Ma isbedashaa lahjada Soomaalida inta ay qurbaha joogaan?

26

Mowduuc lagu qoray bogga Aftonbladet ayaa nin farshaxanyaqaan ah oo lagu magacaabo Lawrence Abu Hamdan waxa uu xaafada Tensta ku soo bandhigay farshaxano iyo baaritaan uu ku sameeyay Soomaalida loogu diiday sharciga lahjadooda. Qaar ka mid ah Soomaalida iska dhiibta Sweden ayaa ku dooda in lahjadooda ay isbedashay intii ay qurbaha joogeen.

Dooda ayaa ah in qof sheeganaya in uu ka yimid Muqdhso ama koonfurta Soomaaliya oo ku halaya lahjada waqooyiga uu ku doodi karo in uu lahjadaas la qabsaday intii uu qurbaha joogay ama uu xeryaha qaxootiga ku jiray. Inkastoo Laanta Socdaalka Sweden aysan aqbalin arintaas ayaa su’aashu waxay tahay ma tahay mid dhici karta in qofku uu lahjad kale la qabsado inta uu qurbaha joogo?

Aniga fikradaydu waxay tahay in taasi ay macquul tahay balse aysan macquul ahayn in qofku iska ilaawo lahjadiisii hore. Tusaale ahaan, anigu waxaan leeyahay asxaab badan oo reer waqooyi ah kuwaasoo aan kula noolaa wadamo kale duwan, taasi waxay keentay in aan erayo badan aan kala qabsado. Sida marka aan dhahayo Gabar aan mararka qaar dhaho Gabadh ama saacada aan halkii aan ka dhihi lahaa waa 11 saac aan dhaho waa shantii galabnimo. Laakiin haddii aan interiyuu marayo waxaan awoodaa in aan isticmaalo lahjada Muqdisho si aan uga fogaado qalad.

Hadaba sidee kula tahay adiga? Waa maxay fikradaada ku aadan in qofka lahjadiisa ay is badali karto inta uu qurbaha joogo? Waa dood furan…Aflagaado, qabyaalad iyo xumaana waa mamnuuc.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here