Ma ogtahay in uu jiro adeeg talo bixin caafimaad oo Af-Soomaali ah?

12

Dadka ku nool gobolka Stockholm waxay heli karaan adeeg talo bixin caafimaad oo Af-Soomaali ah. Wac 0771-1177 91 haddii adiga ama ilmahaagu jirrado, is dhaawaco ama u baahanyahay talobixin caafimaad. Markaa waxaad la hadli doontaa kalkaaliso caafimaad oo Af Soomaali lagaaga turjumayo.

Waxaad u wici kartaa dhammaan su´aalaha quseeya daryeelka caafimaadka iyo jirrada , dhibaatooyinka yaryar iyo kuwa waaweynba. Haddii aad u baahantahay inaad daryeel caafimaad hesho, waxay kalkaalisadu kaa caawinaysaa helitaanka xarunta caafimaad ee saxda ah.Talobixintu waa bilaash, wicitaankuna wuxu la qiimo yahay wicitaan telefoon oo caadi ah. Talobixinta caafimaad ee telefoonka ah darteed, uma baahnid in aad aaddo qaabilaadda degdegga ah ama xarunta xannaanada caafimaadka, ayada oo aanay qasab ahayn. Waxa kuu baaqanaya wakhti iyo lacag labadaba. Talobixintu waxay furantahay maalin kasta 08.00-22.00. Sidoo kale waxaad booqan kartaa 1177.se ama waxad wici kartaa lambarka telefoonka ee ah 1177 si aad af Iswiidhish ugu hesho caawimo iyo warbixin. Haddii aad u baahantahay, ambalaas waxad mar walba wici kartaa 112. Soo dhawoow!

Adeega turjumaada Af-Soomaaliga ayaa si tijaabo ah loo bilaabay sanadkii 2012, iyadoo ka dib uu maamulka gobolka Stockholm go’aamiyay in rasmi laga dhigo maadaama la dareemay baahida jidha. Hadaba haddii aad u baahantahay talo bixin caafimaad waxaad wici doontaa nambarka: 0771-11 77 91.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here