Ma ogtahay in dowlada Sweden ay ku jiraan wasiiro Muslim ah

4

Wasiirada cusub ee dowlada Sweden ee uu soo magacaabay raysal wasaare Stefan Löfven ayaa waxaa ka mid ah dhowr wasiir oo Muslim ah. Waa markii ugu horeysay ee taariikhda wadanka Sweden ay Muslimiin ka qabtaan xil wasiireed, iyadoo hada ay 3 xubnood ay yihiin Muslimiin.

Wasiirada Muslimiinta ah ee ka tirsan dowlada cusub ayaa kala ah Mehmet Kaplan oo ah wasiirka guryaha iyo horumarinta magaalooyinka. Mehmet ayaa ah nin u dhashay wadanka Turkiga isagoo sanadkii 1971 ku dhashay degmada Gaziantep, Turkey. Hada ayuu ku noolyahay xaafada Akalla ee Stockholm.

Waxaa kale oo wasiir noqday Aida Hadzialic oo noqonaysa qofkii ugu da’da yaraa ee Sweden wasiir ka noqda. Aida ayaa noqonaysa Wasiirka dugsiyada sare iyo aqoonta. Aida ayaa ku dhalatay degmada  Foča, ee wadanka Bosnia sanadkii 1987.

Sidoo waxaa wasiir noqday Ardalan Shekarabi oo ka soo jeeda wadanka Iran, Ardalan ayaa loo magacaabay wasiirka shacabka. Ardalan ayaa horay u ahaan jiray gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee SSU (Socialdemokratiska Ungdomsförbund).

Waa markii ugu horeysay ee dowlada Sweden ay dad Muslimin ah wasiiro ka noqdaan, waana markii ugu horeysay ee wadamada galbeedka Yurub ay tiro intaas gaaraysa oo Muslimiin ah ay xil wasiir ka qabtaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here