Ma fududahay in la qiyaano Swedishka?

12

Maanta mowduuc aan ka akhriyay bogg lagu magacaabo Helagotland  oo ku saabsanaa in ay fududahay in la qiyaano Swedishka ayaa igu dhaliyay in aan qoro mowduucaan. Mowduuca ayaa lagu sheegay in dadka soo galootiga ah ay ka dhaadhacsantahay in si fudud loo qiyaani karo Swedishka.

Swedishka ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aan ku faraxsaneyn ama aan la dhacsaneyn dhaqankooda iyo wadankooda. Waxaa intaas lagu daray in Swedishku ay yihiin kuwo ka cararaya in lagu tilmaamo cunsuriyihiin sidaa darteedna  ay u sameeyaan waxyaabo wanaag ah oo la siinayo dad qiyaano isku dhiibay  oo aan ka soo cararin wax khatar ah.

Waxyaabaha mowduuca lagu soo qaatay ayaa waxaa ka mid ah wareysiyo ay bixiyeen qaar ka mid ah dadka la shaqeeya soo galootiga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Laanta Socdaalka oo mararka qaar dareemaya in dadka magangalyo doonka ah ay ka dhaadhacsantahay fikrad ah in Swedishku ay ka duwanyihiin Yurubta kale oo si fudud been loogu sheegi karo.

Si kastaba ha ahaatee, Swedishku iyadoo lagu yaqaan dad wanaagsan oo qalbi furan ayaa hadana la dhihi karaa waxbaa ka jira arimaha mowduuca lagu qoray. Qaar ka mid ah soo galootiga oo ay ku jiraan Soomaalida ayaa la dhihi karaa waxaa ka dhaadhacsan fikrad qaldan oo ku aadan Swedishka. Dadkaan waa bani’aadam nala mid ah oo caqli iyo aqoon intaba aan soo galootiga ka yareyn.

Qofkii iska dhaadhiciya in si fudud lagu qiyaami karo Swedishka ayaa ah mid aaminsan qalad, waayo in lagu wanaajiyo oo lagu soo dhaweeyo waa meel. Qofka waa in uu ogaadaa in beentaada la ogyahay balse Swedishku ay yihiin dad dulqaad badan oo eegaya dhibaatada guud ee jirta balse haddii ay dabagal dhab ah ku sameyn lahaayeen beenta shaqsiyadeed ee dadka qaar ay sheegaan in dad badan aysan waxba ka heleen wadankaan.

Waxaa igu soo dhacay hadal uu hada ka hor nagu yiri nin Swedish ah oo lagu magacaabo Björn oo Laanta Socdalka u qaabilsan in dhaqanka la baro soo galootiga. “Ama wax runta u dhow sheega ama wax runta u eg sheega” ayuu yiri Björn isaga oo aan marnaba dhihin “Runta sheega”. Hadalkiisa ayaa waxaa ka cad in ay ogyihiin in dadka inta badan ay been sheegayaan balse waxaa la doonayaa in beentu ay tahay mid caqli gal ah.

Sidee u aragtaa? bal fikradaada ku darso…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here