Ma runbaa in dadka Somalia u safra Arlanda lagu joojinayo?

25

Beryahaan waxaa laysla dhexmarayay warar sheegaya in dadka haysta baasaboorka yar (Främlingspass) ee booqashada ku tagay Somalia ama u safraya lagu joojinayo ayroboorada Sweden, qaasatan Arlanda. Wararka qaar ayaa xitaa sheegaya in dadka qaarkood laga qaatay baasaboorka iyo deganaanshaha iyaga oo laga dalbaday in ay markale wadanka iska dhiibaan.

Hadaba si aan u xaqiijiyo arintaas ayaan la xiriiray Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo booliska xuduudaha ee Arlanda (Gränspolisen). Laanta Socdaalka ayaa markale ku celisay in aysan waxba iska badalin arinta ku saabsan baasaboorka Främlingspass iyo safarka dalkiii hooyo, iyadoo sharciga caadiga ah uu yahay in uusan qofka u safri karin wadankii uu ka soo haajiray balse aysan wax talaabo ah qaadin. Waxay intaas ku dareen in cidii su’aalo ka qabta arintaan ay la soo xiriiraan xafiiskooda.

Booliska xuduudaha ayaa sidoo kale ii xaqiijiyay in aysan cidna ku joojin Ayroboorka isla markaana aysan wax su’aalo ah dadka weydiin marka laga reebo in qofka uu wato baasaboorka iyo kaarka deganaanshaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la hubaa in xaalada ku aadan safarka Somalia uu sii adkaanayo, iyadoo hada isha lagu haayo dadka qaxootiga ah ee u safraya wadamadii ay ka soo carareen. Norway ayaa bishii hore ka dhawaajisay in sharciga laga ceshanayo cidii u safarta wadankii ay ka soo haajireen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here