADE FIDOW WAAN KUGU RAACSANAHAY WALAAHIDA WAAYO, SOMALIDEENU WAXAY MOODAYAAN IN JIMCAALE WAX U HAYO, WAAR ILAHAY AYAA WAX KUU HAYA KA SUKAYSANA WAA DOWLADAAS, EE ILAHAY TALO SAARO, DHANKA KALE WAA FURSAD FIICAN GAAR AHAAN DADKA WAX ISKU DHALAY, ILMAHAAGA DNA KU MUUJI, KALIYATA HADII AAD DHASHAY, DAG DAGNA WAXBA LAGUMA HELO EE SABRA, SAMIRBAA SADKA LAGU HELAAYE. INANKA AKHBAARTA IDIIN SOO GUDBINAYANA KA DAAYA YUUSKA WAXBA IDIN MA HAYO ISAGUYE OO CAADI ISKA DHIGA, IDINKAA WADANKIINI SOO GUBEE.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  5. farxiya says:

    asc walahi waa arin fiican walaal jimcaale ilaahey qeyr haku siiyo sida wanaagsan ee aad nnoogu tabisay aqbaaraha

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. fatima says:

    CADEFIIDOOW ANIGA WAXBA MA FAHMIN YAA LOO DIIDAY YAASE LA OGOL YAHAY

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • cadefidow says:

      asc sedeedaba cidwax loodiiday majirto waxii caruur isudhalay waa DNA kuwa aan isudhalina waa cadeeya guurkiina iyo baasaboor la aqoonsan yahay kenyan ugandhees itoobiyaan waxuun keena la aqoonsan yahay
      asc

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. fatima says:

    BAL II FAAH FAAHSHA SOOMALI WEYNEY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Nimco says:

    Wa arin fican,blse idinkoo rali ah sida jimcale cadefidow walalow waxan joga s/africa passport kenya ah ayan haysta.ninkina waxu joga swidan maxan samayn karnaa?iskudaya qofkasto inu kajawaabo pls,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. samka nuura says:

    asc nimco abaayo hadaan wax kaa weydiiyo adiga oo raali ah su aashaada inkastoon ka mid ahay akhristayaasha, markii hore ninkagu masheegay inaad haysato baasabort kenyan waa markii uu sweden yimaadey ee uu kuu xareenayay brosayska ma u sheegay gaalada inaad haysato basport kenyan ah mase usheegay gaalada halkaad joogto oodku sugan tahay hada ok

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Yaabane says:

    Jimcaaloow walaal waan fahanay warkaada laakiin hal su aal ayaan qabaa taas oo ah sidaan HADII DHIIGU UU NOQDO ISKU MID WAXAY SAMEENAYAAN BAARITAAN AYAAD DHAHDAY?
    Baaritaankaas ma waxaad kala jeedaa dhiiga iyo cida qaaday ayaa la soo baarayaa mise waxaad kala jeedaa Baaritaan dhanka Intervuga ah?
    Bal halmar baaritaankaas wax ka sheeg walaaloow?
    D.N.A´du Hadii isku mid noqotay muxuu yahay BAARITAANKA KALE?
    Soomaali wayneey adinkuna wax ka dhaha? Jimcaaloow adna wax ka dheh?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Abdirahman says:

      Yaabane Sxb arinta kale ay baarayan waa wax aan jirin iyo Marmarsiyo. Mida kale waxaa muuqata in mid kamid ah labada waalid iyo ilmo oo joga Africa inay qaadayan ilmaha lkn walidka ay kuxirayan aqoonsi. ujeedu waxay tahay ilmaha bay rabaan Swedisku. Qofweyn waa lanacay.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. fatima says:

    baasboor inte ka keneenaa hee dad aan ilmo isu dhalin baan nahee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. fatima says:

    allaah baa noo maqan RABI talo ku filan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Abdirahman says:

    asc.dhamaan akhristayasha webka.
    Salaan kadib waxaa iska cad in sweden aysan weli qaadin xayiraadii. Marka loo eego dhanka waalidinta mideentoda Waayo aqoonsi gaaga Cadee? Mana aqoonsani Ducument somalia ah after 1991 january. Taasi waa arin aan macquul ahayn. Marka walaalayaal ilaah hanaga saaro guumaysiga gaalada iyo Cunsuriyadooda ba.
    Dalkeenana Nabad alle hanooga dhigo Asagaa Nagu filane. Wabillaahi Towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • baariyoow says:

      walaal abdirahman warka sida uu u qoran yahay baadan si fiican’
      u fahmin baan u maleynaa dadka hadda aqoonsiga laga rabo waa
      labada qof oo waaweyn oo isqaba oonna waxba isu dhalin ee caruurta
      iyo waallidka DNA ku filan la yiri ee walaal warka si fiican u akhri oo
      fahan adiga oo raalli ah.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

      • Abdirahman says:

        Baariyow sxb waxaa kamid ahay realy waalidiinta ilmuhu kajoogaan Sweden qaarna Africa. DNA ga waxaan maray 2010 kii. Waxayna igu dhaheen soo cadee Somalinimadaada. 2 caruur ah oo aniga ilajooga Africa na ogolansho bay nasiiyeen. Mahadsanid

        U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Nimco says:

    Samka walal ninka waxu kusobaxay qaxoti xagardher aya laga soqaaday blse gabar kale o lasocotay aya kuwaday wa ninkayga blse xaga marku tagay xafiska furninka aya latagay o waraq furnin ayay so siyeen,aniga waxan imid k/africa passport kenyan ah wan haysta waxa kale waraq qaxotinimo o dhacayso 2015 ayay isiyeen home affairs k/africa,carur iskumanan dhalin,maxan samayn karaa,tankale sharcigan makujira dadka aan carur iskudhalin,markale iyo walalahay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. kowthar says:

    asc wala waxan qabaa su.aal in aad iga jawabto ayaan jeclanlahaa hadad wax ka ogtahay aniga waxa iga maqan cunug iyo abihiis waxana la iga soqaday wadan kale marki halka la iga soqadaye manan sheegan in ilmo iyo abihiis eey jiraan duruf jirtay owgeed amaba ma aheen macquul markan halkan imaday ayaan sheegtay wan qortay marka waxan ka walwalsanahay inla idhaho madan so sheegan markan imidna wan u dacwoday waxana la isiiyee diidmo madamo hada la ogaladay dadka sideey kula muqataa teeyda malaga yabaa in dadka wax lobilawayo aan kamid noqonkarna mise nalagu xirii doono madan so sheegin jawab fadlaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. sacdiya says:

    asc dhamaaanti walaaalaya l wan idin salamay gaaaar ahaaan bahda wapka iyadoo aan u mahad celinayo in badan intas kadib waxan idiin waydiye embassy ga sweden ee nairobi goorme loo malenaya in la furayo? waxan ka mid ahay dadkii interview ga loogu yeeray balse nasiib daro way xidhneed maraaan tagay mideeda kale somali basaboor ayaaan heesata mala aqbalaya mise? Wax caruur ahna maheesano marka inaaa intaas ii sheegtan ayan rawa. Mahadsanidiiin dhamatiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. biriq says:

    as dhamaan dhibana yaash ku dhiban sharciga iswiidhan iyo dacwad jahwareer ah runtii aniga waxaan ahay aabe caruutis qaar ka joogaa swdan qaarka kalan ay joogaa south africa wlh waxaan aad ugu wareereaye dacwadan jah wareereka ah ma dha maatada ah waxan laa markii la dhahy DNA waan ku farxay lkn waxaad mooda in aysan wali cadee lkn wixii soo raaga qeerku kujiraa hala sabro in shaa allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. kadar kadar says:

    asalamu calaykum dhamaantiinba Dadka hada lamaidaynayo waa dadka haysta sharciga sweden Su’al DADKI SWEDEN JOOGA EE SHARCIGA LA SININ wali caruurtooda ma u soo dacwooni karaan jimcaale ka soo jawaab?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. marabno says:

    waan idin salaamay soomaliyeey meelkastaad joogtaanba..waxa aan ahay ni ay reerkiisu joogaan sweden o rabay inuu lamidoobo .. laakin kolkaan arkay sharciyada adag iyo siyaabaha loola dhaqmayo soomalida anigoo dibeda kajooga waxan go’aansaday inaan dib isugu hawlin sweden iyo wax sheegtaba .. ilaahaybaa faxan oo arsaaqada bixiya .. swden la’aanteeedna waanu noolayn .. waananu noolaan doonaaye soomaliyeey calalcalka iska daaya siday idiin dhamaatay oo adunyadi idinkusoo xidhantay… bal eega wadanka aad u baroonaysaan inta uu leegyahay iyo barafkiisa iyo cunsuriyadiisa .. waxa kasii daran afka uu leeyahay ayagoon 10milyan gaadhin ay kukhasbayaan in labarto laguna hadaaqo sidii shimbiraha… ilaahaybaa faxane aniga laiguam oga safaaradooda oo aan dib u hor istaagee .. haday taan qabay i rabto way taqaan meesha laiga helo…. wabilaahi al tawfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Dahir dayax says:

    To marbno hadad noogtay anagana aan so nogne blse hadu khayr kujiro Allah na gaarsiyo hadu sharyahay Allah mel kawanagsan nageyo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  21. kowthar says:

    asc dhalin yarada webkan wan idiin salamaay lakiin wan idaan dhaliilsanahay dadka uma jawabtaan maxa dhacay mise inla jawabo sharciga kamid ma ahaan miyaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. hodan says:

    kowthar walal somaliska dadka badana uma jawaawyo waayo jawaabtii ayaan laheen marka waa lagu qasban yahay in la amuso aniga waxan ahaa qofkii ugu horeysay ee sul aal weydiisa ila hada ma hayo marka hadii lagaga jawabo arag hadii kale waxba culees ha saarin somaliska

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Nimco says:

    Walalayal waxa wanagsan inad noga jwbtan dadkina qaar e xog ogal u ah’khasatan waxan wali jwb kasugi samkanura,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Jimcale says:

    Walaalayaal horta way adagtahay in qofkasta jawaab uu helo, aniga jawaabaha inta badan ma haayo, haddii kalena waxay ku qorantahay qoraalka. Sidoo kale howlo kale ayaan leeyahay biilkeyga ayaan raadsadaa marka sidaas ila garta.

    1. Hodan: Waxay ii sheegeen in ay bilaabayaan shalay oo taariikhdu ahayd 22 Februari, wixii shalay ka dambeeyay waa DNA.

    2. Nimco arintaada jawaab cad uma haayo balse waa laga yaabaa in baasaboorka Kenya ay aqbalaan. laakiin waxaa jira shuruudo kale oo quseeya dadka aan caruurta lahayn.

    3. Yaabane. baaritaanka dheeriga ah ma aysan cadeyn waxa uu noqonayo balse waxaa laga yaabaa in uu noqdo interviyuu dheeri ah ama in warqado dheeri ah lagaa dalbado.

    4. Kawsar: haddii aysan markii hore ee dacwada aad xareysatay ku weydiin sababta aadan u sheegan hada ma filayo in ay ku weydiinayaan. waa laga yaabaa in shakiga uu keeno in baaritaanka lagugu badiyo, haddii ilmaha aad DNA isku midtihiin fursada way fiicantahay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • farah says:

      to jimcale
      a/c waad kumahadddsan tahay dadaalkaaga marka xiga su aal ayaan qabaa

      walaal waxaa ii dacwoonaysaa waa xaaskaygaa waxaana ay dhaheen soo bilaaba dacwada marka xaaskaygu waxaa ay ii haysaa ilmo yar marka dacwada hadii aan bilowno ma ok ba mise madama xaaskaygu ii dacwoonayso xaalkaygu waa sidii oo DNA mesha mayaal miyaa wlll adigaa oo raali ah iii faah faahi ?

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. Nimco says:

    Thank u so much bro,mr jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  26. Bashir abaass says:

    As,wan slmi dhaman akhristayasha iyo walibo jimcale e runti aan u arko inu yahay ninki danihisa o dhan u lumiyay,haqab tirka hamayaqa dadka somalida ah e swidan.idinko rali ah hana idhibsanina oday calacalay wa ceb ahe,waxan joga capetown southafrica xaskina 1 sano ayay swidan jirtaa,dabcan jwbtayda wa mida gabadhan nimco,ok blse hada ma tagi kara safarada?anoo wax layso xareyo iyo in xaska imato o sas safarada kutakno,keeba fudud,2 sualod iyo jimcale markale,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. hodan says:

    mahadsanid jimcaale dhib na u arkin su alaha aan ku weydiino dulqaadna badi ileen adigaa dhahay shacabkeeyga ayaan la qeebsanayaa dhibkee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. fatima says:

    kadar kadar kkkkkkkkkkkkkkk waa deg degeesaa qofaan isagaba dsharici heesan see fimilkiisa loogu mideenaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. fahmo says:

    asc.dhamaan asxabtaa weebkaan waxaan rabaa inaan ogaado labada qof ee wax iskudhalin malaga qadaya dhiig mise waxa lagaaraba un basaboor dhalashoso fdln jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  30. nafiso says:

    asc wall waxaan kuu weydinaa aniga waxan joga sweden lkin waxan maqalaay oo an somalidaa swedan jogto aay isla dhex marayan malmahaan in dadkaa an waxbaa an isku dhaalin lagaa qadayo dhiig iyo shahwad da ninka iyo nagta in ay isku tagen iyo in kalee iyo dhiig o ah in ay yihin walalo cml ama qarbo marka jimcalow adigaa ii dhamee maxaa arintas kaa jiro madamaa ad wariyee laa xiiriro Laanta Socdalka baaaal iskuu daaay ina ad arinteydaa kaaa soo jawbto jimaclee adigoo mahad saaaan ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. ragiihore says:

    artanaaa somali hadana maanta mawaxaymareee shahwo aa la iskaqaadaa? Macnahaaaga waa iscuna gaalada oo idin arkeyso kkkkkkkk xaqiiqda walsha somaliyed majjirto mana maqal arintaaaas, ee iska sug waqtigii ayqorantahayna waad heleee howshaada, waaaba la iska dhargayaaa ileyn somalida dhan ismaqabaaane haday sidaas dhahaaanellllllllllkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. fatima says:

    waxay rabaan ee iska sheegayaan islaamaha ganbadoodaa u waranto waxii naloo dihi jiray run waaye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Daade-yare says:

    TO’JIMCALE’ sxb salan sare marka 2 waxad moda inu arkay emangarishinka somalida dhibka ey kuguhayan o u sababta u ah in esan waxfahmin wuxu sosaray FILIMO, katurjumayo go,aanadoda o kusobaxayo luqado kaladuwan o somali eykujirto marka dadkan sikale wax maku fahmayan e kusodar qebaha kala duwan e somaliska.com FILIMADAS THX

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. rashka says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk asc aqyarta bahda somaliska waaan idin salamay iyo dhamaan inta kutixan in aad loqosla waa xaraan inkasteeey jiraan sababo kaqoslisiiya nafiso waxaaa qurxan in hadalka lofirsada aduunka dhecaan DNA laiskaqada waan maqalnay lakiin shahwo laiskaqadaaa wali waa dhimantahay sideeda waxaaan maqlijirnay hawenka lakufsado 24 saacadood ayaa lagu ogaankaraa in lagusameey galma waxiii intaa dhafsisan lama ogankara koley wax lagucadeyn kara hadey jiraan dadkaan wax isudhalin waa lasoo bandhigilahaaa eee yaaan war cidla ah laiskudalinine halayskasuga wax qadaran lama dhafee wabilahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Bashir abaass says:

    Sxbyal qofka aan wax dhalin iyo ki carur kajoganbo hada matagi kara safaradaha,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. aniga says:

    nimco
    arintaada waay sahlantay waa in uu kuu imaadaa oo nikaax soo samaysaan markaas uu xareeryaa in uu naag soo guursaday waa laa shaka in aad imaani anaaa aad u og arintaas waayo waxaad sidataa cadayn saxa waaba dadka iminka la keeno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. Aqbaar suge says:

    Asc walalayal walatagi qofkii calaf ugu qoran yahay tankale jimcale dhaq dhaqba majiree maxaad soo daabici waxan ku oranlahaa sxb 20 marso kahor somali yey kuwarerine karaadso bariiskaga sxb hana isku sojeedin somalida buufsan .nagada wararkan iska hor imaanaya oo soo daabacdiin hadii ad rabtiin in su aalaha idinka yaradaan .that is it i’m in adis ababa .for hëj.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. astaahil says:

    asc dhamaan walaaha muslinka ahow
    asc gaar ahaan walaalkeen jimcaale walaalow aad ayaad u mahadsantahay sida aad arimaha na quseeya aad noogu soo sheegtid hadii aan soomaali nahay in sha allaah qayrka ilaahay hana qaafajiyo
    aboowe
    maxaa ka ogtahay ilmihii qaan gaaray
    intay dawladaan diidmada nasiinaysaynacab2009 yaan xareeyaya
    hadan qaar ayaa qaan gaaray
    mahadsanid jimcaale
    adoo raali ah waxaad kala socoto ii soo sheeg tack

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0