Laanta Socdaalka oo Soomaalida caqabad cusub u raadinaysa

Iyadoo dowlada Sweden ay horay ugu dhawaaqday in la filayo 20,000 qof oo Soomaali ah in lala mideeyo reerahooda oo ku nool Sweden, ayaa waxaa muuqata in Laanta Socdaalka Sweden ay raadinayso wado ay ku yareyso tirada dadkaas. Hada ayaa waxaa soo bilowday imaashaha dadkii ogolaanshaha la siiyay qaarkood kuwa ugu horeeyay.

Laanta Socdaalka ayaa hada la sheegay in safaaradaha ay ka dalbatay in ay baaraaan da’da dhabta ah ee dadka caruurta lagu keenayo. Taas ayaa macnaheedu yahay in loo baarayo qaab la mid ah kan lagu sameeyo dadka caruurta isaga dhiiba Sweden. Dadkii ugu horeeyay oo safaarada Addis Ababa arintaan ay u dirtay ayaa la sheegay in lagu yiri jawaab waxaad helaysaan dhamaadka sanadka. Arintaas ayaa dhibaato weyn ku noqon karta caruurta ku dhow in ay buuxiyaan 18 sano.

Dowlada Sweden iyo hay’ada Socdaalka ayaa mudo dheer xal u raadinayay qaabkii ay ku joojin lahaayeen qulqulka Soomaalida. Qorshayaal kale duwan oo ay horay u isticmaaleen sida cadeynta aqoonsiga iyo dheecaanka DNA ayaa u muuqda kuwo aysan ku qanacsaneyn, iyadoo talaabadaan cusub ee ay bilaabeen ay ka midtahay qidada la doonayo in lagu yareeyo tirada Soomaalida ee imaan karta Sweden.

Haddii aad ka midtahay dadka loo diray arintaan. Ama aad ogtahay qof laga dalbay cadeynta da’da fadlan soo qor wixii faahfaahin aad hayso. Dhinaca kale, waan jeclahay in aan ka jawaabo su’aalaha akhristayaasha bale maadaama aanan ka shaqeyn Laanta Socdaalka waxaan doorbidayaa in aan ka gaabsado.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

48 Responses

  1. ali says:

    walal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Hani says:

      Asc dhamaan waan idiin salaamay mowduucan waan xiiseenayay mar uun in lagu soo dabaco boga somaliska waxaa joogaa addis ababa waxaa arkay in ka badan 8 qoys oo loo soo turay in lagu sameeyo baaris xaga da’da ah oo ey safaaradana ku war galisay in ey soo wacayaan dabadeedna ey ayaga u dirayaan in baristaas ey soo sameeyaan qarashkana uu yahay jeebkooda iyaga ayaa iska bixinaya wixii dhaqaalo ah waa sida dadka lagu wargaliyo waxaa intaa dheer markaan weydiiyay in laga qaday qaarkood dheecaanka DNA ayey qaar kamid ah isheegen in laga qaaday eheladooda joogaan sweden ey ayagana sugayeen in DNA laga qaado oo ey safaarada ubalamineyso maalma kadin kolka laga qaado shaqsiga u dacwoonaya intaa waxaa sii dheer in safarada eynan shaqeynin maalmihii la soo dhafay sababo cilad xaga qadka ah waxaadna hada ka daremeysaa in saxmad ey ka jirto gudaha safarada gaba gabadii waxaa daganahay halka lagu baaro dadka da’dooda ama cisbitaalka agtiisa waxaana dhowri doonaa isbuucyada soo socdo iyo qul qulka cisbitaalka soomaalida ku yeelandoonto mahadsanidiin.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. ali says:

    wan ku salay jimcale aniga arkay gabdho iyo wiilal hooyadood u dacwoonesay o loo diray lafaha isbuuci hore nasib daro wey ka weyn tahay dadooda 18sano mana aqan waxa ey sameyn doonaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ali says:

    wana wax laga xumado dad ey sadax sano ka badan celcelinayey ey hada marmarsiyo kale u keenan allah talada hayo wayo dadka badankod dada caruurta loogu dacwoonayo waa dadka ka weyn 18sano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. Xamza says:

    Asc/dhaman,salantas kadib,,, run,ahaanti wa arin wanagsan sida runta,ah in lugugu kaxeyo ama aad kunolato,yanan lo,arkin warkeyga mid durayo somalida, e wa mid kusaleysan xaqiqdda, wayo waxan wada ognahay ilaa,inte in la,eg, ayu ruxa adanaha,ah kunolan kara been,naxli.bara bagando IWM, waxan wada,ognahay caqabadaha manta somalida badana heysato in ey kasobilabatay been waxan kalo wili sweden kuborin laha in ey waxwalbo kusaleyso xaqiqda wayo kan benta kudhaqmo wuxu masibo uyahay kan runta kudhaqmo weyna wada sameyneysa waxat ku arkeysa wadankan nin iyo nag isqabo o dhahayo isma qabno,INAA,LILAAH, war malasocota in adan ilmihi kudhasha nocas ey waladul zino waxbo dhamin, ruxa muslinka ah runta iyo xaqiqda kama naxo e wukufarxa iskuday wiliga in ad ku nolato runta wayo ayada ku anfaceysa adun iyo aqiro rux walbo o kudhaqmayo runta gal ama muslim nah wan sodhaweynaya aniga ahan?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 1

  5. cabdulahi says:

    sax walalkey xamsa benta waxaran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. abdirahman sh. dahir osman says:

    waa ku salamay mr jimcaale mida kale ma u maleyndoono in ey u wad diraan lafaha maxaa yeelay wax waliba waxaa ku baxo qarash marka insha allaah qof waliba waxuu u helaa nasiibkiisa umaleymayo in dadka oo dhan loo wad diro dadka la ga shakiyo iyo dadka laftooda weyntahay marka kheerka allaah na soo aadiyo in sha allah waxrkaa war ka kheer badan ayaan sugeynaa in sha allah in uu soo daabaco mr jimcaale

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • xamza says:

      asc walaalyaal xamza sxb markiii ad dhaheyso soomalida beenta ha iska daayaan soomali waliged been ma sheegin lakiinse maku fikirin miyaa anga waxaanu nahay soomali sanad keena caadi ga ahaan sheeganaa laakiinse markii dhib naqabsado sanad ma ka jarano walaal hadalka yaan kuu sii madinin aduun sida lagu dhaqmaayo in aan ku dhaqano ma qaladaa diiniyan kama hadlaayo run tii adoo kaleeto ayaa jooga soomaali naceb sxb qeer ayan kaaga tagayaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. shakur says:

    manta europe waxba ma yalan oo inti jogtayba waatan ku dhex daandaantay marka waxan leyahay somalia halo dayo europe oo somaliland ha iska ogan waa ra’yigayga midhasi
    dadka beenta shegayana waxan leyahay allah ka cabsada oo beenta joojiya arurta aad dhashen ha ku doorsanina xooga laag ah xisab ayaa danbaysa marka warkaygu waa midhka waliba somalida kudhaqan norway waa kuwa ugu beenta badan intan arkay ee family yadu is kala qoran alle halaga baqo way jiran dad iian laki inta xun ayaa badan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. c/fitah ciise says:

    walahi wa sax maxa dad aan is qabin dhaheen waan is qabnaa kuna keenay sweden in ay is qabaan balhada fiiriya kuwii dhabta isku qabay baa la iisu diiday soomali dhibka idaa keensatay marka haloo dulqaato somalidu wax walbo waa astaahishaa tankale sweden wax logu soo ardaba ma yalaan alah wadankeenii nabad hanooga dhigo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Eyman says:

    ASC! War hadaanahay somali, hadaan nahay waxaan rabnaa wixii fudud oo kaliya oo anan dhibleheen horta. Umada markii ey maskaxada ka cuuryaanto waxba uma qaban kareysd, 2002 ila 2004 waxaanoo idiloo hadajimcale soo sheegayo waay jireen dadkiilagu keenay ayaa joogo iyo dadkii lagu diiday, war hadii dadii lag yareeyo qofka intuu aadayaa horta mse janno ayuu u galayaa waryaa ilaa yaqano.War marka qofka marka dadaa yareeyso ama aad u badiso soo ma ogid in ey tahay halis, meeshan, war qofka aduu xanun u yimaado soo ma ogid in ey qatar tahay xaga daweynta qofkaasi, oo u qaadanaayo dose aanlog talgalin. wa halaga celiyo yaan dhihi lahaay. Hadaa ahay somali dhibku waa na dhalay waana nala dhashay anig heerkaas ayaaba qabaaba somali been nagama dhamato, e ilaahow hanugu dilin beeta (YAARABBI)

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. ahmed mahadi says:

    asw mar ka hore waan kusalmay salaan kadib dadka waata la keenayo ee la ogoladay lakiin waxaa dhibka kataganyayahay dadka bilaa sharciga ah iga sharciga malasiinayaa iyagana dadka swedan iska dhiiba ee ka baxasada kadibnina mudo kamaqanada sharciga malasiinayaa mise sidibaa talayniga loogu celinayaa taas maxaad war kahaysaa jimcale waad salaamanthaay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. MR NICE MAN says:

    SOMALIDII WAALA BARTAY IYAGAANA DADKA IS BARAY, OO ISKU WADA XAASIDIIN AH, QABIIL IYO QUDHUN AY WADANKII KUSOO GUBEEN AYEY LA YIMADEEN HALKANA, WASIIRKA SOCDAALKA OO LEH BAANAD MAQLIN WAA DHAMADAY WAKHTIGII KA GANACSIGA DADKU, TAA MACNAHEEDU WAXA WEEYI WAX KASTA OO SOMALI SAMAYSO WAA LALA SOCDAA, WASIIRKANA LOO MA WAXYOON EE SOMALI AYAA U SHEEGTAY UUN, HADA WAATANAA NATIIJADII WALIBA YAA IS GADHAY WAXA SOO SOCDA KA DARAN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. mohamed says:

    cabuwaq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Saredo1 says:

    Waxaan maqli jiray hadti aadan lahayn kuhaasharoow hadhowba lagaaqaad hantidaadu waa wadan kaaga hooyo allaah wadankeena nabad waarta hanooga dhigo dowlad caadila o cadaalada hanooga dhaliyo aamiin aamiin hadii intaas lahelo wax wadan shisheeye looga baahanayo majiraan qof walbaana wadan kiisa ayuu sumcad kudhex leeyahay haduu katagaana wax kasta hafisho inu arko hana kucilmi qaato

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. somaalidhaba says:

    asc somaaliyey waxaan ku celceliyaa mar kasta walalayaal dalkii iyo dadkii haloo duceeyo asagaa nagu filane waxaana la qabaa walashay SAREEDO fikirkeeda waanaagsan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. fatima says:

    horta warka markii lasoo qoro soo lama raacin jirin radio fulaan baan kasoo xigtay iyo wasiir hebel baa arinkaa yiri?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Xamza says:

    Salan sare kuli marlabad,hadan iskudayo walasha isku magacawday,(fatima) xoga yar saxafada inan ku ifiyo habkey ushaqeyso walale warunta o wararka qar walasowagta o mel aya lugusaleya lkn kuwo an ubahnen aya jira o tan cml,ah maxa yelay kuwi go,aanka sosaraybo uma esan ban dhigin mediyaha ee wa amar ey inti quseyso iskula shaqeyso o kaliyah weyna dhacda waxana radsada waxyabaha an kor kusoxusay o mediyaha usoban dhigo inti ey quseyso MR,JIMCALENA, wuxu utagan yahay inu melwalbe karadsado umada somaliyed e kudhaqan wadanka sweden qodaxda kutagan in u mar un kasibo,waxa caden kugu filan dadweynaha qar kamida aya marqati noqday safaradahana qabkey ushaqeyan dadku mawada oga jimcalana wuxu radiya ama udhun dulela waxkaste o kusokordho,almuhim lama dhihi karo caden ken o wa waxjira waxan umaleyna in ad maskax degan igufahantay walashey mahadsanit dhaman?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  17. Aabe waa kanee hooyo aaway says:

    asc wallaal xamsa waa runtaa oo aniga waxa la iga soo sheegay ethiopia hore ayaa u maqlay walalkeen jimcaalana wuu mahadsan yahey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. fatima says:

    WIILKA XAMZA WATOOW ANIGU CADEEN KEEN MA ORAN JIMCAALE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  19. Darwiish says:

    Asc Aniga waxaa iga qaangaadhey laba ilmood. Kii sadexaadna waxaa u hadhey 5 shan bilood. Waxay u balansan yihiin dhiig 2012-07-16 waxaan ka naxay warkan soo biirey caruurtayda dada u qorani waa sex toodii dhabta aheyd weeye ha dan warkaa waan ka naxey warkaaaaaaaaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. saynab says:

    waa arin fiican waayo beentuba wa xaraan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. fatima says:

    DARWIISH WALAAL HA NIXIN INSHA ALAAH CARUURTAADA WAXBA LOO DIRI MAAYO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. Macaawiye says:

    Asc jimcaale walaal aniga aya lodiray caruurtey waxa ladhahay diyar dir ma utahay marka maxala sameya walaal maxeyne noqonkarta wax jawab ah iga sii adoorali ah?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. Deeq Diiriye Xasan says:

    Asaaamu calaykum wax raxmatulaah
    walaal arintan maan arag, laakiin waala ii sheegay in laga bilaabay Safaaradda Addis ababa. waxa ii sheegay dadkii yidhi waanu aragnay Soomaali oo dirayo Baadhista Lafaha oo qaar kood ay baxsadeen markii la yidhi baadhista Lafaha ayaa la idiin dirayaa.

    waxaan filayaa arintan waxaa keenay Beentii Soomaalida oo badatay. Alle ha inoo sahlo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. carees says:

    malagayaba in arintan laga laabto wayo waxa jira dad badan oo xiligi shaqada lajojiyay qaan gaaray qaar kalane ku dhaw qangarka marka arintan wa in somalida kamudaharadan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. naana says:

    asc walaalaha musliminta wa idin salamay salaan kadib jimcaale adigane aad ayan kugu mahad celinaya ilaah ayaa mahad leh jimcaale walaal plz waxaan kacodsana inaa iga so jawaabto ciyaalkeyga ayaa joga itopia waxeyna dacwada ka xareeysten marki hore dalka yaman walaal hal didmo ayan qabay dacwada waxey talay maxkamada götebarg markan maxkamada wacay waxey dhahen anaga ku so jawaabeyno dacwo cusub uma bahnid marka decembar ila hada jawaab kama hayo maxaa igula talin laheyd inaan sameyo dad badan aya igula taliyay inaan latashan oo dacwo cusub xareyo magarationka ayan weydiyay waxey dhahen maxkamada ayan sugayna walaal plz wa wareer sanahay hana iga amuusin isoo jawaab snälla iyo qofkasto somali ah oo wax igu dhaamo wa mahadsantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. yara says:

    s.c walal jimcale.waxan rabay inan ku weydiiyo .walashey o ciyal leh aya rabto iney noso dacwoto ani iyo walalahey o da yar iyo hoyadey oo xanunsan e macqul miya.plz sida ugu dhaqsi eh igu so jwb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Aabe waa kanee hooyo aaway says:

    Asc naana waxa ku sheegaya mar hadii ay arintaada taalo maxkamada waxaad ku dadaashaa sidii aad mar walbo ula xiriiri laheyd maalin hadii aad la hadasho hadane laba maalin kadib wac si ay arintaada kugu soo degdegto waayo adigii dhibanaba hadii aad ka seexatid ayaga maxa ka filee marka wac maxkamada oo waydii halka ay arintaadu mareyso haii ay ku dhahaan anaga ku soo jawabeyno labo malin kadib wac ileyn shalay qofkii kaa qabtey mahee qof kalaa kaa qabanaayo wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. naana says:

    aabe wamahadsantahay walaal lakiin waxey i dhaheen bisha 8aad kahor jawab kuma sin karno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  29. Aabe waa kanee hooyo aaway says:

    bisha sidedad waa beriye iska sug sxb dad baaba waqti haysan loogu sheego arimahooda kuwa kalena dacwaba ma xareysan karaan marka waa lakala daran yahey sxb hala sabro illaahna talada aan saarano insha allaah towfiiq wacan rabow

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  30. Zaki says:

    Sxb jimcale waxa ku weydina dadka lafaha laga qadayo xage logaqadaya safarada miya mise wa melkale mise hospital aya lodira jawab mar wlbo mima jawabtid plz ijawab?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. Ibraahim says:

    waa run in dadbadan loo direy lafaha, waxaana sababey dadkii caruurtu ka qaangaartey oo markii dambe ee ay foomamka xereenayeen da’dii caruurta hoos u dhigay, ayaga oo is lahaa faylkii hore waa la xirey oo la helimaayo.taasi waxay dhalisey tuhun ku saabsan in marka horaba khiyaamo jirtey

    markaa intaanad wax falin ka fiirso, waa lagu daba socdaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. abooto says:

    asc waligeed waa jirtay arinta lafaha laakiin waxaa loo diri jiray waxa ay ka shakiyaan ee hada wax bilowday ma aha aqayaareey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  33. Abdiaziz says:

    Asc salaan ka dib Zaki lafaha la qaadayo maaha mid isbitaal qofka loo dirayo waa dheecaan afka laga qaado sida DNAda oo kale walaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. luul says:

    asc walaal jimcaale waxan rabaa in an ku weydiiyo hadii aad wax ka ogtahay
    baarista sax ma u sheegi karta da.da mase wax yar o sanoyin ah wey qaldeysa waxan kaa codsanaya id ad ii soo jawab tid mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. wadani boy says:

    asc dhaman waan idin salamay anniga hadan rayikeega xun ka hadlo waxaba wanagsan in aan liis kurbeen qofkii loo diro isbitalka ayaba qadanyaa laa luush marka kurbada iskadaya somaliyey xabashi ayaa laku diraya halal macamilo horayba waloola macamili jiry anniga ayaa soomaray hada waxa la shegayo isbidalkane wuxu naka qaday qofkiiba ween 150 doolar yana lisku ridin buufis qarash uun hala quuro makaradeen wabilahi toowfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. bashiir says:

    asc dhaman akhiyarta aniga modo laba bil ka hor ayan maray dna ila hada lagama qadin hooyaday waxan ahay 17 sano iyo 6 bilod maraka ma isaamaynsa go aankan cub mise way ka gududtay dacwadaydu safarada oo waxay taala iswidhan jawab cidii haysa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  37. Kheer sheeg says:

    Asc waa salamantihiin dhamantiin walalaha somaliyeed su ala qabaa jimcaale walaloow dadka is qabaan oo ilmo la aanta eh maxaa u maqan arintida maba la iska dhafay yey kula tahay adigaa ku jiro arimahan eh bal iga jawab allah ya cizak walalkeey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  38. axmed gele ismail says:

    asc dhaman bahda somaliwayn aniga waxan ahay wil da yar lagu kaxaynayo oo uu dacwonayo walalkis waxan raba in ogado go amadan is daba jooga ah maxay kaqaban walaalha mahadsanid walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. Raaxo says:

    Asc wr wb dhamantina salaan sare walaliya imankina sugta wadan gaal ha u hanaqal tagina wax walbo wa qadar rabi hadey idin qortahay wa tageysan ilahey wadankena hano nabadeyo adunka mel aan ogu dorsaneno malahe u duceya wadan inte ka carareysan intena u carareysan ani wa yaabe ma ogatahin wadankena inu yahay hodan inago heysano wadankena hodka ayan u hanqal tageyna wadan kale ilahey halo wada noqdo yaa allah soomalida ino midey wadankenan ino nabadey aamin isha allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  40. saadiq maxamed casayr says:

    aniga waxaan ka mid ahay caruurta dna laga qaaday oo rabaa iney la mi dooban waalidkood plz wax bixin joogta ah ayaa uu bahnahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  41. sumayo says:

    walal hadi ad martaey dan testa arintada wa ay fiican tahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. xamdi says:

    asc dadka ka wel welsan keenista ilmaha ama ilmaha rabo in ay walidkoda la midoban waxan arkay nin lo ogalday in lo keno ilma u dhalay oo maray dna so hada dadka la la geenoya wa cadi

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. muriidi cade says:

    asc asxabta shqrqfda leh horda waavarun aridas oo leeska qadaayo dhiiga anika abeheey ayaa ii dacwoonoyo isaka wuu maray dhiiga anika neh inshaaa alaah biridoole ayaaaan maraaaa dhiiga waana run rajo ayaaa la leeyaha niyada qeer u sheeega walaalyaaal byyyyyyyyyy

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. Abdilfc says:

    Asc dhamaan Asxaabta qaasatan shacabka somaliyeed walalayaal wixii calaf ah lama weenayo meeshii qeer ku jiro alla ha na waafajiyo mida kale aniga shaqsiyan warkaas waan maqlay lkn waa Ethiopia kaliya lkn uganda iyo kenya safaradaha sweden kama maqlin kamana jiraan warkana yaan la buun buunin dhiba ugu weyn ayaa ah in qof hada ka hor safarada ka xareeyay 2010 oo ahaa 16sana jir markaas ayaa hada dhahayo waxaan jiraa 17 marka macquul miyaa marka qaladka waa somalida meel lagaa haayo warbixintaada oo hada ka hor wax ka xareesay miya badaleesaa marka macquul maahan ee aan anaga is dajino waxna iska saxno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  45. Xamza says:

    Asc/,,, dhaman,,juma,mubarak, salantas kadib waxan idin haya dhaman inta ey quseyso amaba kuhowlan howlaha familada, in ey sweden bedeshay basaborki lasinjiray dadka leysukenayo kaso hada laso saray tariqda markey ehet,17/7/2012/ kaso ah mid ka bedalan kihore, hadabo ruxi hore u ugu xareysna wuxu kuqasban yahay in u hada midkan xeresto ogow wa fom cusub iyo dabcan lacag cusub mahadsanit?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  46. abdullahi diriye cali says:

    walaalayaal qof walba oo waxiisu sax yihiin sida wiil ama gabar yar oo keenaya walaalihii waalidkii ayaa ugu horeeya kiisaska safaarda itobiya yaal waxaana cadeeyn u ah arintaas ayaga ayeey ahaayeen dadka lagu bilaabay baaritaankan cusub balse waxaan sidoo kale shaki ku jirin kuwa is qab ee kala maqan iyana ama caruur ha u joogto ama yaaney u joogine ma degani sweden balse wadan deris la ah ayaan joogaa dad ka shaeqeeyana sxb waan nahay marka qeer insha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0