Lena Rösell oo shaqada ka fariisatay

Lena Rösell oo muddo dheer ka shaqaynaysay caawinta qaxootiga, qaasatan kuwa Soomaalida ee sharciga loo diiday ayaa isbuucaan shaqada ka fariisanaysa, iyadoo noqonaysa hawlgab. Lena oo ka shaqaysa hay’ada Sociala Missionen ayaa ii sheegtay in qofka badali doona iyada ay shaqada soo gali doonto bisha September oo inta ka horeysa aysan jiri doonin cid caawinaysa qaxootiga.

Lena ayaa ii sheegtay in ay aad uga walwalsan tahay xaalada Soomaalida loo diiday in familkooda lala mideeyo iyo kuwa dhibaatadu ka haysata xaga sharciyada iyo Dublin. Mudadii ay shaqada ku jirtay ayay muhiimad gaar ah siisay sidiii ay u caawin lahayd Soomaalida balse waxay ii sheegtay in qofka badali doona laga yaabo in arimo kale ay muhiimada siiso.

Waxay ii sheegtay in ay ku guulaysatay in ay guul ka gaadho qaar ka mid ah kiisaskii Soomaalida ee ay caawisay balse ay dareemayso walwal maadaama aysan Soomaalidu haysan cid caawinaysa. Waxay ugu dambayn sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay shaqada ka fariisato balse ay guul u rajaynayso Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

3 Responses

  1. Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 11

  2. Samatar says:

    Sxb adigu booskeeda gal sidaas ayaan soo jeeedin lahaa….

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  3. Kalid muumin says:

    Cabdi Khaalid waxaa tahay qof jiran oo cuqdad xun kujirto ee kudhimo ciilkaade waxaa hubaa inaadan soomaali eheyn

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2