“Luuqada shuruud ha looga dhigo qaadashada baasaboorka”

Xisbiga ka tirsan xulufada dowlada Sweden ee lagu magacaabo Folkpartiet ayaa soo bandhigay qorshe wax looga badalayo nidaamka isdhexgalka wadanka oo ay ugu muhiimsantahay in barashada luuqada Swedishka shuruud looga dhigo qaadashada baasaboorka weyn.

Xisbiga Folkpartiet ayaa soo bandhigay 7 qodob oo inta badan aan cusbayn sida in Sweden ay ahaato wadanka furfuran oo qaxootiga soo dhaweeya, in dadka cayrta qaata shuruud looga dhigo in ay hawl qabtaan, in lacagta laga yareeyo qofka diida shaqo, in la siyaadiyo baraatiiga, in wax laga badalo lacagta waalidka ee loo yaqaan föräldrapenningen, in taageero dheeri ah la siiyo haweenka soo galootiga ah iyo in xooga la saaro luuqada oo qofka dhalashada Sweden qaadanaya shuruud looga dhigo luuqada.

Inkastoo qodobada intooda badan ay yihiin kuwo hadaba jira oo kamuunada badankoodu ay sameeyaan ayaa hadana waxaa soo jiidasho leh qodobka ku saabsan in luuqada Swedisha shuruud looga dhigo baasaboorka. Arintaan ayaa la dhihi karaa waxay caqabad ku noqoneysaa dad badan oo qaasatan ay Soomaalidu ka midyihiin. Qodobadaan ayaa ah kuwo soo jeedin ah balse ma ahan sharci dhaqan galay, waxaase macquul ah in xiliga dayrta oo la filayo in dowladu ay isbedal ku sameyso arimaha isdhexgalka lagu soo daro qaar ka mid ah qodobadaan.

In qofka qaadanaya dhalashada Sweden shuruud  looga dhigo in uu barto luuqada ayaan u arkaa fikrad fiican. Ma ahan wax la aqbali karo in qof wadanka 8 sano joogay uusan baran luuqada ama in qof wadanka baasaboorkiisa haysta uusan ku hadli karin luuqada wadankiisa. SIDEE U ARAGTAAN ARINTAAN BAL FIKRADIHIINA KU DARSADA?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

68 Responses

  1. mawlid says:

    barashada luqadu wax fuddu maaha kaba so qad qof weyn amaqof markisi hore unalphateic ahaa marka markasta way si adkeyen oo keliyaa wal baynu ajaanibka kale la mid ahayne oo sideed sano nagu siin jirey

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 5

    • bravom says:

      waa arin fican, waana soo dhaweenayaa, waayo luqada waa furaha wadanka, hadaadan luqada fahmeenin sidee shaqo ku helee hadaadan ka adkeyn luqada, oo sideesa isku difaacee hadii boolis ku qabsado, sideesa u fahmee hadii lagu soo weerari rabo ama ama lagu xamanayo.

      Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 5

    • FIKRAD IYO SU.AALO (JIMALE says:

      FIKRAD IYO SU.AALO
      AS.WR……….!

      WAXAAN SALAMAYA DHAMAAN WALALLAHA SOMALIYEED RAG IYO DUMARBA GAAR AHAAN WARBAAHINTA SVERIGE GUUD AHAAN GAAR AHAAN QEYBTEEDA AFKASOMALIGA KUHADASHO SALAAN PALAARAN IYO XISPIGA TALDA HADA HAYO UU USAREEYO R-WAZAARAHA MR FREDEK IYO GUUD AHAAN XIZBIYADA KALE. SLN KADIB ANIGOO UHELAY WEBKA FIKRADA. Waxaan u arkaan in arinkaan uu quseeyo dhamaan INVÄNDRE AMA AJAANIBTA jinsiyada uu rabo hanaqdo aysan ugaa aheyn Somalida waxaan u arkaa in lookala qaado labo. 1kaad dadka dada udhaxeyso 14sano ilaa 45 lagu xujooyo luqada oo caafimaadka maskaxiyan iyo jirahaanba 6lixaad dhameystiranyihiin wax maqlayo waxna arkayo waxna fahmayo..uuna ahayn ruux handkaab ah.46 ilaa dada oogu sareeyo aanaan lagu xujeyn luqada. FIKRADAA AYAA KAQABAA OO XIZBIGA WAAN KURAACSANAHAY LKN HAKALA SAARO XIZBIG KRAVKA SOO BANDHIGIDA QORASHAHA SOOGALOOTIGA EE QAADASHADA JINSIYADA SWEDISHKA.. WARBAAHINTA SWEDEN QEYBTEEDA AFKA SOMALIGA KUHADASHO FARIIN IGA GAADHSIIYA UMMADA SOMALIYEED KUDHAQAN SWEDEN………….(waxaan ahay muwadin Somaliyeed kudhanqan wadanka Sweden waxaan leeyahay dhamaan ummada Somaliyeed waad oktihiin maanta wadankiina xaaladu uumarayo dawlada idin soo dhaweysay oo idinku taageertay NOLOL DEEGAAN DARYEEL WAXBARASHO IYO AMAAN. ABAALKEEDA GUDA SHACABKA INTAA IDIN GALEY HANA DHIHIN XUJO AYAA LASOO RAGEY WAAYO WADANKEENA MARKAAN JOOGNAY INTAA KAMA AANAAN HELIJIRIN WADANKEEN HOO DHAQAALO HOO DEEGAAN HOO DARYEEL WAX BARO AMA SHAQEYSO MA AANAAN HELI JIRIN HADII XAQIIQDA LAGA HADLAYO EE . waxaan waa adagtahay intii la iska daayo wax halabarto hana lashqeysto. Mida kale xaga. XAGA DAWLADA CODSI… RUNTII SHACABKA SOOMALIYEED IN DOCUMENTIGOODA LA AQOONSANIN WAAN OGNAHAY FORGERA LKN HADANA DAD BADAN AYAA JIRO WAX SOO BARTAY AHNA SOOMALI. AYDOO WANAAG BADAN USAMEYSEEN WAXAAN CODSANEYNAA IN SHARCIGA WEYN EE SWEDEN AY KASOO YAREEYSO 8SANO AY OOGU DHIGTO IN KAHOOSEYSO HADEY MACQUULTAHAY………. AS WR

      U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  2. kadar kadar says:

    Asc..aniga Siday IlatahaY Waa fikrad fiican Waana Labaran Karaa Luuqada..! Balse jimcale Waxaan ku waydiiNaya Sharciga shurudan Lagu xiray ma Sharciga waynbaa Ii 8sideda Sano Lagu qaaTo Miseh waa Sharchigan Ku meel gaarKa aH>>???

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

    • Mohamed sheikh says:

      waa arin aad u fiican,waxa soo dhoofaya dhalinyaro somaaliyeed ayaa u badan,hadaba ha dadaalaan.qaarbaa yiraahda luqada ma dhaafsiisana eroboorka.walaal adigaa u yimid waana kuu dan inaad baratid luqada,sababtoo ah luqadu waa furihii cilmiga.isjira oo dadaala.

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. WIILWAAL says:

    waxaan u arka arin uhorsedi doonta dadka iney kudadaalaan luqada lakin hal sual ayan qabaa jimcale walal hadad iga jawabi karto,waxaan maqle in wasiirka socdaalka uuyiri cidii dadaal dheeri muujisa haloofududeeyo dhalashada maxa kajira hadaal ka walaal arinta aad ban udaneenaya maddama aan ahay nin ganacacsada oo aad usafra.mahandsanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. Jimcale says:

    Kadar..waa baasaboorka weyn ee 8 sano lagu qaato.

    WIILWAAL arintaas ma maqal balse waxaa jirtay arin kale oo ku saabsaneyd in dadka baasaboorka yar haysta ay wadanka ka maqnaan karaan 1 sano ka badan si ay ganacsi uga sameeyaan wadamada kale. balse arintaas ilaa hada lama dhaqan galin.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 4

  5. oday somaliyeed says:

    waxwanaagsan mahan qodobka luqada sababtoo ah waa luqad adag wadankana shaqada way siixumanaysaa marba marka kadambaysa koley qof joogay wadanka ilaa xad wuu kuhadlikaraa luqda lakiin walaga yabaa inuusan sii fiican ukeenin markaas waa dhibaato inuu shaqo uraadsado meelkale

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. xayow says:

    Asc walaal jimcaale waatan adiga aad dhaheysid waa arin fiican ma, waxaad ku faraxsantahay in ummada lagu dhibo luuqadaan oo aad ogtahay dhibkeeda adigaba hada waxaan u arkaa adiga iyo xisbiga warkaan sheegay inaa isku midtihiin ,, sababtoo ah dadka somaaliyed badanaa dugsi hoose masoo dhigan xataa qaarkood walahi far somali xataa ma,qori karaan oo bees walba kama dhisnin sidee marka ugu faraxday dadkaan nolosha soo raadsaday oo wadankooda laga soo barakacshay oo doonta soo raacay war isku xishoo ayaan ku dhihi lahaa jimcaalle

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 3

    • WIILWAAL says:

      walal aan kusaxo marka hore jimcale qodobkan dabada kamaso rixin,wa dadka wadanka lahaa aya sida garte ma na aha wax cusub oo wadamo badan aya sidanokale sameye,marka uu jimcle leyahay wa arin fican waxu ka eegaya dhanka wanagsan oo ah iney dad badan iney luqada kudadaalidoonaana iyage dan ugu jidhaa ,mida ah dadka somalida ah ee base aan ka dhisneen waxa ka dhihi lahaa waxeey joogaan wadan hormarsan oo waxbarashadiisana sareeso marka jahilnimo marmarsiyo maha oo skuulo waa buuxan oo wiliba lacag aad kuqaadaneso marka walal dadka iyaga ayaa go,aan ka leh 8 sano wey kufilantahay iney wax kubartan,salam

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  7. Gabar Soomaaliyeed says:

    AS Cdhamantiin waa wax fiican hadii aan ka hadlo tan baasaboorka maxaa yeelay waa dhib qof intas oo sano ah dagan wadanka hadana aan aqoon luqada oo maalin walbaa loo turjumaa wana wax laga ceebsado aniga waan arkay soomaali badan oo dhalashada swedan haysta hadana aan weli dhamayn skoolka loo yaqaan SFIga waana wax lala yaabo marba haduu qofka caafimaad qabo waxaa u wanaagsan inuu iska barto wadanka uu kunool yahay luqada looga hadlo maxaa yeelay wax walbo ayaa ku qabsan karo maalin walbana turjubaan diyaar kuuma ahan marka walaalayaal an ku dadaalno sidaan horumar dhinaca waxbarashada ah aan ku gaari lahayn waa mahadsantihiin wcs

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 2

  8. Gabar Soomaaliyeed says:

    XAYOW ADIGOO RAALI AH WALAALKEEY TAAS XUMAN HA U ARKIN MAXAA YEELAY DAD AAN WALIGOOD WAX SOO BARAN XATAA AAN QORI KARIN AF SOOMAALI AYAA LAHAAYAA HADANA DHIGTA DUGSI SARE OO WADANKAA AH HADAAD KU DADASHO INAD WAX BARATO WAAD BARAN KARAYSA WALAAL KUMA XIRNA INAAD HORAY WAX U SOO BARATAY IYO INAADAN SOO BARAN WEY KALA DHIBANADAN TAHAY OO KALAIYA LAAKIIN HADII AAD RABTO OO GO´AAN KAA TAHAY AMA UU QOFKA KU GO´AANSADO INUU NATIIJO KAGAARO WAXBARASHADIISA WUU KA GAARI KARAA LAAKIIN DAD BADAN AYAN MAQLAY OO DHAHAAYO ISKOOL MAXAA IGA GALAY LACAGTAAN KU ILLAASHANA OO ISKA IMAANAAYO OO KALIYA BAL WAABA SOO DHUMIYAY QOFKA WAQTIGIISA MUU SIDA SAXDA AH EE UU HORUMAR KU GAARI KARO UGA FAA´IIDEYSTO TAASNA WA FIKIRKAYGA OO KALIYA WCS

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

    • Isse, som bor i Sverige says:

      masha,alah runtii waa sax sida aay sheegtay wallasheey gabar soomalaiyeed waxaad arkeeysaa in dad badan kufikiraayaan oo qora in aay svenska för invandrare SFI iska dhex fadhiyaan in kabadan sedax sano halka sida aacaadiga loogu tala galay laba sano qoftii dadaashane halso iya wax kayar ayaa hadane marka aad dadka qaar wax kaweeydiisa heerkooda wax barashio kugu jawaabayaa maxaa kuraacaayo maad lacagtaada kugaadatid kkkkkkkk war waa yaabe lacagtaan yarta ah ee aan nolol maalmeedka xitaa ku aadin miyaad u baabi,ineeysaa waqtigaaga qaaliga ah koleey qodobadaan waad aragtaane ishii bugteey ku bikaacso dadka waawayn oo gaboobayne koleey dowlada ayaa go,aan kagaareeysa laakiin dhalinyarooy mar marsiyoosha waa dhamaatay ee waqtigaaga waa sida seefta oo kale ee jar inta uusan kujarin asc

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Dooyaale says:

    Caqliga Saliimka ah ayaa Diidaa , Adigoo Svenska Medborgare ,, sheeganaa inaadan Luuqada ku hadli karin , oo Haddii eelaboorada debeda lagugu qabto , aadan Safaarada Sweden wacan karin , Luuqada hala Barto , Sharcigaana inuu dhaqan galo waan Jeclaan ,lahaa balse su’aasha ayaa ah , Luuqada ilaa heerkee la isku xiraa , ma ilaa SFI nivå , SAS nivå , Mise Gymnasiet Nivå ??

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  10. Warsame says:

    kolee anigu waxaan u arkaa fikrad fiican in xujo looga dhigo barshada svenska, laakiin su’aasha waxee tahay soomaliyeey sida aynu badankeenu ku fakirno oo aynu dhahno Sfi lacktaa lagu ilaashadaa buugtaana meesha aynu dhigno aan subixii ka soo qaadno sidaa maynu ku baran karnaa luqadda ? sheekooyinka iyo fadhi ku dirirkuba waqti waa siinaa maxaynu u sii weynay barshada luqadda sweden oo ah shay muhiim inoo ah maadaama aynu daganahay sweden .

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  11. Saredo1 says:

    Asc aniga runti arintan fikir fiican ayan u arka sabto ah waxaan filayaa hadi ladhaqan galiyo in qof waliba u dadaalayo waa wax lalayaabo qof 8sano iyo dherad wadanka joogay hadana an luqada aqoon waxaasna waakadarey e maha fahan la an iyo duruufo kale waana wax laga xishodo e hala dadaalo mahadsanidin somaliska.com

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. ibrahim says:

    asc walaala yaal wlhi aniga waxaan u arkaa fikrad fiican maxaa yelay qofka hadii uu wadanka 8 sano uu dagan yahy uusan luqad ku hadleyn wax fiican ma aha horaana loo yiri dadaalaa wax barta marka aniga waxaan dhihi lahaa luqad wax adag ma aha eee wexey ku xeran tahay oo kaliya in la dadaalaaa waxadna ku baran kartaa 1 sano waa hadii aad dadaashaaa waadna mahadsantihiin dhamaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. omar says:

    waa sax balse waxaa ila tahay inaa laga reebo dadka waa weyn … somalida fadhi kudirir lee baran karaan miyaa iyo mamul goboled miyaa fadhiga ka kaca waxaa lagu dhibtoon see loogu manfacsanaa caqli xumada iska daaya sideed sano ma yaro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. gundux 1. says:

    macquul maahan…. qof waayeel ahne ka waran hee???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. fatima says:

    XISBIGA FIKIRKIISA UNBUU DHIIBTAY JIMCAALE WAA SOO GUDBIYAY EE JIMCAALE WAA SHAQSI AJNABI AH WAXBA MA DIIDI KARO WAXBANA MA YEELI KARO CIDNA HADAA HADUU JECEL YAHAY MAXAADBA ISUGU WAREERISAAN QOFKA FIKRADIHIISA

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  16. Khadija says:

    Asc, waa fikrad aad u wanaagsan in lagu xiro luqada wadanka marka aad baasaboorka qaadaneyso. Tusaale yar bal kasoo qaad adigoo passporka weyn sita oo ku socdaalaya wadan kale aad airporka kula kulantey qof Swedesh ah waa hubaal inuu ku farxayo markuu arko inaad isku wadan ka timaadeen uuna swedesh kugula hadlayo salaan iyo wada sheekeysi kooban haddii aadba fahmi weydo waxuu kaala hadlayo soo sawir qaldan arrintaas ma bixineyso iyo in baasaboorkii la siiyay qof aana mudneyn.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  17. Abdirahman habane says:

    Asc dhamaan walaalayaal, salaan kadib arintan way fiican tahay, lkn waxay u sii fiican tahay dadka ah dhalinyarada.
    Soo galootiga ku imaadey da`a weyn suurto gal ma ahan ineey luuqada oo dhan bartaan mana awoodaan. Aniga ahaan fikrataan wey ila khaldan tahay ay soo jeediyeeen xisbiga kor ku xusan.
    Mvh,
    Abdirahman Habane.
    🙂

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  18. Abdulrahman says:

    waa fikir wanaag san taasi waa muhiim in qofku uu,ku hadli karo luqadiisa 2aab taasi qofku sharaf ayey utahay in uu ku hadlo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  19. Sabrin says:

    Asc. Aniga waxaay ila tahay haba nagu xujeyaan luuqadee in aay ayaguna naga dayaan sharuuda ah 8 sano. oo aay noga dhigaan 5 sano iyo wax lamid ah, waayo waxaa jiro dad ku fiican luuqadaha oo ka faa iideysan lahaa, kuwa kalane weey dadaali lahaayeen. Meshaan shaqo ma taalo oo wax hormar ah oo aay leedahay malahan dad badan ayeey fursad u ahaan lahaayd.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

    • Isse, som bor i Sverige says:

      war ilaah kabaq abaayo macaanta Sabirin wadankaan Sweden waa wadan mustaqbal leh hadii aan sida dhabta ah u hadalnaa mana aaminsani in wadan yurub ah ama dunida kasareeya uu jiro ee anaka ayaa ah dad aan waxba qabsanayn ee hala dadaalo walalalayaal wadankane waa halagu barto yaan cayr uun loo gacma hoorsane ruux kastane hakufikiro in uu biri uun laaban doono ilmaan kukorsaane khasaare maahine yurub oo dhan faa,ida umaahan ee war wadankaan hala faa,iideesto yaanan eed uun lagu jirine

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  20. baashi says:

    asc dhamaan umad somaliyed gaar ahaan aqristiyaash somaliska, salaan ka dib waxaan u arkaa in ee tahay arin wanaagsan oo la kala so daahay wayo adigow wato passpor wadan oo ku noled 8sano misna aad ku hadli karin waa wax aan la qadan karin wax walbo neh waxy ledahay postive iyo nagetiv balse mar walbo pastive ka ayaa ka badan nagetive ka yaan la ku mar marsiyonin waalidin ama dadka aan wax qorin misna aqrinin iyagu xitaa way baran karaa wayo 8sano ma ahan waqti yar hade dhalinta ka yar 30sano waxaaba laga rabaa in ee garaan ilaa heer jamacad intas ayaan ugu baxayaa waana mahad san tihin.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  21. Gafane says:

    waa arin aad iyo aad loogu farxo oo aad u fiican soo jeedintaas xisbigu runtiina somali ahaan aad bay inoogu fiicantahay waayo aduunyadii baan eeb uga baxnay wadankasta oo aan jooganan la iganama jecla sobobtuna waa wax barasho la aan iyo shaqo la aan oo cayra uun baa ianagu filaatay waxa ugu muhiimsan een aan wadamadan u joognaana waa passkaa hadii kaas lagu adkeeyo waynu dadaali kaas baa waxkasta inooga muhiisan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  22. somali says:

    waa rayi fiican, sida aan u arko, waliba anaka noo fiican sababtoo ah dal aad passaporkiisii wadato oo aadan luuqadiisa waxay ka dhigan tahay in aadan xaq ulaheyn in aad wadakaas mawaadin kanoqoto sababtoo ah muwaadi waa qofka xaqiisa garanaaya iyo xuquuda umada kale qofka ilaa uu luuqada barto magaranaayo xuquuda uu dalka ku leeyahay iyo mida isaga laguleeyahay toona waa rayi wanaagsan waana soo dhaweynaynaa 5 tiisanana waa ka baxaysaa meesha sababtoo ah waxaan hada noo soo socda passapor la’aqoon sanyahay oo aan kula sinaan doono qomiyadaha kale ee ku qata 4 sano iyo wixii lamida
    jag håller med dem.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  23. ceyni says:

    waxaan dihi karaa wa fikrad fiican 8 sano qof wadan uu ku nool yahay aanan luqadiisa aqoon waa dhibkeeda. sawaaxili iyo ethopianba ayadoon school loo galin beey somalida iskaga hadlaan so maskaxdiina wey fudud tahay ee wax iska barta baan dhihi lahaa somalida qaasatan hablaha somaliyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  24. ladan says:

    walaalo basaboorka jineefa imisaa lagu qaadanaya hadii uu shan sano ahaa oo uu dhacayo gabadh sxb ayaa haysata markaa shantii sano ka dhacaysa markaaa walaalo jimcaale maxay samaysaaaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  25. miss bondhere says:

    ASC hadii aa fikirkeyga ka dhiibto waa arin u horseedo doonta horu mar iyo dadaal dad badan qaas ahaan soomalida mida kale dadka somali ka imaaday dugsi hoose kama so bixin inta badan waa run laaakin intooda badan 114quraanka ayee yaqanan marke qof 114 kor ka xafiday SFI uma dahaaayo wax lala dhashay neh ma jiro wax walba oo lagu dadaala wala baran karaa ASC

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  26. sucaad says:

    asc Jimcaale walalo waxan maqlay qofka mudo 5 sano ah joogay wadan ka bilaa passbor markuu 5 sano ka dib u doonto migrationka waxaa la siinayaa ka wayn ee 8 sano maxa ka jira arinkas walal isoo fahfahi thanks

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Muraayada qalibiag oo jabtaa waa murugada ugu weyn aduunka says:

      Muraayada qalbiga oo jabtaa waa murugada ugu weyn aduunka.

      Waxaan halkaan idinku soo bandhigi doonaa cabasahda ka dhexjirta Bulasheedana Somaliyeed.Maqaalkaan waxaa uunoqndoonaa mid todabaadkiiba aan marsoo dabacno insha allah.

      Cabashada Bulshada.

      Waxaan doonayaa inaan guursado waxaana la,ahay gabadhii aan guursanlahaa, ama wiilkaan guursan lahaa.Hadalkaan waa mid aad ay u isticmalaan dhalinyarada ama bulshada Soomaaliyeed.

      Waxaa jira dhalinyaro badan oo qalbi jab kudhacay (heart break )gaar,ahaan kuwa qurbaha jooga oo doonaya in ay helaan qofkay ku aamini lahaayeen nolashooda iyo mustaqbalkooda ayna u hibayn lahayeen naftooda.

      Dhalinyaradaan waxay hada tagan yihiin quus meeshii ugu danbaysay.waxaa hadaladda wiilsha iyo gabdhaha ka mid ah, halkaan gabdho ma joogaan,wiilasha yiri. Halkaan rag,majoogo,raga Soomaalida Jeceylka mayaqaanaan, gabdhaha yiri. Erayadaan iyo kuwa kale oo la mid ah waxaa ay dhagtadu maqlaysaa 10 jeer 24 saac.

      Hadaba waxaan is waydiin karnaa maxaa laga wadaa wiilal ama gadbho ma joogaan?Ayada oo ay dariiq kasta marayaan wiilashii iyo gabdhihii Somaliyeed!

      *Maxaa ka jira cabashadaan?

      *Maxaa lagawadaa wiilasha Soomaaliyeed jecaylka mayaqanaan?

      *Gabdhaha yaa baray jeceylka ay wiilasha ugu faanayaan?

      *Maxaa gabdhuhu ubari wayeen wiilsha jecaylka ay yaqaanaan?

      *Maxay tahay Gabdha,ama wiilka aad doonayso inaad hesho?

      *Maxaa fashiliya Guurka Soomaalida qurbaha kunool?

      Su,allahan iyo jawabahooda waxaan ku qadan doonaa maqaalada danbe insha allah.

      Q Rooble Abdullahi.
      fadlan saa u aragtaan maqalkaan iyo in uu xiisa leeyahay jawab iga siiya.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  27. Shuceyb says:

    Waa arin fiican, lakiin waxaa fiican in ay waqtiga 8 sano ka soo yareeyaan ,, oo 5 sano ka dhigaan , sidoo kale waa in ay da’ada fiiriyaan , sababtoo ah waxaa jira dad somali ah oo iyagoo waawayn wadanka yimid waligoodna aan wax soo dhigan ,,, marka dadkaas oo kale waa in xaalad gaar ah loo adeegsado!! waawaynka aan sheegayo waa 60 sano jir iyo wixii ka wayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  28. M. Abdulrahman says:

    Somalida waxa isga qasan nidaamka saxaafada iyo waxa uu jecelyahay !!!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  29. yaasir says:

    asc dhamaan inta aqriso ama ka mid ah asxaabta somaliska……..sxbayal ma ahan markii ugu horaysay uu soo bandhigo xisbigaan arainkaan waana lagu diiday .
    hadii luqadu la bartaa way fiican thy lkn adigu ka dhigin wax cusub ama kalif ku ah umada jimcaale ……. lkn waxaan ku sheegaa in ay soo baxday arintan markii denmark ay ku xirty sharuudan dadkeeda soo galootiga ah.
    in ay diiday swedan……..

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  30. yaasir says:

    yaasir
    asc dhamaan inta aqriso ama ka mid ah asxaabta somaliska……..sxbayal ma ahan markii ugu horaysay uu soo bandhigo xisbigaan arainkaan waana lagu diiday .
    hadii luqadu la bartaa way fiican thy lkn adigu ka dhigin wax cusub ama kalif ku ah umada jimcaale ……. lkn waxaan ku sheegaa in ay soo baxday arintan markii denmark ay ku xirty sharuudan dadkeeda soo galootiga ah.laakin ma ogthy
    in ay diiday swedan……..

    U codee: 0 0

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  31. maskiiinka says:

    asc all kadib horta soomaali hadan nahnay balaayo sheeg baan lasocona goorwalba sababtoo ah waagay laisla dhexmaraayay madhaweeyn dhiiga labilaabay ilmihii oo laiska qaadaya waxay ahayd sanadoo 2006 ilaa 2007 hadaana labilaabay dhiigii si rasmi ah marka hadan mawaxaad noo bilaawdeen shekadaan ayadana waa sahadis uuneeeeeeeee war iyo wax labuun buuniyo aysan waxba kajirin soomaali haloogu yimaado waan kayaabay soomalidee, haday waxan lasheegaayo ay dhab noqotana wax iska bartahe danihiinaad la maryo waaweentihiine… haidinku taagnaateeeeeee
    HEJDÅ

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  32. fatim says:

    ASXAABEEY WAX KASTA WAA DHAMAANAAYAAN SINGAL ILMO LASOO KORSADAY IYO CARUURTII WEEYNAATAY INTABA BISHA 7 WAA LA FURAAYAA INSHALAAH

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  33. nasiib says:

    waan idin salamayaa dhamantiin umada markii hore ayey maskaxda ka dileen iyagoo wax shaqo uhayn ceyr ku dhibi jireen hadana ma waxay u,keneen passka ninkii rabo luqada waa inuu bartaa waa xujo aad ujedaan in laga tago ma rabaan sababtoo hadaan passka helno horaan ka baxaynaa waay og,yihiin waxaan radsanaynaa galada gobta ah waayo dadkan shaqada aan ka soo radsanay iyagaaa dadkooda ayaa shaqo naloogu suubinayaa iskoolka sverige qofka inuu horay usocdo ma rabaan sababtoo ah galaska ayaad tagaysaa subaxii macalimadii ayaad horfariisnaysaa waxay kaaga sheekaynaysaa xalay aniga ninkayga maqaaxi magalada ayaan tagnay gurigeeda ayey kaga shekaynaysaa casharkiiba malintaas oo dhan intaas ayuu noqday walaahi ´wadamada englishka tag dadka aan shaqayn lama dhibo sida UK

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

    • Shuceyb says:

      loool adigoo kale ayaa Somali ku jira ,, maad iskala hadashaan Macalimada waa adiga halkaan ka cabaadaye ,,, hadaadan raali ka ahyn macalimada xaq ayaa u leedahay in aad ka doodid sida ay wax u wado ,,,,, tan kale ma caqli gal baa adigoo sideed sano joogey wadanka in aad luuqada aqoon wayso ,,,,,,,,,,,,, shaqo ku lahaa luuqadii ayaaba saas ooga qeylinaysaa ma somali ayaa ku shaqeene

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  34. aden says:

    waxaan u arkaa arin fiican waayo waa ceeb in qof passka wayn wata loo turjumo waa arin aan caadi ahayn.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  35. FM says:

    Warkaas waa la mucaaradey oo xisbiyo badan ayaa ka soo horjeestay oo uu xataa ku jiro SD cunsuriga ah marka niyadda degsadda wax saconaya maahan Sweden socon weynaye oo cararno ayey wadaan markii ay Barnaamij wanaagsan oo shaqo u waayeen soo galootiga!!!!???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. Yare says:

    waxay noqonaysaa arin culayskeeda leh waayo awalba soomaalidu la mid ma ahayn qaxootiga kale ee 5 sano ku qaadan jiray.
    Arintaana waa ugu sii darsamaysaa dad kii aan awoodin inay bartaan luqadda waayo waxaa jira dad badan oo aad u jecel inay wax bartaan oo mar walba isku daya oo xataa muddo dheer wax baranayey laakiin aax wax natiijo fiican ka keeni karin wax barashada.
    Hadii ilaahay noo fududeeyey anaga inaan barano luqada wadankaan ogow inay jiraan dad ay aad ugu adag tahay barashadeeda, Anagana waxay nooga baahan yihiin dadkaas inaan garab istaagno ee aanan ku jeesjeesin sida 20 sano ayey joogaan ee see ayey ku baran waayeen luqadda wadanka iwm.
    Wadankaan wuxuu ku horumaray waa saacidaada uu saacidayo dadkiisa liita,
    Soomaaliduna waxay ku burburtay waa anaa kaa laandheeraysan iyo anaa kaa laandheeraysan, ma anoo wax soo bartay oo jaamici ah ajaad agtayda ku hadli kartaa heerbaadiye yahow.
    Soomaalida waxaan kula talin lahaa inay kii ladulmo iyo kii liita isgarab istaagaan iyadoon loo eegin qabiil,damiin,daciif,jiroole iwm.
    Maanta waxaa nalooga baahnaa inaan ka doodno oo ugu yaraan mudaaharaadyo samayno sidii aan uga mid noqon lahayd dadka ku qaata baasaboorka wadabkaan 5 sano ee naloogama baahna inaan dhagaha u raaricino go aano kale oo dadkayaga liita la sii dulsaaro. caqligu ha shaqeeyo.
    qof walbana karaankiisa ha ku muujiyo inuu aad uga xun yahay arintaan isagoon saarin khaladka dadka liita ee aad ugu adagtahay inay waxbartaan.
    dadka aad u jeedaan ee dulaysan ama aan rabin inay waxbartaan waxaa iiga qiimo badan oo garan istaagi lahaa kan aan soo cadeeyey. dhibka gaaraya kan ay daacad ka tahay fiiri. ama iska soo qaad nafahaan taada hadii ay kugu dhici lahayd.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  37. Abdiwali Abdisalam (guduudow) says:

    waxaan u arakaa arrin aad iyo aad u fiican lkn dadka waawayn bay u darantahay inkastoo sheejo hadda ka hor aan maqlay ay ahayd islaan wayn oo da, ah baa la yiri eedo quraanka baro markaasya tiri maandhooyoow carrabkaa i waynaadey, maalintii dambaa lgu yiri eedo guriga suurada BAQRA lagu akhriyo shaydaanku ma soo galo markaasay hal bil ku xafiday marka haddii dhankaas laga eego waa wax fiican qofkastana wuu baran karaa luuqada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  38. Massago till Muraayada qalibiag oo jabtaa waa murugada ugu weyn aduunk says:

    Umada dhan waxaaka dhuntay Baasaboor iyo waxaan loo jeedin mineey idiin diidaan midka weeyn maad iska hesatiin midka främliga waaba idinku aadaa mugaw dhacaba 700 krn iyo 4-sano isku jalaadatiin xaa idin waalay. Sxboow qormadaan ku saabsan nolosha iyo jaceylka waaa mid xiisa leh waxaadna moodaa ereyga aad sheegtay ee ah wiilasha,gabdhaha somalyed jacel mayaqaanaan ee lesku tuur turo si looga baahi beelo jawaab saxana looga helo waxaan u baahanahay inaan ka munaaqashoono kana doodno intaan waxaan macno leheyn waqtiga ku dhumi leheyn, Tusaale ahaan magaalada aan degnahay 100 dh,yaro ah oo 16— 30 kunool hadana waxaad moodaa mugaan ku sameeyay qiimeeyn 10-ki qofoodba 8 waxeey kaguursatay ama xariir lawadaa qof dibada kunool ama xataa Sverige dhaxdeeda lkn magaala kale kunool marka maxaa leesku aamini la,yahay kan,tan kula degen magaalada maxaad ku aamini la,dahay maxaa qaldan maxaad ku doora leheed qoftu inaw haaado maxaad ku nici leheed qofta iwm arimahas oo dhan waxaan uga doodi doonnaa qormada kale Hadii Allaha awooda lehe ogolaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  39. ahmed says:

    Asc waxa ushegaya dadka dhahayo wa arin fican hoyoyinka ama abayesha jogan swedhen 50 ama 60 jirka side luqad kubaran kara isheg ? ama wadanki hoyo wax kusobaran. aniga ada fikirkega kadhibto somalida dan ugu majirto wayo somalida badana dad wax sobartey ma ahan dad wadakoda 21 sano dhibato kajirtey waye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  40. saalim says:

    aniga waxay ila tahay inay tahay mid cunsurinimo ah waayo waxaa jira dad badan oo wadanka kusoo galay waynaan mana keni karaan ianay bartan luqada marka dadka dhahaya 8 sano quf joga oo hadana baran luqada waa qalad taas aniga maqabo waa dhicikartaa in aan labaran waxaa jira dad aan afsomaliga xataa qori karin oo anw ax soo baran see ugu fududankartaa inay 8 sano kubartan marka ilaah kama dhigo mid hirgala sharcigas teda kale waxaa jira dad aanan wadanka saas ugu nolen oo wadama kale ka shaqaysta oo uyimaday halkan basaboor wayn marka aniaga hadan nahay umada somaliyed noma ficna sharcigas cida saas aminsan waxan filaa ianaysan kafikirin walalahoda aan keni karin inay ku bartan luqada 8 sano adiga haduu ilaah kuu sahlay ma ahan inaad jees jestaan oo aad dhahdan 8 sano qufkan kubaran wax mahin kkkk teda kale mala aqbalikaro waa idinkan leh maxaa idinka quseya idinka ma dowlada sweden ayaa tihiin waa yaab walahi somali waxaa kujira dad caqligooda badan yahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  41. yaab says:

    waa sax in dhalasho la siiyo maahan qof aan luuqada garaneynin
    xaq uma lahan in uu dhalasho heysto wadan uusan fahmeynin luuqadiisa taasna waa wax qasab ah dowladana hadey sharciyeyso waa macquul fikradeyda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  42. Warmooge says:

    asc marka hore waxan salamaya dhaman somilada booqa beejkan ala ayaa mahadleh rayiga uu keenay xisbiga folkpartiet waa rayi ee maaha wax la go aamiyay oo cod loo qaday horayna wuu usoo bandhigay xiligi 2006 mana nagu cusbo lakin somali hadanahay horaa loo yiri lax mesha ay isdhigto baa lagu qalaa waayo waxa jira soogalooti badan anan aqoon luqada hada ku qaata 5sano dhalashada swedeshka sida Chili oo intoodabadan dadkoda wayeelka ah anan aqoon luqada Irak. marka tas waxan usoo qadanaya hadadan dowlad lahed hadana adan lahen föreningen sax ah oo u hadla 40000 kun ee dagan sweden walagu cunayaa waliba hada ra yigan uu keenay xisbigan folkpartie waxa la qabo xisbiga cunsuriga oo hada ay u fadhiyan mudanal garaya 20 barlamanka wadanka marka somaliyay tasho oo aan ahano dad hal meel kawada duula.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  43. Eyman says:

    ASC! Somali waxuu bartaa wax markii lagu ciqaabo maahee inta ka hore dhaga wax maqlaa malihin.War wadan baad pass wadataa afkiina garan meysid, luqad aan loo dirsana waa bartaan, oo waxba usan ku faleynin. Sweden wax wanaagsan ayeey sameyneysaa hadii ey u sharciyeyso sitadan. pass in uu noqdo ninkaan luqada aqoon maleh pass, kii yaqaano hoo. Wadamo badan baa ah sidaas maanta, war wadanka marka aad caruur ku dhasho oo caruurtaada aadan afgaraneynin soo dhibaato waa dantaada e baro wadanka aad joogto luqadiisan somalaay.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  44. sulub says:

    asc adigu waxaan odhanlahaa waa arin xun waayo dadka waxaa jiraa dad waawey oo aan waxba qorin waxna akhrin oo ay kudhibadantahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  45. Raaqia says:

    ascwrwb dhamaan bahwaynta somalilska gaar ahaan wallka qaaliga aktayda ka ha ee jimcaale* wall jicale waxa ka dhawaa jisay in qofka haysta baasaboorka yar inu wadanka ka maqanankaro 1sano iyo waxkabadan ganac siahaan marka wall anigu waxan ahay qof xiisaysa ganacsiga walow anan weli bilabin marka waxa jira wadamo badan oo an lagu geli karin basaborka yar sida Emaradka uk chinnha iyo ku wa kale oo badan marka see wax ujiran fahfahin ban ka raba wall adoo weliba raalia jzklh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  46. Raaqia says:

    fikinka shaladha ama basaborka wayn e swedan wax la isku dhibaba maha waa wax waliba waa qoral wixii alle ku qorayna wad helaysa wax tiga ad wakhtigaga gadhid kad hada haystatidba sow alle kagama soo qalid waxba ha isku dhibina luqaduna qof walba isagay u fiican tahay inu barto wadankana kaga shaqaysto Rasuulkeniina swc*wuxu yidhi hadad qon u tagtan quladiisa barta saad uga nabad gashaan yacnii markii uu kudago markuu kuu tashanayo marka adigu dan ka ledahay ad u fahan siisid waxa aad ka rabto wa hakadaa wabillahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  47. hibo says:

    alla somalia shoow badnaa kuli waxeey dhahayan qof 8 sano joogo ku hadlin karin luuqada waa qalad alaaya eyaga fiirshaa inee b iyo t midna aqoon laga yabaa,,,,,,,, somalia hadaan nahay hadalka af laga sheego bis noo fudud ficilna ma leh

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  48. oday somali says:

    waa arin fiican in luuqada labartaa lakiin luqadaan waa dagtahay in sida swedhiska loo barto shuruuda halaga dhigo sfi si qofka luuqada dhibee xataa udadaalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  49. c/laahi maxamud xasan says:

    rutii waan idin salaamayaa dhamaantii dadka fekeradaha soo jeediyey ma xuma arinkaasi lakiin dadku isku mid maaha waxaa jira qof weyn oo waayeela waxaa jira qof xanuusan waxaa jira qof uu ku adkaado afku oo fahmiba waaya markaa ninkii dhalin yaro ah oo ardey soo marey ama ay maskaxdiisu tahay fresh oo maskaxdiisu wax fahmeyso ma xuma lakiin dadkii oo dhan waayeel iyo caruur mid buka mid waalan ha lagu xidho luqada in uu sharciga ku helo waa dhib markaa waxaan oran lahaa hala kala saaro dadka oo weliba ninkii dhalin yaro ah rag iyo dumar ha lagula xisaabtamo waxaana kula talinayaa umada somaliyeed mar hadii ay tageen sweden in ay ku dadaalaan in ay luqada bartaan waa faaiido dantoodaana ku jirta anigu weli ma iman sweden waxaan tijaabiyey inaan waxx badan ka barto tariikhda wadanka sweden runtiina waxaan ka qorey 2 buug oo weliba waxaan ku turjumey af swedesh anigoo aan aqoon waxaana ka heley aqoon iyo faaiido badan tusaale ahaan waxaan ogaadey wadanka sweden in ay soo mareen 34 risalwasaare kii ugu horeeyeyna waxaa la doortey 1858 ilaa 1870 markale ayaa la doortey 11875 ilaa 1880 waxaana la oran jirey louis de geer runtii waxaan idinkula talinayaa war dhaqankiinana ilaashada wadanka aad joogtaana dhaqankiisa iyo taariikhdiisa barta oo hayska dhigina dad hada yimi waxaad u joogtaan oo aad wax u barataan sidii aad weligiin joogeysaan waxaadna barataan cilmiga yaala iyo aqoonta TAALA OO AAD UGU TAGTEEN WADANK WAA IGA TALO WALAALAYAAL

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  50. c/laahi maxamud xasan says:

    rutii waan idin salaamayaa dhamaantii dadka fekeradaha soo jeediyey ma xuma arinkaasi lakiin dadku isku mid maaha waxaa jira qof weyn oo waayeela waxaa jira qof xanuusan waxaa jira qof uu ku adkaado afku oo fahmiba waaya markaa ninkii dhalin yaro ah oo ardey soo marey ama ay maskaxdiisu tahay fresh oo maskaxdiisu wax fahmeyso ma xuma lakiin dadkii oo dhan waayeel iyo caruur mid buka mid waalan ha lagu xidho luqada in uu sharciga ku helo waa dhib markaa waxaan oran lahaa hala kala saaro dadka oo weliba ninkii dhalin yaro ah rag iyo dumar ha lagula xisaabtamo waxaana kula talinayaa umada somaliyeed mar hadii ay tageen sweden in ay ku dadaalaan in ay luqada bartaan waa faaiido dantoodaana ku jirta anigu weli ma iman sweden waxaan tijaabiyey inaan waxx badan ka barto tariikhda wadanka sweden runtiina waxaan ka qorey 2 buug oo weliba waxaan ku turjumey af swedesh anigoo aan aqoon waxaana ka heley aqoon iyo faaiido badan tusaale ahaan waxaan ogaadey wadanka sweden in ay soo mareen 34 risalwasaare kii ugu horeeyeyna waxaa la doortey 1858 ilaa 1870 markale ayaa la doortey
    1875 ilaa 1880 waxaana la oran jirey louis de geer runtii waxaan idinkula talinayaa war dhaqankiinana ilaashada wadanka aad joogtaana dhaqankiisa iyo taariikhdiisa barta oo hayska dhigina dad hada yimi waxaad u joogtaan oo aad wax u barataan sidii aad weligiin joogeysaan waxaadna barataan cilmiga yaala iyo aqoonta TAALA OO AAD UGU TAGTEEN WADANK WAA IGA TALO WALAALAYAAL

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  51. garooblaye says:

    UGU HORAY WAXAA SALAMAYAA WARIYE JIMCAALE AAD AYAAD UGU MAHAD SANTAY WARBIXINAA FARAA BADAN AAD SO DHIGTO WEBKAN

    inyar oo koona ayaan ka odhan lahaa arinkan shuruuda loga dhigo in luqada labarto 1 waa mide hadii lagu xidho waxaan filayaa dhibn waykeni kartaa sababta o ah dad waa wayn oon baran karin ayaa jira , dad xanunsanaya on awoodin xag caafi maad ahaan baa jira hooyo aan jaanisba u helin inay barato ayaa jirta 2, hadaan eeego dhinaca faa iidada ku jirtaana waa waa wax wax baadan u tarikarta bulshada somalida marka loo eego dhinaca wax barashada oo laga yaabo inay u fududayso o qofkastaa markuu luqada awooda saaro hadan waxaa uu awoodi karaa inuu barto wax barasho waayo dee luqadi buu bartay inuu bulshada dhex galo isaga o dhaqan kiisa iyo din tisaba ilaa shanaaya wabilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  52. Mohamed Ali Shidle says:

    Jimcaale waa mahadsan tahay. Fikradda ah in luqadda Iswidhishka saldhig ay u noqoto qaadashada baasaboorka weyn way fiican tahay; waana soo dhaweynayaa. Marka waxaan ugu baaqaa immades Soomaaliyeed ee ku nool Sweden in ay la tartamaan ummadaha kale oo ku nool Sweden oo isku taxallujiya in ay sii fiican i bartaan luqadda Sweden. Sideedaba, luqaddu waa furaha horumarinta bulshad kastaa oo meel ku wada nool oo wax wadaaga. Sidaa awgeed, waa in aan ku dadaalnaa barashada Afka Iswidhan. Soomaalida waxay ku maahmaahdaa meel ka maqnaaw ama ka muuqo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  53. fuaad says:

    waa mihihiim inaad luuqada barato wayo waa wadankadi 2 aad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  54. cadey says:

    wax walbo dadka soomaaliyeed aa adkeeyey isku duubni la, aantooda sababtoo ah ajaaniibta kale oo dagan swedan 5sanno ay ku qaataan iyagoona wax luqada aqoonin maxaa ciri loo galinaayaa ninka soomaaliga ah ilaa 9 ama tobonsanno ku qaadanaayo, luqada swedhishka waa inlabarto taas waa run maadaama ay waxwalbo kaaga xiran tahay laakin hooyo sannadkasta cunug dhaleyso oon waqti u heynin iskoolkii ay wax ka baran leheed weyku adagtahay waxaa fiican in la ogaado waxii aan xaq u leenahay leyskana daayo shuruudaha leysku xiraayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  55. Najma says:

    kkkkkkkkk waa yaab lkn qofki yaqano miye sinayan ciyow pasaborka weyn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  56. qnciye says:

    waa in loo dada jijiyaa baasaboorka dadka oo dhan waayo xaquuq ayuu leeyahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  57. qnciyedumar says:

    ani waxan qanckiyaa dumar waayo waan jecelahay aad iyo aad

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  58. sureer hassan says:

    Asc somaliada waan u soo ducaynayaa aamiin ii dhaha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  59. finland boy says:

    sxbyaal waa sax arrintaan ay ka dhawaajisay wadanka dariskeena ah waayo wadan aad citizen aad ka haysato dhalashadiisa oo misna adan aqoon luqadooda ma macquul baa luqadda ha lagu daadalo barashadeeda qaabka ugu fudud aad ku baran kartaana waa inaad dhex gashaan bulshadooda? sidee u dhex galnaa waaba cunsuriyiin?mn waxaad tagaysan baararka la iskugu tago sabtida iyo axadda sxbo ayaadna ka helaysaa haddad gabar aad thy iyo ahddii wiil aad taahy sxbkaa waxaa uu ku barayaa asxaab kale ee uu leeyahay waxaad ku sheekaysanaysaan luqadda wadankooda waa hubaal sanad qura kuguma qaadanayso barashadiisa waayo luqadda schoolka lagu barto iyo tan ay bulshada ku hadlaan shaqo iskuma laha iskool aan fiirsanaa oo luqadda ka barana haddaad dhahaysana beerta aad ku jirtaa adigayna kuu taalla walaalow bye

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  60. FIKRAD IYO SU.AALO says:

    AS.WR……….!

    WAXAAN SALAMAYA DHAMAAN WALALLAHA SOMALIYEED RAG IYO DUMARBA GAAR AHAAN WARBAAHINTA SVERIGE GUUD AHAAN GAAR AHAAN QEYBTEEDA AFKASOMALIGA KUHADASHO SALAAN PALAARAN IYO XISPIGA TALDA HADA HAYO UU USAREEYO R-WAZAARAHA MR FREDEK IYO GUUD AHAAN XIZBIYADA KALE. SLN KADIB ANIGOO UHELAY WEBKA FIKRADA. Waxaan u arkaan in arinkaan uu quseeyo dhamaan INVÄNDRE AMA AJAANIBTA jinsiyada uu rabo hanaqdo aysan ugaa aheyn Somalida waxaan u arkaa in lookala qaado labo. 1kaad dadka dada udhaxeyso 14sano ilaa 45 lagu xujooyo luqada oo caafimaadka maskaxiyan iyo jirahaanba 6lixaad dhameystiranyihiin wax maqlayo waxna arkayo waxna fahmayo..uuna ahayn ruux handkaab ah.46 ilaa dada oogu sareeyo aanaan lagu xujeyn luqada. FIKRADAA AYAA KAQABAA OO XIZBIGA WAAN KURAACSANAHAY LKN HAKALA SAARO XIZBIG KRAVKA SOO BANDHIGIDA QORASHAHA SOOGALOOTIGA EE QAADASHADA JINSIYADA SWEDISHKA.. WARBAAHINTA SWEDEN QEYBTEEDA AFKA SOMALIGA KUHADASHO FARIIN IGA GAADHSIIYA UMMADA SOMALIYEED KUDHAQAN SWEDEN………….(waxaan ahay muwadin Somaliyeed kudhanqan wadanka Sweden waxaan leeyahay dhamaan ummada Somaliyeed waad oktihiin maanta wadankiina xaaladu uumarayo dawlada idin soo dhaweysay oo idinku taageertay NOLOL DEEGAAN DARYEEL WAXBARASHO IYO AMAAN. ABAALKEEDA GUDA SHACABKA INTAA IDIN GALEY HANA DHIHIN XUJO AYAA LASOO RAGEY WAAYO WADANKEENA MARKAAN JOOGNAY INTAA KAMA AANAAN HELIJIRIN WADANKEEN HOO DHAQAALO HOO DEEGAAN HOO DARYEEL WAX BARO AMA SHAQEYSO MA AANAAN HELI JIRIN HADII XAQIIQDA LAGA HADLAYO EE . waxaan waa adagtahay intii la iska daayo wax halabarto hana lashqeysto. Mida kale xaga. XAGA DAWLADA CODSI… RUNTII SHACABKA SOOMALIYEED IN DOCUMENTIGOODA LA AQOONSANIN WAAN OGNAHAY AY KABUUXAAN FORGERA LKN HADANA DAD BADAN AYAA JIRO WAX SOO BARTAY AHNA SOOMALI WALI MA ARKIN RUUX AAN SOOMALI AHAYN HADANA KUHADLAYO SI WANAAGSAN LUQADA SOMALIGA WALOW AY JIRAAN DAD AJNABI AH OO JAJABSADO LKN AYDOO WANAAG BADAN USAMEYSEEN WAXAAN CODSANEYNAA IN SHARCIGA WEYN EE SWEDEN AY KASOO YAREEYSO 8SANO AY OOGU DHIGTO IN KAHOOSEYSO HADEY MACQUULTAHAY………. AS WR

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1