Laanta Socdaalka Sweden oo ku fashilantay in ay musaafuriso gabar 15-sano jir Soomaali ah

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa bishii hore ku fashilantay in ay wadanka ka musaafuriyo gabar 15-sano jir Soomaali ah oo la sheegay in ay ka soo jeedo Waqooyiga. Gabadhaan oo Laanta Socdaalka ay ku amartay in ay wadanka uga baxdo muddo 5-bilood gudaheed ah ayaan ka bixin wadanka xiligii loo qabtay, iyadoo markaas dib ay Laanta Socdaalku ku soo roggaan mamnuuc in aysan Sweden dib u soo gali karin, haddii ay ka baxdo wadanka.

Gabadhaan ayaa racfaan ka qaadatay go’aankaas looga mamnuucay in ay Sweden soo gasho, iyadoo ay arintu u gudubtay maxkamada sare ee Socdaalka. Ka dib markii ay eegtay kiiska gabadha, oo la sheegay in ay si wanaagsan ula shaqeysay Laanta Socdaalka balse la waayay cid Waqooyiga Somalia joogta oo qaabili karta, ayaa maxkamadu go’aan ku gaadhay in ay qalad ahayd in laanta Socdaalku ay gabadhaan mamnuuc ku soo roggaan. Waxay maxkamadu sheegtay in Laanta Socdaalku ay ku fashilantay in ay eegto danta caruurta. Sidaa darteed ayay maxkamadu meesha ka saartay go’aanka gabadha looga mamnuucay in ay Sweden ku soo noqoto haddii ay ka baxdo wadanka.

Sharciga mamnuuca soo laabashada (Återreseförbud) ayaa qabanaya qofka lagu amray in uu wadanka iskiis uga baxo balse aan ka bixin wadanka mudadii loo qabtay. Qofkaas ayaa laga mamnuucayaa in uusan dib u soo galin midowga Yurub, haddii la musaafuriyo. Balse arinta gabadhaan ayaa muujinaysa in maxkamadu ay eegtay xaalada gabadha iyo tan ka jirta wadanka Somalia.

In gabadha yar sharciga la siiyay iyo in kale ayaan cadeyn.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. nawal says:

    ilahaow kaqabo kuwan arxan malahan masakinta waba caruur mahay karaban

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. Kabtan matii says:

    Yaab waaye wlh maalin walba waxleey la maqlaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. somalidu wax mafahmaan miyaa war meshaan waa laynaga nacay sabatana anaga ayaa iskale wayoo maanta hadii lagu heesto rer hebel baadtahay hadii ley heesto reer hebe baan ahay walah cudurka nahaya waa wada jir la aan iskuma duubnin hadii aan isku dubanahay gudomiye leenahay urur la aqoon san yahay nahay cidi nama maagi karto daka kii hore ujogay guryihi ayaa laga rarayaa si loo yiraa qer masuul baadatahay carurtana looga qaato kii cusub waa latoganayaaa inta kaamka loogu tago caruurt waxa dib loogu celinayaa debki iyo dagalkii ey kasoo carareen xeerkee dhigaya in carur kayar 18 år dib loogu celiyo goob aan amaan eheen waa arin laga naxo dadkii warbaahinta kudhexjira adiga ayaa maanta udhaw cid wax muujun karta isku daya inaad usooo bandhugtaa wax yaabaha kaqarson indhaha dad weynaha asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0