Ma u aragtaa Sweden wadankaaga?

27

Maalmihii la soo dhaafay ee ay socdeen ciyaaraha kubada cagta ee Yurub ayaa waxaa dood na dhex martay asxaabtayda Soomaalida ah. Doodu waxay ku saabsanayd in ay waajib tahay in aan taageerno Sweden iyo in kale. Asxaabta qaar oo anigu aan ka mid ahay waxay istaageen in Sweden ay tahay wadankeena labaad sidaa darteedna ay waajib tahay in la taageero, marka tusaale ahaan ay wada ciyaareen Ukrain, Ingiriiska iyo Faransiiska. Qaar kale waxay istaageen in Sweden aysan wax xiriir wadaniyad ah la wadaagin, marka laga reebo magangalyada ay na siiyeen.

Arinta aan doonayo in aan ka hadlo waa xiriirka u dhexeeya Soomaalida wadankaan ku nool iyo Sweden. Xaqiiqadu waxay tahay in dadkii Soomaalida ahaa ee wadankaan soo galay waqtigii hore ee baasaboorada ka qaatay aysan qaar badan oo ka mid ah waxba ka qabsan wadanka, maadaama ay ka dhaadhacsaneyd in wadankoodii hooyo ay dib ugu laabanayaan, sidaa darteedna aysan wax muhiimad ah siin in ay horumar ka sameeyaan wadankaan. Ama in ay qadariyaan sida wadankaan u soo dhaweeyay oo ay u aqoonsadaan gurigooda.

Waa sax in wadankaan ay ka jiraan caqabado dhowr ah oo soo galootiga ka hor istaagaya in ay si dhab ah ula mid noqdaan dadka wadanka u dhashay, waxaa ka mid ah cunsuriyada iyo luuqada oo dadka qaar ku adag. Balse dhinaca kale, soo galootigu laftooda, qaasatan Soomaalida ayaa la dhihi karaa way ka seexdeen in ay talaabo u qaadaan wadadii ay kaga mid noqon lahaayeen bulshada wadanka. Baasaboor la qaato oo keliya, Swedishka laguma noqdo, in aad Swedish noqoto oo laguugu yeero sidaasna muhiimadu ma ahan. Waxaa ka muhiimsan in aad adigu aqoonsato in wadankaan uu yahay wadankaaga koowaad ama labaad. Oo aad ugu noolaato sidaa oo kale. Haddii aad ku noolaato nolol geedi ah , oo soo galooti aad ahaado waligaa…horumar iyo magac midna ka heli maysid wadankaan.

Soomaalidu waxay u baahanyihiin in ay ka baxaan jahwareerka ay abuuraan websiteyada soomaalida ee siyaasada qora iyo telefishinada soo tabiya dhacdooyinka macno darada ah ee ku dhisan dilka, dhaca, qilaafka, qabiilka iwm. Waxaa ka muhiimsan in qofka Soomaaliga ah ee wadankaan ku nool uu akhristo akhbaaraadka wadankaan, xiiso geliyo nolosha wadankaan. Soomaaliya meel xooga la saaro hada ma ahan, waa wadan mustaqbalkiisii burburay, haddii aad dareenkaaga u badiso dhinaca Soomaaliya macnaheedu waa in mustaqbalkaaga iyo kan caruurtaada uu ku xiranyahay kan Soomaaliya.

Anigu waxaan leeyahay qofka Soomaaliga ah ee ka soo tagay wadankii waa in uu si kal iyo laab ah ula qabsadaa wadanka cusub ee uu yimid, waa in aad ka mid noqotaa nolosha wadankaan, isla markaana dhex gashaa bulshada wadankaan. Soomaaliya markii ay hagaagto Allah hana gaarsiiyo, intii ka qeyb qaadan karta hagaajinteeda waxaan leenahay ilaahay haydinla garab galo balse inta kale waa in ay dadka Sweden dhinac ka raacaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here