Loreen waa tuma gabadha ku guuleysatay tartanka heesaha Sweden?

13

Xalay waxaa la qabtay finalka tartanka heesaha ee Sweden loogu jecelyahay ee lagu magacaabo Melodifestivalen kaasoo ay daawadeen dad ka badan 2 milyan oo qof.

Tartanka oo socday mudo dhowr isbuuc ah ayaa waxaa isugu soo haray gabagabadii 10-ka heesaa ee ugu wanaangsan iyadoo kama dambeystii ay koobka qaadatay gabadha lagu magacaabo Loreen oo ka soo jeeda dalkaasi Morooko. Loreen ayaa ku dhalatay Stockholm sanadkii 1983 kuna barbaartay Västerås balse balse hooyadeed iyo aabaheed waxay ka yimaadeen Morooko.

Gabadhaan ayaa Sweden ku matali doonta tartanka weyn ee heesaha Yurub ee lagu magacaabo Eurovision oo lagu qaban doono dhamaadka bisha May magaalada Baku, dalkaasi Azerbaijan.

Waa sanadkii labaad oo  qof asalkiisa soo galooti yahay uu Sweden ku matalo fagaaha caalamka. Sanadkii hore ayaa Sweden waxaa matalay wiilka caan baxay ee lagu magacaabo Erik Saade kaasoo asalkiisa ka soo jeeda Lubnaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here