Ma kufsi baa haddii ninku xaaskiisa qasab kula seexdo?

Sida dad badan ay la socdaan Sweden waxaa loo arkaa kufsi in ninku uu xaaskiisa ama gabadha ay saaxiibka yihiin qasab kula seexdo.  Dhowr jeer oo maxkamad la soo taagay arimaha nuucaan ah ayay isku qilaafeen xaakimyada, iyadoo ay arintaas dood kulul ka dhalatay in marka gabadhu ay tiraahdo MAYA diyaar uma ihi in ninku uu ku qanco.

Dhaqankeena Soomaalida ayay caadi ka tahay in xaaska aysan marnaba MAYA dhihi karin ninkeeda, iyadoo loo cuskanayo diinta balse sida aan wada ognahay dumarku waa bani’aadam. Xiriirka lamaanayaashuna waa mid isbedalo ay ku dhacaan. Marka laga gudbo todobada iyo farxada bilaha hore waxaan wada ognahay in dareenka lamaanayaashu uusan ahayn sidii hore, oo marar badan ay meesha ka maqantahay niyada iyo rabitaanka sariirta.

Hadaba su’aashu waxay tahay ninku xaaska maku qasbi karaa sariirta. Xitaa haddii aysan rabin? Mise sariir aan jaceyl iyo farxad lahayn ma leedahay raaxada laga doonayo? Ka warama dhinaca kale, ee ragga iyagu aan gudan waajibkooda sariirta ee Khaatka ku mashquulsan oo aan xaaskooda xakheeda siinin? balse markii ay rabaan korka isaga tuura iyaga oo tiigsanaya  diinta?

Maxaad ku dari lahayd oo fikrad iyo aragti ah? Waa DOOD furan…qaasatan waxaan jeclahay aragtida dumarka iyo dareenkooda ku aadan mowduucaan?

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

21 Responses

  1. filsan says:

    Wa arin mesha ku jirta balse hadi ow mesha jacel yalo iyo ku qanac ma iman karto rabitan la an dumarka ah balse waxa mesha ku jiro daciifnimo xagina ah adiga jamac ah iska bilow fikirkada maxey tahay raxo wa 2 bada dhinac farxad talo iyo dhamestir

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. filsan says:

    Nagti nin jad cuno ow qabo horay ey ugu sabartay raaxo iyo farxad ha iska ilmo dhasho hadow ilah kasiyo wax kale ma aqano an dhaho nagta an xumanta karebi karin ninkeda jacel uma qabo xal kale haradiso

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. daahir says:

    Horta arinta wa labo, tan kobad xuquuqu zowjeen, tan labaad wadankan dhaqankiisa iyo dhaqankeena oo aan isku mid aheyn, hadii wadankan kufsi looga yaqaan waxaanba markii hore kala aheyn (lakum diinukum) tan kale diinteena naagtii xanuun iyo caafimaad daro udiida in la qasbo maahan, lakin hadii si kale u diido waa xukun gooni, ama waa ciisiyad ama xujadii aay u diiday ayaa laga rabaa, raga naagaha qasba war ka daaya qasabka oo naagahiina jaceyl iyo maxaba ugu keensado si walbo aay yihiin, naag aad xoogtay raaxo maahanee, lamaanahaada farxad la qeybso oo Allahii abuurtay ku cabsii qalbigeeda Allaha raxmad kugu shubee, dhamaan muslimiinta kuwa Allahooda ka cabsada oo reerkooda wanaajiya Allaha idinka dhigo,
    Jimcaale wad ku mahad san tahay fikirkaan aad bulshada soo dhex dhigtay

    Fikrad lala dhacay Thumb up 19 Thumb down 0

  4. Mohamed says:

    Asc,marka hore diinteyna waxa aay ka hadleeso iyo shuruucda sweden waxyaabo badan aay iska leeyihiin iskastoo qaarkood kabadbadis aay yihiin.Su aasha in aay kufsi tahay hadii xoog lagu tago gabadha xaaska ah?Aniga maqabo marka hore su aal diini naqan karta in looga jawaabo ra yi ahaan waxaan dhihi lahaa hala raaco sida diinta aay sheegeeso iyo dhaqankii rasuulka csw waayoo rasuulka waligiis qof haween madhibaateen xaaskiisa iyo midkaleba marka waxaa cad raga ayagoo awooda wadaxaaltan iyo shukaansi inuu wax uga qaato xaaskiisa kadoorbidaya inuu muruq u isticmaalo majirto diin ama sharci caalam mid xaq usiinaya inuu muqruq u isticmaalo uu awood u isticmaalo.waxaay kaloo kuxirantahay marxalada tusaale ahaan macaafimaad qabtaa maxanuunsantahay ma maseersantahay ? ninka ayaa laga rabaa inuu xaal wax kuraadiyo iyadana aay ninkeeda aay ixtiraamka sida uu iyada u ixtiraamayo.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. you says:

    ariniga fekerkeeyga ama sida aan arkay suaashan waxaa ka jawaabi karo qofkii guursaday qofkastaa kama jawaabi karo waxaa jirto in labada qof midba mar uusan diyaar u ahaayn inuu kan kale soo dhaweeyo sababtuna waxaay noqon kartaa xiiso dhac xanuun feker caajis iyo waxyaabo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin qofna marabo in la qasbo ninkuna ma rabo in la qasbo naagtun ma rabto in la qasbo waa in la weeydiiyaa qofka oo texgelin la siiyaa badanaa naagaha ayaaba nimanka xoogo oo ku qasbo inuu la seexdo waxaanan aaminsanahay ineey xoog tahay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. gulled osman says:

    assc aniga waxaa dhihi lahaa markasta waxaa muhiim ah dulqadka laba qof ee xairrika ka dhexeyo
    edy isku dulqatan diinta islamka qofna ma qasben .. dadka isku gursa ayaga ayaa is durta ama walidka ayaa isku dura
    hadey isku qancan qofkasta waxaa saran wajid uu qaday mar hadii uu ogolado gurka marka waa in uu gutaa wajidkaa
    uu sana xad gudbin ….marka qofkasta hadii uu ilala sho wajidka saran hadii uu qalad galan uu cafis dalbo wax ma halabayan Saaxibtinimo nin iyo nag ah diin qabtaa ma jirto xataaa kuwa caqlanigaa waa rayi sheydan taasi ayan kena isku dhaca

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. FAAKIYO says:

    asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. moha abdi says:

    waan idiin salaani dhamaantiin salan kadib hadaa ukudbo fikirgeyga inta badan waxuu ka imada qaladka dumargeeyna somaliyeed sababtoo ah ma yaqanaan jaceylka nolasha farxada sidaa raaliyo looku noqdo nimangooda waxa eey qimeeyaan lacagta inta badana waxeey iibsadaan nolashooda duq aan uqalmin ayeey lacag kuracaan siduu yurub ikeeyni lahaa ama dhaxalka ooku qori lahay du aan dadiisa ogeey ma uraaxeeyn karaa gabar 18 jir ah waa maya mida kale nimanka qaadka cuno waxaa laku eedeeyaa in eeysan farxad siinin dumarka lkn taas waa been ninka qaadka cuno waa uu kafarxad badan yahay xarfanta kale mar kuu cuno qaadka raaxo dhab ah aan caadi aheeyn ayuu siyaa qoftiisa waxan idiin dhihi lahaa gabdhaheenoow intaada kuursan kafiirso nolashu waa jaceyl jaceylkuna waa dareen dareenkuna waa kalsooni kalsoonidana waa ismaqal viva ciyaalka xafada

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  9. somaliland boy says:

    Wax saxsan ayaan u arkaa hadii xaaskayga anay diyaar u ahayn galmo waxan ku qasbo maba yaal meesha, mida kale qofku wuxuu raaxo ka helaa galmo labada dhinac diyaar u yihiin, lkin xoogid ayaan u arkaa hadii xaaska anay diyaar u ahayn oo lagu qasbo sariirta raaxana yelanmayso, habeen iyo laba habayn waxba iyeelimayso waayo iyada oo dhan intay nooshay ayan haystaa markaa sabar, lkin yaanay xaajiyaduna habeenwalbo odhan diyaar uma ahi kolkaas mesha ka naag doono weyaan sheekadu,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. sahra says:

    marka hore waxaan dhihi lahaa waxaa dareen laga helaa markee ogolaasho jirto mida kale ninka naagta qasbaayo waa nin muqadaraad isticmaalo ooba kawar heenin naagtiisa xaalka aay ku sugan tahay oo markuu wax iska dareemo ku dul habsanaayo xitaa iyadoo hurdeeso lkn nin ama wiil yaqana farxada oo miirkiisa tamaam yahay waxaas kuma kacayo xitaa hadu jiro xanuun waaba iska darema in aay qoftiisa caawa caadi eheen ooba meshaas ayuuba ka garana lkn kii dib jirka ahaa oo habeenkii waqti danbo socdo ooba ogeen xaaskiisa waxa aay ku seexatay ma nabad qabtaa ma xanuunsan tahay intaba kama war haayo oo waxuu raba meel uu shahwaadkisa ku baneeyo waxaa oo kale ka suurta gasha nimanka nuucaas cml ah in aay naagaha dhahaan waa xanjo ruuktooy maba idareento cml kkkkkkkk war maxee ku dareentaa wa adiga waqti danbo socdee oo iyado hurdesa wax kasodoneee xaaskada hadaad rabto in aad iska wada maqsuutaan waqti hore soogal xaafada oo adiga oo ninka iska biloow in aad is nadiifiso oo dhar macan aad soo xirato markaas waad dareemi doontaa raaxada iyo xaaskada in aay qatar tahay lkn adigoo soo qadaye ama game soo ciyaraye oo kabihii lugahada ka urayaan war haka soo doonin wax qasab la dhahayana ma jirto

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  11. j says:

    Asc walal waxan didin shegayaa Sariirta way ku macantahay Xaska in la qasbo Rali ahansho maba lahan wax xararad aha ama macaaun
    !

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  12. j says:

    bal adiga halmar kaliya fiiri tas adiga ayaaa yabi dona!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. xaq sheeg says:

    waar ilahay ka baqa oo runta sheega arintu eaxo iyo waxaas ma taagna waa arin diini ah naagtu ayada oo aan dhiig lahayn ninkeeda ma diidi karto hadii ay diidana waxa kusoo dagaysa nacdal ilaa inta waagu ka baryaayo markaa dadka xaqa haloo sheego weliba dumarka aan aqoonta diinta u lahayn teeda kale diingta barta diintu barsho badan ayay u baahan tahay ee oo gaalada aad qancinaysaan iska daaya weliba yarka meshan wax ku qora ee jimcaale waar diingta bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. xaq sheeg says:

    waar ilahay ka baqa oo runta sheega arintu raaxo iyo waxaas ma taagna waa arin diini ah naagtu ayada oo aan dhiig lahayn ninkeeda ma diidi karto hadii ay diidana waxa kusoo dagaysa nacdal ilaa inta waagu ka baryaayo markaa dadka xaqa haloo sheego weliba dumarka aan aqoonta diinta u lahayn teeda kale diingta barta diintu barsho badan ayay u baahan tahay ee oo gaalada aad qancinaysaan iska daaya weliba yarka meshan wax ku qora ee jimcaale waar diingta bro

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. sheima says:

    asc marka hore mar labaad waxaan ku darsan lahaa diinta ka sakow maaha ruuxa dumarkaa in lagu khasbo wax aaney diyaar u hayen qofku waa buki karaa maahee waa daalan yahey markaa wax khasabi ka jiro ee mar walba qofku ixsaan wax haku raadiyo waxaaba dhici karta inaad ku guuleysatee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. c.waahid says:

    sahro@
    abaaayo run ayaad sheegtay rag yaqaan raaxadanna waa jiraan ee haka tagin taas dooqagu waa sareeyaa viva gabdhaha somaaliyeed ee wax fahmaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. cabdi says:

    Sahro hadalkaaga waaba nagu kaa kicinayaaye meesha xaasley ma joogto doobna waa joogta sida aniga wlaaley nga dhin way nagu kacday hadee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Macow says:

    Run ahaantii Waxaa wanaagsan inaan laga tegin Diinta, Sabata oo ah wax waliba waxaa hogaan u ah diinta. Laakiin dadka qaar ayaa waxa ay iska dhaadhiciyeen dhaqamada wadamada aan u soo haajirnay taasi waxaan u arkaa qalad. Sababta oo ah Naagta lagu qabo guur xalaal ah oo ka dhaahir ah caadada, Hadii uu u baahdo ninkeeda ma diidi karto oo waa ineey u fulisaa waxa uu ninkeeda ijmaaca ka doonaayo xitaa hadii ay dharka ugu jiro oo ay meel u socoto. waa ineey ka tagtaa ninkeeda oo qanacsan oo raali ah. Laakiin hadii ay diido Ilaaheey Subxaana qaadir wuxuu ku soo dejinayaa NACALAD. Allahu ma najaynaa. Jazaakumulaah aan ku dhaqano diinteena meel walbo aan joogno.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  19. Heliyo Somalilander says:

    diin yaraan ayaa haysa gabdha halkan fikirkooda ka dhiibtay iyo kuwa soo raacaba, dhaqanka gaalada miyaad raacdeen ileen marka horeba cilmi ayaydaan haysan maasaad wadan gaalana timaadeen, deetana fikir ayaadab ka dhigteen diintiiba, ma ogtihiin naagtu hadaynay amar ninkeeda ka haysan in aanay aadi karin guriga waalidkeeda dhalay diinyin, teeda kale hadii gabadhu ninkeeda amarkiisa diido ma ogtihiin in nacdal kusoo dagayso intaas uu u xanaaqsanyahay, ordoo baxa oo diinta soo barta ha ugu horeeyo ninka webkan iska leh ee dadka aqoontoodu liidato uga faaiidaysanyo in wadada ka lumiyo, waxaa laga yaabaa in isaga laftiisu cilmi la,aani hayso oo dadkan fikirada gaalada qaadanaya uusan waxbaba kaga duwanayn, se haduu diinta Muslimka ah uu wax ka yaqaano oo majar habaabis wado taas ilaahay ayaa kala xisaabtami hadii kalena diinta hala barto,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. Runtu waa danta ummada says:

    Marka hore lamaanuhu in uu sariirta isku qasbo waa wax ka fog nolosha dabiiciga ah marka loo eego xaga diinta iyo tan bulshada isdooratay, dadka hadii aysan hilmaamin, nabigeenu waxuu jeclaa guri farxad ay ka jirto iyo in uu familkisa u xiisaan inta uu ka maqan yahay, ma isleedahay qof aad ku qasbayso wax aysan rabin ayaa kuu xiisaysa inta aad ka maqan tahay, waa maya. Dalkan aan ku noolnahay sharci baa u yaala marna bulshada anfaca marna culays ku ah bulshada ku cusub, waayo waxaa dhici karta qofka marka uu caroodo seygeeda in uu ka been abuuro isgoo uga faa iideysanaya sharciyada dalkan u yaala, Waana wax aad looga fiican yahay, dareenku waa qeeb kamid ah farxada ee ma ahan qasab, waxaae muhiim ah in aan farxad ku wada noolaano.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  21. Cabdu qaadir says:

    Asc marka Hore Waxaa Ku Waani Lahaa qoladaan Somaliska La Yiraahdo In Ay Iska Daayan Su,alaha Ku Taxa Luqa Ama La xariira Diinta Islamka Ama Su,aalaha Diiniga , Ay INta Dadka Soo Dhax Dhigaaan Yiraahdan Waa Dood Furan ee Fikirkina Ama ra,yigiinka Ka Dhiibta, Walalayal Umadan ha Galina baxar Diineed Adinka Hada Diinta Taqaanin Ka Jawabo Ama Culumada waydiya Lkn Su al Diini Ah Fikir ka Dhiibo Lama Dhihbi Karo waaaa Iga Waano Intaas,, Teeda kale Walalayaal Plz su aaal Diini Ah Fikir Haka Dhiibanina yay Xamasad Idin qadin Qofki Cilmi Leh Si Sax Ah ha Uga Jawabo Qofkaaa Aqoon Haka Gabsado Culumadana Ha waydiiyo Aswc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0