Löfven oo doonaya in dhalinyarada la siiyo deyn si ay laysanka u qaataan

14

Gudoomiyaha xisbiga Socialdemokraterna (S) Stefan Löfven ayaa sheegay in uu doonayo in hay’ada CSN ay dhalinyarada siiyo lacag dayn ah si ay u qaataan laysanka baabuurka (Körkort). Xisbiga Miljöpartiet ayaa dhaliilay qorshaha deynta, iyagoo ku taliyay in Arbetsförmedlingen ay dhalinyarada shaqo raadiska ah lacagta laysanka ka bixiyaan.

Qorshaha Löfven uu soo bandhigay ayaa ah mid lagu doonayo in dhalinyaro badan ay ku dhamaystaan dugsiga sare, iyadoo qorshaha uu yahay in markay dugsiga sare dhamaystaan la siiyo lacag deyn ah oo ay körkort ku qaataan.

“Waxay muhiim u tahay suuqa shaqada. Waxaan ognahay in shirkadaha ay 6 ka mid ah 10 ay shaqaalaha ku xiraan laysanka” ayuu u sheegay wargeyska Expressen.

Dhinaca kale, Esabelle Dingizian oo xisbiga Miljöpartiet (MP) u qaabilsan arimaha dhalinyarada ayaa dhaliishay qorshaha gudoomiyaha S; waxay sheegtay in halkii dhalinyarada la sii galin lahaa deyn dheeri ah, in Arbetsförmedlingen ay lacagta laysanka ka bixiyaan dhalinyarada shaqo doonka ah.

Qorshaha  Stefan Löfven ayaan ahayn mid cusub, isagoo u muuqda mid laga koobiyeeyay qorshe midkaan la mid ah oo uu sanadkii 2012 soo jeediyay Amir Adan oo ah wiil Soomaali ah oo baarlamaanka ugu jira xisbiga Moderaterna (M), isagoo waqtigaas ku taliyay in CSN ay dhalinyarada siiso deyn ay laysanka ku qaataan.

Hadaba sidee kula fiican, in aad deyn ka qaadato CSN iyo in Arbetsförmedlingen ay dhalinyarada ka bixiyaan lacagta körkorka? ku darso fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here