Lars Vilks oo shalay lagu weeraray Denmark

1

Lars Vilks oo ah ninka Swedishka ah ee caadeystay aflagaada nabiga (nnkh) iyo diinta Islaamka ayaa shalay lagu weeraray magaalada Copenhagen ee wadanka Denmark isagoo ka qeyb galayay xaflad ay soo qabanqaabiyeen koox isku sheegtay in ay difaacayaan xoriyada hadalka.

Weerarka oo la sheegay in ay soo qaaday nin hubaysan ayaa rasaas la dhacay irida laga soo galo goobta uu shirka ka dhacayay iyadoo uu 1 qof ku geeriyooday dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galayay safiirka France u fadhiya Denmark. Booliska Denmark ayaa sheegay in ay saakay toogasho ku dileen ninkii ka dambeeyay weerarka.

Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay in uu sidoo kale weerar ku qaaday kaniisad ay leeyihiin Yuhuuda isagoo halkaasi ku dilay 1 qof. Ilaa hada lama shaacin cida uu yahay qofka ka dambeeya weerarka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraro Lars Vilks, iyadoo dhowr jeer laysku dayay in la dilo, oo xitaa mar gurigiisa dab la qabadsiiyay. Vilks ayaa ku soo caanbaxay ka dib markii uu sawiray kartoono fool xun oo uu ku tilmaamay nabiga (nnkh). Vilks ayaa si joogto ah waxaa u ilaaliya booliska, xitaa marka uu tagayo Denmark.

Waxgaradka Muslimiinta ku nool Yurub ayaa ku taliyay in aan laysku mashquulin dadka la mid ah Vilks ee magac doonka ah, iyadoo inta ay doonayaan ay tahay in la weeraro oo sidaasi ay ku soo caanbaxaan. Hadalkaas ayaa u muuqda mid gees maray dadka sida joogtada u weeraray ninkaan. Iyadoo taasi lagu tilmaamay in ay dhaawac ka geyn sawiro macno daro ah u geysanayo magaca diinta Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here