London: Nin xalay saq dhaxe dad masaajid ka soo baxay ku jiiray gaari

0

Wararka ka imanaya magaaladda London ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegaya in xalay saq dhaxe muslimiin ka baxay masaajidka weyn ee ku kuyaal  wadada loo yaqaano Seven Sisters Road ee nawaaxiga Finsbury Park. Weerarkan oo la doonayey in lugu laayo dad badan ayaa waxaa ku dhintay hal qof, halka labbo ruux kale oo dhaawac soo gaaray xaaladooda laga deeyrinayo.

Nin da’diisu tahay afartan jir oo la runsan yahay in weerarkaasi ka dambeeyey ayaa gacanta lugu soo dhigay, ninkan ayaa doonayey inuu gaariga uu xooga ku waday ku jiirsiiyo dad ka soo baxay salaada tuhajadka, kuwaas oo marayey wadada hareeraheeda. Booliska London-na waxaa ay xaqiijiyey in falkaasi ahaa fal argagaxiso. Ma ahan markii ugu horeeysay oo falal ka dhan dad rayid ah lugu weeraro, hase ahaatee weerarkii xalay ayaa u muuqday mid si toos ah loola beegsaday dad muslimiin ah xilli ay ka soo baxeen masaajid ay ku soo cibaadeeysteen.

Somaliska/Wakaladaha wararka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here