Lacagta tikitka iyo dadka sharciga la siiyay

21

Iyadoo hada dad badan loo ogolaaday caruurtooda ayaa waxaa walwal ka haystaa sidii ay u bixin lahaayeen qarashkii tikidhada, maadaama Layn qayrta cas (Röda korset) ay sheegtay in lacagtii sanadkaan loogu tala galay ay dhamaatay.

Dadka loo aqoonsaday qaxootiga (Waa dadka la siiyay Geneva) iyagu waxay lacagta tikitka ka dalban karaan Laanta Socdaalka. Kuma jiraan dadka leh baasaboorka Swedishka ah ama haddii adiga iyo reerkaaga aad iska bixin kartaan lacagta tikitka. Lacagt tikitka waxaa laga bixinayaa qofka caruurtiisa u imaanayso ama qofka da’da yar ee waalidkiis loo keenayo.

Haddii aad ku jirto dadka qaxootiga Geneva waxaad buuxinaysaa foomka ku jira bogga Laanta Socdaalka ee aad halkaan kala bixi karto. ka dibna waxaad u diraysaa adreeskaan Migrationsverket, 601 70 Norrköping. Markaad codsiga dirto waxaa laga yaabaa in ay qaadato 1 isbuuc inta aad ogolaasho ka helayso. Laanta Socdaalka ayaa tikitka reerkaaga u soo goynaysa oo kula socodsiin doona xiliga ay imaanayaan.

Dhinaca kale, dadka aan ku jirin Geneva ayaa horay waxaa taageero u siin jirtay Röda Korset balse hada waxay sheegeen in lacagtii ka dhamaatay. Waxaa la filayaa in ay dib u bilaabaan bixinta lacagta ka dib marka uu sanadka dhamaado. Röda Korset ayaa qofka ka bixisa qeyb ka maid ah lacagta tikitka balse dhamaan ma bixiso.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here