Lacagta uu ninkaan ku qamaaray waa mid aan caqliga galayn

3

Nin ganacsade Swedish ag ayaa shirkada qamaarka ee Betsson dacwad ka gudbiyay, isagoo ku eedeeyay in ay ku qaldeen xayeysiintooda. Ninkaan oo magaciisa la qariyay ayaa lacagta uu ku qamaaray muddo afar sano ah ay tahay mid la yaab leh. Ninkaan oo u waramay wargeyska SvD ayaa sheegay in uu maalin kasta ku qamaaray 200.000 kr isaga oo isticmaalaya internet-ka.

Guud ahaan waxa uu ku qamaaray 8 milyan oo kr isagoo dhamaan lacagtaas ayuu ka qariyay shaqaalaha iyo asxaabtiisa. Ninkaan ayaa sheegay in shirkada Betsson ay markasta oo uu qamaaro telefoon ku soo wici jireen, iyagoo ku dhiiri galin jiray in uu sii wado qamaarka.

Dad badan oo ku nool Sweden ayaa qamaarka uu ku noqday balwad, iyagoo lacag badan uga qasaarto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here