Laanta socdaalka Soomaaliya oo iska fogeeysay xog-ogaalnimadeeda soomaalida qasabka lugu celinayo

2

Iyadoo dowladda Noorweey ay sheegtay ineey dib u celineeyso soomali tiradooda gaareyso 1600, ayaa hadana dowladda Soomaaliya oo qudheeda lugu eedeeyey ineey xogogaal u tahay celinta soomaalidaasi. 

Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda waqtigeeda sii dhamaaday ee Sooaaliya, ayaa iska fogeeysay wararka sheegaya in laantu heshiis la gashay dalalka galbeedka ee doonaya ineey qasab ku soo celiyaan soomaalida ay diideen sharci daganaanshaha dalalkooda. Maxamed Jimcaale koofi oo u waramayey saxaafadda ayaa sheegay ineeysan la socon dad qasab lugu soo celinayo marka laga reebo kuwa xabsiyada dibadda ku xiran qaarkoodna burcad badeednimo loogu xiray kuwaas oo uu sheegay ineey dhibaatooyin heeysto. Wuxuu sidoo kale sheegay ineeysan jirin heshiis rasmi ah oo dowladu la gashay dalalka doonaya ineey soomaalida ka musaafuriyaan dalalkooda.

Si kastaaba ahaatee dowladda Noorweey oo ka mid ah dalal ku yaala Galbeedka, ayaa kal hore ku dhawaaqday ineey soomaali badan oo dalkeeda ku nool kala noqotay daganaanshihii horey ay u siisay. 120 oo kamid ah dadkaas ayaa loo diray waraaqihi digniinta ahaa. Wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cumar Hadliye oo laftiisa la hadleyey warbahinta magaaladda Muqidsho ayaa sheegay in laanta socdaalka ay xogogaal u tahay soomaalida Noorweey laga soo celinayo. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xilli ay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay arrintaas si isqilaafsan uga hadlayaan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here