Laanta Socdaalka Sweden oo badashay aragtideeda ku aadan Somalia

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa soo saartay warbixin cusub oo la wada sugayay taasoo ku saabsan xaalada Soomaaliya. Aragtidii iyo qaabkii ay Soomaalida ku qaabili jirtay Sweden ayaa wax laga badalay sida lagu sheegay warbixinta.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in xaalada koonfurta Somaliya oo ay ku jidho Muqdisho ay soo hagaagtay oo hada uusan ka socon dagaal sokeeye balse wali ay jiraan dhibaatooyinka kale. Sidaa darteed ayaa Laanta Socdaalka waxay wax ka badashay qaabka loo qaabilayo Soomaalida magangalyada ka dalbata Sweden oo hada ka dib aan horay sharciga laga siin doonin. Qofkasta ayaa lagu qiimeyn doonaa dhibaatada uu sheegto.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa Laanta Socdaalka waxay sharciga Soomaalida ku siin jidhay haddii ay cadeeyaan in ay ka yimaadeen koonfurta Soomaaliya qaasatan Muqdisho oo keliya balse hada ka bilaabata ayaysan micno lahayn halka qofku uu ka yimid balse ay muhiimada siinayaan qofkaan dhibaatada uu sheeganayo.

Si kastaba ha ahaatee Laanta Socdaalka ayaa warbixinteeda ku celcelisay in wali ay Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin sidaa darteedna loo baahanyahay in qofkasta si wanaagsan loo baaro kiiskiisa. Waxay sheegeen in baaritaanka kiiska uusan noqon doonin mid culus balse la doonayo in qofka Soomaaliga ah uu cadeeyo dhibaato isaga ku dhacday.

Sababta ka dambaysa isbedalkaan ayaa yimid ka dib markii gudi ka socda Laanta Socdaalka ay bishii Juun booqasho ku tageen magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo sabab looga dhigay in hada aysan Al-shabaab ahayn qatar weyn oo Soomaaliya ka jidha.

Ugu dambeyntii warbixinta ayaa lagu sheegay in Laanta Socdaalku ay la socon doonto xaalada Soomaaliyada. Hadaba waa maxay xaqiiqada arintaan? Aragtidayda waxay tahay in Soomaalida lagu adkayn doono sharciga sida wadamada Ciraaq oo kale. Inkastoo haddii qofku uu qorto kiis macquul ah laga yaabo in sharciga la siiyo ayaa hada ka dib aysan durdur noqon doonin sidii 3-dii sano ee la soo dhaafay.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

29 Responses

  1. ikraan says:

    wadankena aya nabad ah somaliyeey aan 1000 uu gurnoo waad aragtan meeshan waxa yaalo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 4

  2. To Ikraan says:

    Ikraan Eedo adiga noo biloow adiga iyo caruurtaada marka aad guurtaan ayaan anaga ku raaceynaa inta adiga Joogto cid baxeyso malahan iska celi dukumiintiska eey ku siisey iswiidhen

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 7

  3. Osman says:

    Ha iska joogeen wadankooda oo ha hedhiiyaan somalidu halkan maxaad ka soo dooni gaal iyo qadhmuunkiisa anagii ayaaba yaabane. Waligiin somaliyey haysu dhiibina gaal xun oo cad, Alle na ha ka quusanina arsaaqdiisa. Alle ayaan idinku dhaariyee Alle diintii aduunka ugu sharaf badneyd ayuu ina siiye muxuu inagala hadhey. Bal hadaba bismila dhaha horto oo hays odhanina gaal naxariis iyo wanaag ayuu idiin hayaa, miyaad ka war haysaan dadka gaalada ahi sida ay islam ka u neceb yihiin wlhi hadii aad aqoon yar u lahaan laheydeen wadan gaalo maanta ku maydaan soo yaacdeen una soo baratanteen. aduunkan gaalku aqoon weyn ayuu isagu u leeyo janadiisii ayuu ka dhigtoo wuxuun buu rabaa inuu adna aakhiro ku seejiyo kuguna tunto oo madaxa kaaga istaago, ee markaa somaliyey diintiina barta oo ogaada halka aynu maanta gaal kala taaganey. Anigu idin ma lihi gaalka ku qaado xabad iyo madfac ku rida, lkn waxaan idin leeyey gaalka cadaadis xaga maskaxda ah iyo caqliga ah ayaa la saaraa, tusaale ahaan ugu qosol adba sidan dhib ka yar ee dee uu kuugu qoslayo. xaga caqliga iyo niyda hoosana ka nebcoow. Aduunka anigu gaal sida aan u nebcey wlhi ced kale uma nebci. Marka somaliyey diinteena suuban aynu barano hurdadana ka toosno oo gaalka maanta aan u adeegsano aaliyad xaga maskaxda iyo caqliga ah. Dee ilayn isaguba xabad iyo madfac inugu ridi maaye maskax ayuu kuu adeegsanayaa istället vapen!!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 4

  4. cabdale says:

    waa ku mahad santahay warka fiicaan laakiin se waxaad moodaa inaad lahjad ku ku soo gubinayso warka, waayo waxa jira dad badan aan fahmaynin kelmadda JIDHO.. tack!

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  5. to jimcale says:

    sxb wan garanay somalida cusub ka waran kuwa ayakan ah dublen oo sanoyin badan yurubta iska dhax waregayi ayaka sharciga maxaa lagu sin karaa maxana logu didi karaa somaliya ayada oo colad ah ayey ka imaden jimcale marka kuwas sharciga qabanayo noo shek bal tack jimcale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  6. abu khalid says:

    asc waxan figradayda ila tahay inay yurub celin don to dad badan oo bila shar ciya iyo kuwa imika is dhiibayee sheganaya rer xamar ka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  7. Saleman says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 16

    • asad says:

      war ilaahey ka baq, miyaadan qabri laba mitir ah galeen,, oo xisaab kaa danbeen oo naar ka baqeen,,,,,, inta aad is leedahay dad ka xanaaji ,, jahanama ha muteesan

      waa iga waano, ha u maleen waligaa in aad aduunka joogeysid,,,, aakhiro ayaa la tagayaa!!

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  8. samakaab says:

    samakaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. AHMED says:

    FAKERKAYAG ANIGA WAXAYA ILA ATAHAY SOMALIYA HADAY HAGAGTO WAXAAN HUBAA INAN CIDNAB HALKAN JOOGAYANI ILAA QOFKI DANA GAARA KU HAYSTO MAHANE, WAXAN TAAS ULEEYAHAY WAAD ARGTAA DADKA SOMALIDA HALKAN SWEDAN LAYI RAHDO WAA WADAN UUN NOLOL KALIYA AH OO ANAY WAXA HURUMARA KASAMYNIN SOMALIDA WAXAA UGU WACAN DHAWR WAXYABOD SHAQADA OO AH TAN KOWAAD KAMSAHQAYN KARAAN SHAQOYINKA WADAN KAAD INTA BADAN WAAYO XAGA DIINTA AYAY U DIIDYAAN,, XAGA WAXBARASHADA IYADAN TAN SARE WAA RIBO KU BARO ILAA NOLOSHAADA DEYN GUD,,, DADKA WAAWEYN CARUURTANA WAR KOODA DAAY TIRAKOOBKA SANIDKI HORE BAL FIRIYA SOMALIDA KALINTAYA UGA JIRTO,,,,, WADAMADA SOMALIDA DEGAN TAHAY EE KALENA FIIRIYA KALINTAYA UGA JIRAAN XAGA WAXBARASAHADA WAA WADANKA UGU HOSEEYO SOMALIDA WAX BARSHADEEDA DIINA WARKEEDA DAAY ,,,MARAKA HADIIBA INTAAS IYO KUWA KABADAN AY JIRAAN DALKEENA INAN KUNOLAANO MAXA DIIDAYO…. SHARACIGA WAXA LAGUSIIN JIRAY SIDA AYA HADA SHEEGYAAN ALA SHABABA KAHOR SWEDAN WAALA INAAJIRAYA SHARCINA WAALA BIXIN JIRAY ,,,,,MARAKA WAA UUN SIDII HORE ,,,YANAN WAXBA LA BUUN BUUNIN QOFWALABO WAXA UU CUNAAYO WAAQORAN YAHAY LAAKIN GACAN HORSI MAFIICNOOO ,,IYO INADA NOLOSHA AAD KU XIRTID WAX YAROOO DHAMANAYA AAY HEERTAHAY FKER JOOGTAA AH KAN CARUURTA LEH IYO KAAN CARUURTA LAHAY WAA ISLAMID ,,,,,,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  10. AYAN says:

    WAAD SALAAMATIHIN DHAMAANTII. WAXAAN LAYAABAA WAXA EEY DAKA U XANAAQAAN MARKA LA DHAHO DALKENA AN WAX U QABANO AMA AAN AAD NO. DAL KAAN AAN JOOGNO DAD BAALEH OO SAAN KA DHIGTEY MAXAAN IS KUGU DHAJINEENAA. HADUU DAL KEENA NAABD NOQODO WAA IN AAN U LAABANAA AYAAN QABAA ANIGA. MARKA DADKA MOODO IN UU DAL KAAN LEEYAHEY AMA UU IS MOODO SWEDISH HA KU FAKARO IN UU SAN MARNABA AHEEN SWEDISH.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

    • Max MIO says:

      Gabadha AYAAN la la yiraahdo hadalkeeda dhagaysta,waddankaan dad baa dhistay oo heerkaad aragtrrn soo gaarsiiyay, nabadgalyodoon baad ku timid meel kasta ka imow oo,kaagii intaad soo buburisay ayaad timid mid dadkii lahaa sidaad aragto ka dhigtay, nabadgalyada ka jirta awgeed xitaa ma arkaysid laba qof oo isu qaylinaysa, iskadaa Laba feertamaysa.
      Waxa kaliya oo aad waddankaagii nabadgalyo uugu noolaan kariin Soomaaliyeey waa maalintaad qabiil ka baxdaa ood noqotaan Soomaali, hadda Soomaali ma tihiin waxaad tihiin da qabiil aaminsan kadib wixii uu idinsoo mariyay 22dii sano eela soo dhaafay.
      waxaad ka bilowdaan inaad isku xirtaan Kommiyuunati Soomaaliyeed oo an cidi ka maqnayn oo hal waji leh SOOMAALI.
      ILAAHAY HA IDIN WAAFAJIYO DARIIQA SAXDA AH SOOMAALIYEEY

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Nasro says:

    Qofta wada Ayaan iyo mida wadata ikraan Eedoyin iyo habar yaal io abaayooyin waxaad u qalantaaba ahaadee Fadlan Bari ka guura Iswiidhan ee ahan inaad meeshaan hadal beena ku soo qorto adigoo gurigaaga dhex fadhiya Aniga waxaan ahey gabar wadan kaan lagu dhalay waana kaa luqad iyo cilmi fiicanahey sida eey ila tahey maasha allah waana shaqeystaa Allah mahadiis waxaana u taaganahey inaan ku farxo umadeyda horumarkooda laakiin idin sidaad u hadleysaan mahan wax wanaagsan waxaan hubaa inaad waalan laheed hadii barai la soo ogaado beenta aad wadankaan ku joogtaan markaas ayaad leedahey hala laabto hadii aad diyaar tahey dadkaaan uma baahno inaad ku dhahdo laabtee ee adiga dantaada ku laabo iskana wareeji shariciga lagu siiyey ASC

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

  12. Mohad says:

    To Nasro abaayo magacaa ha jiro habrahaan ayuuto ayeey ku jiraan lugtii ugu danbeyseyna wey qaadanayaan oo iney qorax raadsadaan waaye ee ma socdaa 15 cunug ayeey wadanka u joogtaa Ceerta ayaana ku tashtaan micnaha nabarka Diyaashaha ayaa u xiran waa 10 waa mid ciyaaryahanka gool dhaliyaha xirto ama xariif ka ah sidaa ooy tahey 2×2 hadii aad dhahdo ceerta bishaan waa soo daaheysaa miyaa i dhahdey ayeey ku dhahaayaan marka dantoodaba ma yaqanaane tan dadka kale maxaa ka galey Somalida waxey dhahdaa nin daar ku jiraa daruur ma arkee ileen xaley baa roobkii da’ey marka qof walboow dantaada adaayaqaana cid wadankaan ku keentey malahan taa inaadan hilmaansaneena waan la socdaa wabilihaahi toowfiiq.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  13. shikhey says:

    asc dhamaaan waan idin salamay walalayaaaal aniga waxaaaan heebimayaa akhyaarta dadka hada ka imaanaya somaliya hadey diiday sweden dadka 2 sana kahor iska dhiibay sweden hadana kadhuuntay kuna sugan gudaha wadanka sweden una bila tirsanaya maxaaa uxala masa kujiraaan dadka lacelinayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. deqa says:

    wadanka nabada intejoogaa ma somaliya nabad noqonaysa ala aragtigabana qabiilka yaka tir tiraya somlidu hide maguran ayay qaban oo ah qabiilka marka see kas uga guraysaa oo dawlad unoqnkarta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  15. Abshir says:

    Run maa fiican Mise wixii aan rabno ayaan sheegeynaa? Hadii aan Runta sheegeyno Ninkii Ilmihiisa Sweden ku dhasheen kuna koreen, meel ay u socdaan maleh, oo waalidka wuxuu mar waliba ka maarmin caruurta iyo mustaqbalkooda. Markaas waxaa imaaneyso waalidka inuu duqoobo ama uu cudur ku yimaado, Waalidka ayaa is dhahaayo daawo maka heleysaa Somalia mise ? Waa culeyskii oo culeys dulkoray. Marka Soomaaliyeey dadka isku mar maka imaanin Soomaaliya, isku dhib ma laga soo cararin. Isku Ra,yi ma wada Nihi. Marka Qof waliba dantiisa Asaga ayaa garanaayo oo yaan la dhihin waan baxeynaa oo been aan isu sheegeynaa. Ninkii Maslaxadiisa iyo dantiisa tahay inuu boxo ha boxo oo meeshuu doono ha aado. Somaliyana allaha hagaajiyo Laakiin Beenta aan iska dhaafno. Hadii aad Ra,yigeyga qalad u Aragtid waa Adiga Ra,yigaaga.Hadii aan sax u Aragtidna waa Ra,yigaada.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  16. waayo arag says:

    asc dhamaan akhyaarta ku xiran somaliska anigu waxaan qabaa inay soomaalida muwaadinumadu ka dhamaatay oo soomalida badankoodu ay ku jirto qabyaalad iyo qurun intay taas ka baxayaana ma hagaagayaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. Ayan says:

    Waad salamantin markale.meeshan looma baahna in indhah la iskatiro.dadbaaba caroonaya hadii wadankii la soo sheego ilaahey amarkiis.meesheey dhihilahayen haduu wadan keega nabad noqdo waan tagaya ama waan ulaananaya.aniga kama hadlin qabiil mana aminsani in uu qof iga xigo dhamaan dhulaka soomaaliya ku yaala oo dhan sabtoo ah Jag e somali marka taas ayaan niyada ku heestaa maalina waan tagaya wadan keega insha allah.hadey noqoto sverige wax badan baan daganahay runtii waan ogahay in aanan aheen svenska maraka dhaha ilaahow wadan keega ii daji ina fiicney qabiil iyo quraafadka intaa iska deysan.waxaan kaloo layaab hadii qof uu wax fiican sheego maxey soomalid qabiil ugu badalan hadalka.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. ahmed says:

    war ninkan wax xun le sheka aso wax fican shegayo lama arko

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  19. muna says:

    asc war haadi la celinayo inta isdhibeysa iyo inta charci la anta war reerahaa lamideynayan haa lacesho naabaadi way no waada dhacdey wa la noqonayaa dib baa lonoqonayaa
    kkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  20. cali says:

    asc asxaabey hadalkaan hadal ayaa ka horeyay waana kan lagu so qoray somaliska bishi dhaweyn oo ladhahayay mardhaw somalida waa laga badalaya habka sharciga ku qaataan taasne waxaa ka dambeyay urura badan oo somali ah oo rabo qandaraasyo iney ku qaataan oo aay dhahaan dadkaan baan cellineyna. ururadaas oo somaliya sawira beeh ah kaso qaado oo dhahayo somaliya waa nabad oo maalinwalbo xafiisyada hortaagan, marka yaan leys daalin dad aya raba in dadkaan xaaladaha kala duwan uso maray imaashaha yurub aay lacag ku qaatan si ay u celiyaan marka waan arki doona waxa aay ka faa idaan. taas waa dadka arinkaan ka dambeyay. tankale somaliya waa wadankeena runti ma wanaagsana dad keena oo dhan in ay noqdaan qoxooti oo adunka kala galaan barine aay nagu dhacdo wadan la aan taasi mano fiicna in wadankeena aan kawada cararna oo wadama islaamed kala galna shakina kuma jira hadi 20sana oo kalle aan sidaan usi qaxno in wadanka aan waayneyna marka aan is cafina wadankeenane aan illah u barina in mid wanaagsan inoga dhiga anagane aan noqono kuwa wadankooda jacel. wcs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. dhalin yarada dublinka ah says:

    jimcaale fadlan jawaabtu waa ii muhiim

    asc dhamaan? jimcaale waxan rabaa inaad jawab naga siiyo dadkii yurub horay u joogi jiray oo dhibaada markay ugu darned kaso tagay soomaliya oo hada raba inay iska dhiibaan swedan rabaana hadii celis looso tooro ka tirsanaayo 18 bilood kawaran dadkaas xerkaan hada soo baxay ma qabanayaan mise way ka badbaadayaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. fatimaa says:

    iyagii baa isku mashquulsan xagee hor umr ka gaarayaan hadaa midka webka leh wax alla waxii uu arko ineey umada dhib ku thay buu soo aruurshaa hadaa raacin maayo waxaan xaq u leenahay yasb weeye wale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  23. yaxye says:

    somaliyeeee is daji waxba madaxa hasiska cunina dhika jiro ayaa ah inaadan naftiina ku kolsooni qabina eeee ilaah aamina dhab ahaantii dad baa la sharci 12 sano oo dhawaan la siiyay caruurtiida ayaa imankaan wax sii dhal dhaley marka hadu ilaa arsaaqadaada halkaan ka qoray cid ku celinayso ma jiraan nafyaada aamin dalka wa dal xun oo barafka ka buxo tedakale xataa hadi aad sharci aad ku heshid waa sax hore uma kaci kartid oo dalka iyo siyaasadiiiisa ayaa ah in dadku dhan ay jin jin ahaadan cidna cid ka sareeynin mooyee qofka hore usoo shaqeestay marka dalka anogooaan fahansaneenin ayaan ka qoreenaa hadalo ku habooneen …..haday dhacdo xataa waa in aaad isku bar bar dhigto somalia iyo sweden qiyaas inta kugu baxdey dhaqalo ahaan iyo anarji iyo dadaal iyo inta habeen aad niyada ku haysay oo aad ka fikir jirtay goormee ama xiligaad aadi doontid swden taasna waxaan u arkaa inay tahay qasaaro weyn oo aad gashay . hada lacagtii aad ku timaadey sweden hadii somalia la joogi laheed ama waa laga dhaci lahaa ma waaba lagu dili lahaa marka hadaanu somalia aadayno xilma ayaa ku haboon somalia in la aad ,, waxaan ka xumahay in dalkayga sidaas iga noqdey dagala ayan ku dhaxdhashay hadnina

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  24. Abdi Hussein Sabriye says:

    asc walaalayaal marka hore waxii ala qadaro ayaa qoran ee horta ogaada walaalayaal marka hore intaa hadii aan kaga gudbo somaliya wali xaladeeda waa qasantahay sababtoo ah hadii aan ka faaloodo xalada somaliya aniga waxaan ogahay xaalada muqdisho ilaa hiiraan markii aan ka waramo fikirkega baabuur inaad raacadid ma nabad galeeysid waayo meel waxaa fadhiyo al shabaab meelana mooryaan ayeey isbaaro u taalaa marka ma naftaadaa ku haligeeysaa su aashu waa mayo walaalayaal marka fikirkeega xalada somaliyo ma dagano sababtoo ah aniga waxaan la shaqeeysan wayay oo ka soo cararay runtii waa al shabaab marbo ayagoo dharkii iska badalay oo nuuc kale ah ayeey ku soo galaan moor yaan eey adeegsadaan iyo wax yaabo badan marka walaalayaal ilaah ayaan leenahay ee aan tawakalno hadana aniga labo sano ayaan Sweden joogaa ilmaheegana itoobiyo ilaa hadana wali dhiig lagama qaadin aniga ayaa dhianayd lega qaaday 17- Oktobar marka alaha noo fududeeyo meel kasto dhibaatada waa jirtaa doowlada sharafta leh ee sweden marka hore waan u mahad celineeynaa sababtoo ah waa na soo dhaweeysay 100 mar xigto waxaan ka cod saneeynaa in lamaanayaasha kala maqan in leysku keeno sida ninka iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa waayo aniga idinla hadalayo waxaan idinka codasanaynaa aniga marka aan iska hadlo ilmaheeyga wax badan ayaan kala maqanahay codsi dowlada sharafta leh ee sweden waxaan ka codsanayaa in ilmaha iyo xaaska naloo keeno aad iyo aad ayaan ugu mahad celineeynaa sweden ilmaheega waan u xiisay qarashana ma hayo sweden guul somaliyo ilaaheey nabad ha ka dhigo u barya inuu ala nabad ka dhigo rabi ayaa ka dhigi karee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  25. prince nageye abdullahi says:

    marka hore ilaah ayaa mahad leh marka xigta runti somlia nabad ilaah ha,inooga dhiga dhmaanteena lkn sharciga markii laga hadlo oo sidii hore loo bixin doonin wxaan leeyahy ilaah halooga baryo dad badn aya jira oo siyaabo kale duwan europe usoo galy runti xitaa somlida bada weey ku dhamaatay kuwa europe imaadana niyada yaanan laga jibinin ee u duceeya inuu ilaah sharci u sahlo majirto maanta quf wadankiisa diidayo ee qeyr ha,inooga dhigo shartana ilaah ha,inaga fogeeyo wlahi aaaaaaaaaaaamiiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. Xirsi says:

    FIRST WAXAAN U JAWAABAYAA IKRAAN: MEESHAN AAD LEEDAHAY AYNU U GUURO WALIGEED ILMA AHA INAY HAGAAGAYSO DAD BAHALOOBAY AYAA KU NOOL MAXAA YEELAY SHALAY AYAA WAXAA LAGU LEEYAHAY LABA NIN AYAA NAAG AY WADA JECLAAYEEN ISKU LAAYAY DADBADANA DHAAWACAY XABAD BADAN ISKU FURAY DADKA BAL KAWARAN MAALAAYACNI NIMADA LAISKU LAYNAYO MARKAAS TAASI KU DAYSAY ILAA DADKA JOOGA LA BUUFIYO KUWA DALKA DIBADIISA KU MAQANA LOO DIIDO IN AY SOO GALAAN ILEEN WAA DADKII INTAY GUBEEN TAHRIIBAYE SIDA NINKA LA YIDHAAHDO ABU KHALID OO KALE AYAA KAMIDA DADKA DALKIISA INTUU SOO GUBAY KADIBNA GAAL XUNOO FUTO CAS AFKA HOOS ROORSADY MARKAA MEESHIINA ISKAJOOGA EDEBNA KU JOOGA ILAAHAY AYAA BAARUUDA IYO KUFSIGABA IDINKASOO KAXEEYAY ILAAHAY U SHUKRI NAQA Hostagekaasuuna ahaad ileen dad dale ma tihidine

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0