Laanta Socdaalka oo soomaalida ku qabsatay magaca!

Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ayaa soomaalida khaarkood ku qabsatay khilaaf u dhexeeya qaabka ay magacyada u qoraan. Dadka xaraystay dacwada ayaa qaarkood u soo qoreen magacooda Af-Soomaali halka qofka kale uu u qoray sida Swedishka, arintaas ayaa keentay in Laanta Socdaalku ay Soomaalida qaar ku samayso baaritaan dheer.

Qaar ka mid ah dadka ay ku dhacday arintaan ayaa ii sheegay in dhowr bilood laga daahiyay kiiskooda ka dib markii ay Laanta Socdaalka u maleeyeen in qalad uu ka jiro magacyada ay qoreen. Tusaale, haddii qofka loo dacwoonaya uu soo qortay Abdiaziz balse qofka u dacwoonaya uu qoray Cabdicasiis ayaa arintaas keentay in Laanta Socdaalku ay u maleeyaan labo magac oo kala duwan.

Dadkii ay arintaan ku dhacday ayaa lagu sameeyay baaritaan dheer oo ku qasbanaaday in ay keenaan marqaatiyaal cadeynaya in labada magac ay isku midyihiin. Hadaba si aad uga fogaato in ay kugu dhacdo arintaan oo kale ayaa waxaa muhiim ah in labada qof ay xiriir wada sameeyaan oo isku qaab u qoraan magacyada iyo in ay isku hadal ku halaan marka wareysiga laga qaadayo.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. ifka says:

    walal jimcale wax fuursada ma u heshay oo ku sabsan dadkii inka yar 2 sano eey wax xala jiiran wa iga codsii jimcale wan ku jira ee jawab khayr qabta ayan ka fiilaya beerka aya ii xanuunayo wax ii sheeg

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  2. ramla says:

    wlhi anaga somali hadaa nahay wax badan ba naga qaldan swden waxeeda waa ciyaar iska cad alah nooma baaiyo wadankeena nabad alah nooga dhigo aduunka intee ka jirtaa rerkaga laba sano waa inaa la nolataa toos meey u diidaaan ahsan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. mohamed says:

    asc walalaha dhaman sidoo kale arinkan ah laba sano in horay ay uwada noolaayeen labada lamaane runtii aad ayaan ubaaray meel badan ka fiiriyay weli jawaab cad kama helin LKN ARINTA AH IN AY WADA NOOLAYEEN FAMILKA WAXAA JIRO XOOGAA SHAKI AH MACADDAA SIDA WAXA SAXA YIHIIN marka dhamaan dadka walalahayna ee arinkan wax maclumaada kahaayo waan ka codsanaynaa in ay nala socodsiiyaan runtii waan arin walac iyo fikir leh marka aan is caawino adigoo war bixin beena walalaha aan loo sheegayn ASC

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. mohamed says:

    TALO GAABAN EE DADAKA 2 SANO AY WADA NOOLAADEN waxaa shaki la aan ah in ay u shaqayso migrationsverket hadba kiis walbo nasiibkiisa xaqiiqada sida ay tahay sow maadan arag qofka markuu wadanka iska dhiibaayo kiiska qof gacanyara ah ayaa loo dhiibaa qof way ku adkaanaysaa qofna ilaahay ayaa usaqiro waana iska calaf wax walbo marka insha alaahu tacaalaa waxaan filaa in ilahay naga qabto gaaladaan walahi dhibka qofka muslimka way ku farxaan waana ubagaayaan lkn ilaahay ayaa naga haayo shartooda iyo dhagartooda ileen anaga ayaa kasoo doonanay magangalyo asc

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. ifkaifka says:

    mohamed walal adiga ma waxad ku jiirta dadka inka yar 2 sano wada nola markii aad imanaysay meel bastan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  6. mohamed says:

    haa waan kaa imid ah dadka 2 sano kayar lanool´walashay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. sahal says:

    Asc walaalayaal arinta labada sano kahadleyso ma qofka markuu Sweden timid. Kahor malanooleyd reerkaaga miyaa tusaale hadaan usoo qaato matalan waxaan imid Sweden 2010 marka labadii sano kahoreysey ee2008-2009 maa laga wadaa mise kadib matalan aniga caruurteyda waxaan kasoo tegey 2008 waxaan Sweden imid 2010 sharcigaan aniga maka badbaadey walaalayaal oohs soojawaaba. Mahadsanadiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. Maxamed Cabdullaahi says:

    Mahadsanid in badan JIMCAALE waa macluumaad mihiim ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Dade,yare says:

    Asc,dhan, war iyo dhamantis,o kusabsan,dadka ey quseyso,shurada,2,sano,ah, wa mahesatan canug kawen 2 sano inta usan midkin iska dhibin sweden hadey jw tu tahay maya wa adagtahay in laqimeyo kiskaga hadi ad hesaten canug kawen 2 sano intusan midkin sogalin sweden ninka ama nakta, kiskina wucadyahay, ana weydiyay lanta socdalka jw,tuna sas ayey igusisay e inta sharudan qabsatay ALAHA,SW,haka bad badiyo ronaba,RABI, a,og, mahadsanit oll

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. hanad says:

    DADE YARE MOWFUCAN 2SANO WEBKA QORAYAA MANOSHEGTAAN AAN BAL ARAGNEE SXB

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  11. Dadka 2 sano says:

    Sc aniga waxaan ka mid ahay dadka labada sano dhibkiisa haysato maanta ayaan wareystay hanleegaradeyda waxeey iigu tiri idinka kaliya ma ahee shuruudaas anaga Sweden ahba waa nalagu xujeeyaa hadaan nin ajnabi ah is guursano waxaa nala dhahaa 2 sano ma ula nooleed goaankaasna wuxuu kusoo baxay wiilasheena ayaa holand naago ka guursan jiray oo markeey inta keenaanna hal sano ka dib furi jireen oo naagihii la celin jiray marka goaankaas sidaas ayuu kusoo baxay oo loo xoojiyey…. Walaalayaal waa iiga macluumaad kaliya ee waxaana iiga keenay inaan daba galo mawduuca aniga ayuu I quseeyaa tan 2da sano

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  12. ayaan says:

    weeee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. ayaan says:

    wan ku

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. ayaan says:

    walaal waxan ku waadiiyy arn yar

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. kayfo says:

    asc walaal 2 bada sano mid aad uga bad badiin baan inii sheegayaa aniga waxaan arkay gabar qarabadaydaa ah oo odaygeeda loo ogolaaday dacwadana dacwad aroos ah beey ahed waxey sameesay dhoor mar beey utagtay odaygeeda kadibna waxeey u koobiyeeysay tigidhadii marka saa sameeaya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  16. ayaan says:

    waan idisamay bulshad aad

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. wadniboy says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  18. Aabe soomaaliyeed says:

    To Kayfo
    Walal qofta ad qarabada tihiin ma singal baa mise caruur ayaa ujoogto mise passport kale ayay wateen?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. somaliyay says:

    asc, dhibaatooyinka badan ayaa sodo somalidii kaliye, ajnabiga maaley migrationverkt tosaloo?, ajanabka waaba keena xaaska ama ninka, somali ma aha, haddii curuurta illaahi u seeyay hadana waa iin joogto 2 sano ka hor, naxatin kale waye,sanad kasta waaxan taaga curuurta,lkn ma aha in aan joogo 2 sano

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. King moha says:

    Asc akhyarta dhamaan maanta waxaan la xiriiray migrationsvetka waxaan wey diiye Hadaan xaaskeyga ey canug iidhashay markaan imaaday Sweden kadib xaaskana ey ii qorneed intaan Sweden imaanin ka hor Maxa shuruud ah oo leygaga baahan yahay Ayaa. Dhahay ? Waxoo igu dhahay kowgii waa inaa shaqeystaa oo aad haysataa dhaqaale Adiga iyo canugaga iyo xaaskaaga ku FILAN . Waxaan wey diiye Sweden sidaan wada ognahay Shaqo sida lagu helo waqti ayey qaadaneysaa marka DNA kuma flno miyaa inaa xaaskeyga iyo canugeyga kula midoobo . Waxoo dhahay hadaa Sweden ku nooleed 4 sano wax ka yar DNA xitaa malagugu siinayo sababtana waa dhaqaalaha aadan uhaynin xaaskaaga. Waxaan dhahay hadan Sweden 4. Sano ku noolahay maley ogolaanayaa mise Maya . Markaas waxoo dhahay hada Sweden ku nooleed afarsano markaas dhaqaale malagugu xujeynaayo DNA ga Ayaa kugu FILAN waana laguu keena xaaskaaga ayuu dhahay . marka su al ayaan weydiinaa dadka arintaan diidmada lagu siiye Sweden imisa sano Ayaa ku nooleeden 4 sano ma dhan tahay mise Maya ?

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  21. Amin says:

    King Moha. sxb waa hadal wadkii galay ayey noo hayaan. aniga afar bari ka hor ayaa diidmo ii soo dhacday. Labo sano ayaan deganahay wadanka. Cunug yarna way ii joogtaa. Iyada oo caloosaha ku jirto ayaan ka soo tagay Africa. Hadana waxaa loo sheegay xaaska sababta ay diidmada ku heshay in ay tahay iyada oo la noolayd odeygeeda muddo yar. Intaas wax looma dhaafinin. Gabarta yarta ah aya laga codsaday in ay ogolaato in DNA laga qaado si hadii ay islahaadaan aabeheed loogu geeyo. Taasna xaaska way diiday. War kale ma hayo,.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0