Lacagtii imtixaanada Laysanka oo la siyaadiyay

7

Lacagta lagu galo imtixaanada laysanka (körkort) ayaa dowlada wax yar ku siyaadisay. Horey ayaa imtixaanka kombutarka (kunskapsprov) waxaa lagu gali jiray 200kr halka kan baabuurka (körprov) lagu gali jiray 1100kr.

Hada ayaa lacagtaas waxaa laga dhigay 325kr oo imtixaanka kombutarka ah iyo 1200kr oo ah kan baabuurka. sababta loo siyaadiyay lacagta imtixaanada ayaysan cadeyn hay’ada qaabilsan arimahaan ee lagu magacaabo (Trafikverket).

Isku gaynta ayaa qofka waxaa kaga baxaya maritaanka labada imtixaan 1525kr. Inkastoo aysan lacagtaasi ahayn mid badan ayaa hadana qofku inta uusan galin imtixaanka waxaa ka baxaya qarashyo badan oo ay ugu horeyso lacagta lagu marayo barashada Khataraha (Riskutbildning) oo gaaraysa ilaa 2500kr. Waxaa intaas u sii dheer barashada teoriga iyo baabuurka oo aan yareyn. Qofka mara wadooyinka caadiga ah sida in uu galo iskuulada ayaa waxaa kaga baxda ilaa 15000kr soo qaadista körkortka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here