Ma qaybta xubnaha mise taageerayaasha Somaliska?

5

Ka dib qiimeyn dheer ayaan waxaan go’aansanay in Qaybta xubnaha ee aan ku soo dari lahayn Somaliska aan hakino ka dib markii ay noo soo baxday in dadka qaar aysan fahansaneyn sida looga midnoqdo waloow ay doonayaan in ay qarashka bixiyaan.

Inkastoo ay wali jirto baahidii aan markii hore u go’aaminay arintaan ayaan go’aansanay in aan ka dhigno tabarucaad oo keliya, iyadoo qofkii jecel in uu taageero hawlaha bogga uu noo soo diri karo tabarucaadiisa.

Adeegyadii aan balan qaadnay ayaan bogga ku soo dari doonaa iyagoo u furan dhamaan akhristayaasha, waxaan siyaadin doonaa wararka aan qorno, waxaan furi doonaa xafiiska Somaliska bisha soo socota ee Juli. Insha Allah

Intii horey u soo dirtay qarashka Qaybta Xubnaha ayaan dib ugu soo celin doonaa, qofkii doonaya waxa uu ula bixi karaa tabarucaada bogga. Mahadsanidiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here