Laanta Socdaalka Sweden oo wax ka qortay xaalada dumarka Somalia

30

Sidii aan ku soo qornay mowduucii isbuucii hore ku saabsanaa Laanta Socdaalka oo baaritaan ku samaysay xaalada Somalia, ayaa isla gudigaas waxay si gaar ah ugu kuur galeen xaalada dumarka Somalia ku nool iyo dhibaatooyinka la soo darsa. Gudiga ayaa soo qoray warbixin dheer oo arimo badan taabanaysa.

Ugu horeyn waxay sharaxeen sida uu yahay dhaqanka iyo xeerka Soomaalida ee quseeya dumarka iyo daryeelkooda. Waxay sheegeen in dumarka Somalia aysan lahayd xuquuq wanaangsan iyadoo xili kasta uu haweeneyda masuul ka yahay nin. Waxay kale oo sheegeen in dumarka Soomaalida loo geysto tacadiyo kala duwan meelkasta oo ay wadanka kaga noolyihiin. Qaasatan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayay sheegeen in dumarka u geystaan kufsiyo iyo tacadiyo kale. Al-shabaab ayay ku eedeeyeen in gabdhaha ay si xoog ah ragga ugu guuriyaan, inkastoo ay sheegeen in arintaas ay sanadkii la soo dhaafay hoos u dhacday.

Dhinaca gudniinka fircooniga ayay sheegeen in 99% dumarka Soomaalida ay yihiin kuwo la guday, balse waxay sheegeen in sanadihii dambe ay sooo bexeen sharciyo mamnuucaya gudniinka nuucaas ah. Al-shabaab ayay sheegeen in ay mamnuucen gudniinka firfircooniga , iyadoo dowlada Somalia ay sidoo kale dastuurkooda ku dareen in la mamnuucay. Somaliland iyo Puntland ayay sheegeen in uu mamnuucyahay balse wali guud ahaan wadanka uu ka jiro gudniinka loo yaqaan sunnada. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in ay filayaan in inta badan dumarka Somalia gudniiin lagu samayn doono.

Ujeedada warbixintaan ayaa loogu tala galay sidii Laanta Socdaalka ay ula dhaqmi lahayd dumarka Soomaalida ee magangalyada ka dalbada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here