Laanta Socdaalka Sweden oo baaritaan ku samaysay xaalada Somalia

Wafdi ay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) u dirtay in ay baaritaan ku sameeyaan xaalada amaanka iyo nolosha Somalia ayaa dhamaadkii bishii hore soo bandhigay warbixintooda. Wafdigaan ayaa booqasho ku tagay magaalada Nairobo halkaasoo ay wareysiyo ka soo qaadeen dad u dhuun daloola xaalada Somalia. Iyagoo ka cabsaday amaankooda in ay tagaan Somalia.

Warbixinta wafdiga ayaa lagu muujiyay in xaalada amaanka ee Somalia ay wali tahay mid aan deganayn isla markaana xarakada Alshabaab ay wali yihiin kuwo firfircoon inta badan wadanka. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in saamaynta dowlada Somalia aysan ahayn mid wanaagsan oo dhexdeeda ay jiraan isqabqabsi qabiil iyo musuqmaasuq badan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in goobaha ay maamusho dowlada ay wali tahay mid aysan qatar guud haysan dadka shacabka ah balse dadka bartilmaameedka ah sida xubnaha dowlada, amisom, ganacsatada, dadka u shaqeeya hay’ada, culumada, wariyaasha ay wali yihiin kuwo qatar ku jira. Dadka Al-shabaab ka goostay ayay sheegeen in ay iyaga qatar ugu jiraan in la dilo haddii la qabto balse aysan Al-shabaab sidaas u daba galin dadka aan jagada sare ka hayn xarakada.

Guud ahaan warbixinta ayaa sawir mugdi ah ka bixisay xaalada Somalia iyo hor u socodka wadanka. Ujeedada waftiga ayaa ahayd in loo kuur galo xaalada taasoo saldhig u noqon karta siyaasada socdaalka ee Sweden ee ku aadan Somalia iyo sida loola dhaqmayo dadka qaxootiga ah ee ka yimaada Somalia.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

28 Responses

  1. ali says:

    scw walaal salaan ka dib warkaan muxu ka badali karaa dadka mangalya doonka ah ee soomaaliyeed ee ku sugan sweden amaba dadka diidmada heysto walaal adigo mahadsan noo faah faahi ama hadi ana kaheli karno laanta sodaalka websitekooda mahadsanid

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. CAAQIL says:

    JIMACAALE
    sxb warkaan meel uu ku qoran yahay oo adiga page kaaga aheen ma jirto

    illaah ka baqa waraan sugneyn page haku camiranin plz

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 11 Thumb down 7

  3. shukriya says:

    kkkkkkkkkkkkkkk warkaan uso qoray sanad ka hor uu ahaaa hada naguso celiyay

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 8 Thumb down 6

  4. Jimcale says:

    Halkaan ayuu ku jiraa isaga oo English iyo Swedish ah: http://lifos.migrationsverket.se/dokument?documentSummaryId=31538

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 1

  5. WAXGARAD says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 7

  6. fahad says:

    jim aale adoo raali ah xagee ugu qorantahy arintaan noo soo qor

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. HUSSEIN says:

    WARBIXINTA WAA SAX WAXEEY SOO BAXDAY 2014.01-20, WAXAA KU ARKEEYSAA, MARKAAD LINKIGA KLIK SIISO WARBIXINTA TAARIIQDA AAY SOO BAXDAY, MAHADSANID JIMCAALE.
    KOPI
    Det svenske MigrationsverketUpphovsdat: 2014-01-20Manuell: 31538

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  8. hasan says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  9. Omar says:

    somali dood qab daran u daaa

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  10. jey says:

    waa arin sax ah Aamaanka Somalia 70% wamid aan layksu halayn karin waxana jira musuqmaasuq iyo qabyalad faraha ka baxday dawlada hada jirtana waxayba ku dhisantahay qavyalad waxayna u shawqaysaa qabyalad sida darteed wa warbixin san ah Alshababba wa musiibo umadan losoo diray wana danbi ay iyagu sameyeen

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 3

  11. mahad says:

    asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. mahad says:

    asc walalayal aniga waxan ley siyay diidmo sharciga ah kadiban waxan kaqatay gi’anki maxkamada racfaan mackamadi waxay kuso celiyen megreshinka si ay dib u egis ugu sameyan dacwadeyda magrishenki waxay igu yirahden wan kala niqinay didmadi marka ama interfiyu ban ku waxeyna ama jawab ana kusinayna marka iga war bixiya maxay ka dhihi donan arinkeyga

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. sahraa says:

    to mahad walaal hadalka sifiican uma fahmin hadii magreshanka iyo maxkamadii ma ku soo diiday oo laba diidmo maad hesataa walaal anba kuula mid baan ahay oo sedex diidmo ayaan heestaa oo mid waa magareshanka labada kalane waa maxkamada hoose iyo mida sare waxeena iku dhaheen arintada booliska cml aan ku warejinenaa iyaga og see ka yelayan walina ilama soo xariirin poliska hadii aqbar heeso oo kale ila soo socod siii mahad sanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. mahad says:

    walal sahra maxkamada ima din diidmo hal didmo aya ley siyay kadina racfanki aan ka qatay go’aanki migration laanta socdaalka kiiska matkay gitisay waxay u aeagtay diidmo qalad lagu bixoyay kadib waxay dib ugu so celisay migration si ay kiiska wax uga badasho aniga ayey ii yeren migration waxay igu yirahden waan kala noqonay diidmadi hore anaga aya kuso jawabeno ama interview cusub kugu yereyna ilaa iyo hadana wax jawab ah kama haayo waxa kaso waregatay dhoor bilood

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. filis says:

    ASC DHAMANTiN WAAN DiiN SALAMEY.SALAN KA DIB QOFKA WAXA MESHA KU QORAN RUUN MODEYNIN AMA SHAKi KA QABO YUU SO BOOQAN WEBKA.WAYO QOF BEEN SO QORAYO MALAHAN. HADAN QALDAMEY SHEYDAAN AYEY KA AHATEY HADAN WAX FiiCAN SO QOREY XAGA RAABi AYEY KA AHATEY CAFWAN WAA BiLAAHi TOOW FiiQ.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. xussen says:

    asc wsm dhamaan inta kuhadasho afsomalia salaan kadib warbirintaan waxan umaleeynayaa ina eeytagay mid kala dhiman ayiga waxa eey rabaan diidmada lasiinayo somalia ina eey uhelaan qudubo lala tiigsado oo laguyiraado dalkaadii waanabad hadaadne aheen wariye ama siyaasi laakin aniga waxan dhihilahaay wali lama gaarin taas hadaan nahay somalia dalkeeynoo nabad noqdo waxan kajecelnahay majiraan laakin wax baaka dhiman aniga waxan dhihilahaay soomaaliya maalinta oow askariga oow jeesho xaqooq hadii oow shaqeeyo iyo hadii shaqada laga qaadaba xiriglaha ilaa madaxa ugusareeyo dalka oow helo qofko wax oow shansado inta oow noolyahay hadii oow dhintane eey leeyijiin ubadkiisa maalin taas ayaa ladhihikaraa wariye ama siyaasi waxaan aheen sharci looma haayo waayoo kuwaasi markastaba weey helayaan sharci hadii eey sheegtaan wax sax ah cidii idhibsatay waan raaligareeynayaa tani waa aragtideeyda waana qaldamikaraa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. najibyare says:

    asc asxaabta salan kadib sxb warbixinta sxb kay qoray sax waxaad ka heli kartaa aqbaar ka mid webside migrationsverket ayada oo ku qoran af english iyo svenska wali aqbaar dheer inta ka badan waxa uu soo qoray jimcale waa sax waxaan oran lahaa aqiyaarta wax husada lkn aniga shaqsiyan waxa aan aaminsanahay marka ay dheheen dowlada somalia meelaha ay taliso shacabka wax laguma yeelo taasi sax ma ahan meel walba dad rayid ah oo aanan danbi laheyn ayaa qarax ama siyaaaba kale lagu dila oo alshabaab dilaan waxaan oran lahaa aqbaarta sida ay ayaguba sheegeen wax badan ka mid waa second hand ama thirty hand waxaa jiro dad badan somalia diidmo helay wadanka sweden sanadkaan laguna siiyey somalia gaar ahaan mogadisho nabad. to mahad iyo sahra laanta socdaalka qof walba si gaar ah ayey loo qaymeen xaaladiisa sida u cad warbixintii sanadkii hore laanta socdaalka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. sahraa says:

    to mahad waan ku fahmay waxaan filaa in sharcikii laku siin doono hadeba kaa amun san yihiin gabar ee sidaas ku dhacday ayaan arkay oo hal diidmo lasiiyey muda fara badana ka dib oo hada dhoow bishan ku daheed sharcikii loo soo ogolaatay marka adigana insha allah wad helesaa rajadada ma xumo walaalkee ee mesha aad jokto hade jiran dad sedex diidmo heestaan oo wax yaba kale samesten hadad araktay ila soo socodsii walaalkee wana mahadsan thy

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. maxamed says:

    asc dhamaan walalaha muslimiinta ah melkasto aad jogtan waxaye ilatahay aniga in arintaan ay tahay inta badan mid xaqiiqo ah lknse magalada muqdisho kaliya ayey kuso kobeen aaway gobadalada dalka sida galgaduud konfurta ila bartamaha somaliya dhanka kale anigu waxaan ahay dadaka arintaan aad u daneynayo ama ay sameyneeyo sharci suge ayaan ahay wali aan helin wax jawaab ah kadib inter viyugii aan maray bishii 7aad hadana ma garanaayo ilaah baa yaqaano sida uu xalka noqon doono lkn qolodaan lanta socdaalka hadaan somali nahay waxba noma ogola ayey ila tahay waa rayigeyga

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. maxamed says:

    waa mahad santahay jimcaale soda aad noga haqabtirtay waraka qebohoda kala duwan markale mahad sanid waad naga mudan tahay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. xussen says:

    asc dhamaan inta ku hadasho af somaliga salaan kadib mida ah somaliya waa nabad hurta fikirkaas waxa qabo dhamaan EU marka laga reebo 2 uk iyo danmaar mar kii hure laakin hada weey kusoobiireen tusaale ahaan 2 pof ayaa mid oow sheegtay muqdisho midne baraawe kii sheegtay baraawe waa lasiyay kii muqdisho sheegtane diidmaa lasiisay marka aan usoonoqda Sverige waxa eey sameeyday waxa eey sameeyaan EU war bixintaan eey soqureen hada waa mid loogu tala galay dadka kunool wadanka swedhan marka illaaheey ha uga sooqaado kuwa diidmada lasiiyay dal kaay niine nabad dhamaantii alla nooga dhigo maantay hal eey kusheegayaan nabad EU dhibaateenta shacabka meelaha kale ayaaba kayar sida eey eey sheegayaan wariyaaasha waa sida eey udhigeen hadalka marka laga hadlaayo dhaca kufsiga waa sida eey sheegayaan idaacadaha illaaheey hanaga qabto kuwa qaska kawada dal keeyna hooye tani waa aragtideeyda iyo sida aan kasoo qaatay idaacada badan oo ku hadlo afka somaliga ok bay

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. Luula says:

    Asc walalayaal dhamaantiin waxaan rabaa inan wax ka ogaado qofkii labo Diidmo lasiiso oo dacwadiisii hore wax ku dara maxkamada sare dacwadaas go’aan nooceeyah ayeey ka yeelan kartaabay inla tahay mise jiraa qof jaaniska 3aad ku guulaystay iisoo jawaba illahay qayr hani siisee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. maxamed deeq says:

    dhamaan dadkan dhibaateesan ilaah ha u saqiro sharci gaalo wax ween maahee idinkana beryada ale badiya waad iska heleesiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. maxamed says:

    asc walalayaal aniga diidmo 3 ayaa lisiyey ee hadalkaan maxuukaqabankaraa waxkasto ilahay gacantiisa ey kuxirantahay marka qofkii jawaab heeyo hanagu fa.ideyo idinkoo mahadsan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. hassan says:

    TO Sahraa
    Walal dad ka diid mada heestaa waa kuma naan anba adi iyo mahad in lamid ban ahay 2 diidman maraa tan kalana qeer ayay rajayna marka dad badan aan kasaa 3 diidmo heestaa kolay isku cudur aan nahay si aan iskaaga waray sano wixi aan wajihi lahayn ama aan kala kulmi karno wa muhim in aan iska war qabno waxad iga heli kartaa Facebook hassan sheelare mahad sndin ilaah albaab qeer hanoo furo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. mad ali says:

    A.s salaaan kadib akhbaartaan ma huban tahay hadii huban tahay migrtion go,aanka xiga maxuuu yahay?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  27. liban abdi says:

    asc kusocoto MAHAD sxb sare rajadada aad ayay u fiican tahay maxayelay diidmada maxkamada haday soo celisay migrationka sharciga ayuu kusinaya ama waxa uu kugu wacaya waraysi sidii interview cml bro kadib sharci waad qaadaysa inshallaah bro warkii hore lee sheen yaan lagu waalin aniga ayay igu dhacday midaan oo kale nasiib wanaag waan maray interview kale kadibna 2weeks ayaan sugayay sharciga jineva ayay isiiyeen waqtiga lee dhiman waad helaysa rajadana waa mashallaah bro walwal majiro inshallaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. mahad says:

    insha allah bro liban

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0